|
Home | Contact Us | Links | Archives |
| ISSUE 2080 | July 01, 2009 Rajab 8,1430H | |
|
Madaxweyne Obama Oo Socdaalkiisii U Horeeyay Ku Tegay Qaaradda Yurub Xukuumadda Madaxweyne Rayaale Iyo Tirada 29 Ma Faal Baa U Qabtay Koox Suxufiyiin Ah Oo Dhamaystay Tababar Aqooneed Ku Saabsan Xalinta Khilaafaadka Iyo Nabada Sirdoonka Iyo Habka Uu U Shaqeeyo
Safarkaygii Somaliland Iyo Wixii Aan Ku Soo Arkay 2008-2009 Dhalinyaradu Marnaba Ma Ogola Odayaal Korkooda Ku Legdama, Lumiyana Mustaqbalkooda Dawladdu Xayaysiiska Caano Boodhaha Iyo Maraq Digaaga Ha iska Dayso Wadooyin Ay Iska Kaashadeen Dawladda Hoose Iyo Dadka Ku Nool Degmada 26 June Oo Wasiirka Daakhiligu Xadhiga Ka Jooyey Roobabkii Xilliga Guga Oo Ka Curtay Somaliland Wakiiladda Oo Cod Aqlabiyad Ah Ku Ansixiyey Miisaaniyadda 2009, Laba Bilood Oo Fasax Ahna Galay
|
Ninka Yidhi Komishanka Ha La Beddelo Waa Iska Hadlow Ina Igare Cabdiraxmaan Maxamed Axmed (Cabdiraxmaan Dheere) Dadweynaha reer Somaliland waxay filayeen marka ay yeeshaan xisbiyo qaran in ay ka dhamaan doonto isqabsi siyaasadeed oo si xor ah loo tartami doono. Ninkasta oo doorasho doonayaa soo bandhigi doono qorshihiisa siyaasadeed wanaaga uu ku hogaaminayo ummada iyo wuxu kaga wanaagsan yahay ninka uu la tartamaayo. Halkaasna ay shacbigu ku kala dooran doonaan iyago ku kala qiimaynaya qorshahooda ay soo bandhigaan iyo aragtida khudbadahooda oo aan ku kala dooranayn xigto iyo nin jeclaysi hadaba iyadoo ay ummaddu u arkaysay in doorashooyinkii hore u dhacaan sidii ay filayeen oo ay ugu dhamaatay si nabad galyo ah oo aan Ri’ Ri herdiyin. Waxay maanta warwar weyn ka qabaan siday u dhici doonto doorashadan soo socota marka la eego muranka ka dhex aloosan saddexda xisbi ee doonaya in ay ku tartamaan doorashada madaxweynaha shacbigu waxay u arkaan in xisbiyadii isku rogaan urur kooxeedyo cid gaar ahi leedahay, mar hadii saddexdii nin ee shalay ku tartamay ay yihiin kuwa maantana tartamaya taasi oo aan sheeko iyo shaahid lagu arag xisbi soo sharax ninkii shalay laga badiyey tartankii doorasho iyadoo rag kale xisbiga ka mid yihiin. Laba waxay u arkaan in ay masuul ka yhiin dib u dhaca horumarkii dalka,burburinta nidaamkii doorashooyinka iyo dib u dhaca ku yimid doorashada golayaasha degaanka iyo tii madaxtooyada oo maanta ah ta keentay khalkhalka siyaasadeed ee dalku ku jiro. Hadaba iyadoo xumaanta ay sameeyaan tahay ta maanta keentay in goleyaasha deegaanku fadhiyaan sharci daro madaxweyne wakhtigiisii dhamaaday fadhiyo, golihii wakiilada ka dhamaanayso ayaa waxa aad umadu ula yaabtay, markii la isla qaatay in doorashada la qabto 24/9/09 waxay hadana xisbiyada mucaaridku soo jeediyeen in komishanka la bedelo iyagoo sheegay in aanay ku kalsoonayn (kadar oo dibi dhal)ayey arritaasi ku noqotay shacbiga. Waxayna u arkaan in ay tahay baroortu orgiga ka weyn oo ay wax kale ku jraan meesha, mar haddii ay taa keeneen maanta waxa kale oo ay la yaabaan ninka doonaya in uu ummada madaxweyne u noqdo, miyaanu garanyn xeerarka iyo dastuurka in komishanku yahay hay’ada Qaran oo aan cidi bedeli Karin ilaa lagu helo dambi qaran oo ay galeen, maxkamadna ku cadayso hadalkaasi wuxu shacabku u arkaa mid u jeedo kale leh oo lagu doonayo in dalka khalkhal lagu galiyo. Xaga kale waxay shacbigu u arkaa ninka leh kuma kalsooni maanta oo ayna wali doorasho dhicin in uu doonayo bari ka maalin markay doorasho dhicin inuu doonayo bari ka maalin markay doorashadu dhacdo inuu fidno abuuro oo uu yidhaa waa lagu shubtay dalkana u horseedo tii ka dhacday Keny, Zimbabwe, maantana Iiraan ka socota oo aynu ku burburno. Ugu dambeyn shacbigu waxay taagan yihin balaayo madax la qabto ayey leedahay ee mijo la qabto malaha,haddii aan si degdeg ah wax loogu qaban kuwan xisbiyada sheeganayaa halisbaynu ku jirnaa. Waxaanu shacbigu soo jeedinaya in laga saxeexo kalsoonida komishanka ragan tartamaya kii diidana laga qaado ogolaanshaha ka qaybgalka doorashada si aanu hadhow fidmo inooga dhex abuurin, arrintaa wax ka qalad keedana waxa uu xilsaaran golaha Guurtidu oo shicibku u arko hogaanka arrimaha nabadgelyada dalka. Ta kale komishanka waxaan leeyahay waxaad masuul ka tihiin mustaqbalka ummadda, xilka baa idin saaran si cadaalad ah u guta, shacbigu wuu idinku kalsoon yahay ninkii yidhaa maanta ah la bedelana waxaanu u aragnaa iska hadlow ina igare. Dhexdiinana hagaajiya oo noqda rag xil ummadeed wada saaran yahay, khilaafka ra’yigu ma xuma ee had iyo jeer meel iskugu taga ra’yiga sharaftiina iyo ta masuuliyada idiin saaran ilaaliya cadaalada iyo sharcigana ku dhaqma Waa bilaahi tawfiq. |