|
Home | Contact Us | Links | Archives |
| ISSUE 2080 | July 01, 2009 Rajab 8,1430H | |
|
Madaxweyne Obama Oo Socdaalkiisii U Horeeyay Ku Tegay Qaaradda Yurub Xukuumadda Madaxweyne Rayaale Iyo Tirada 29 Ma Faal Baa U Qabtay Koox Suxufiyiin Ah Oo Dhamaystay Tababar Aqooneed Ku Saabsan Xalinta Khilaafaadka Iyo Nabada Sirdoonka Iyo Habka Uu U Shaqeeyo
Safarkaygii Somaliland Iyo Wixii Aan Ku Soo Arkay 2008-2009 Dhalinyaradu Marnaba Ma Ogola Odayaal Korkooda Ku Legdama, Lumiyana Mustaqbalkooda Dawladdu Xayaysiiska Caano Boodhaha Iyo Maraq Digaaga Ha iska Dayso Wadooyin Ay Iska Kaashadeen Dawladda Hoose Iyo Dadka Ku Nool Degmada 26 June Oo Wasiirka Daakhiligu Xadhiga Ka Jooyey Roobabkii Xilliga Guga Oo Ka Curtay Somaliland Wakiiladda Oo Cod Aqlabiyad Ah Ku Ansixiyey Miisaaniyadda 2009, Laba Bilood Oo Fasax Ahna Galay
|
Runta Magan Is Diidsii “Quusta Laga Taagan Yahay Maamulada Dawladdaha Hoose Guud Ahaan…Dadku Runta Ha U Soo Noqdo, Doorashadana Gacantooda Ha Muujaan” Qalinkii Maxamed Axmed Cilmi (Sabce) Maqaalkayagan waxaan kaga hadlayaa nuxurka arrimaha dalka ka taagan iyo waxyaabaha loo baahan yahay in wax laga qabto oo dadweynuhu fahmaan.iyo doorashooyinka soo socda oo bulshada reer Somaliland inay gacantooda ku muujaan.si ay uga gudbaan sida imika xaal yahay. 1.Dooda iyo sawaxanka ka taagan doorashooyinka siiba ta madaxweynaha iyo dawladaha hoose ee dalkeena khaasatan dibadaha iyo gudahaba. 2. Hab dhaqanka iyo garasho la’aanta ka taagan dadweynaha dhexdiisa iyo ku xumeeda iyo anna way-kanta lagu mashquulay 3. madaxda dawladda khaasatan wasiirada, golayaasha baarlamaanka iyo golayaasha dawladaha hoose oo ay arrintoodu tahay ayaan ku korsayaaye dawladi ma jirto ayaa badatay. 4. ayaan darrada maamulka ka taagan oo dhinacba loo diiday in la socodsiiyo. 5. Riyada aan jirin ee warbaahinta laga sheegayo. 6. Cabashada joogtada ah iyo kuwa qarka soo jafaaya ee qumanaha isku haysta. 7. Nabada iyo waxqabsiga dadweynuhu keenay ee dugsiga laga dhigtay, ee wax qabad ahaan laga dhigay. 8. Quusta laga taagan yahay maamulada dawladdaha hoose guud ahaan magaalo madaxeedyada doorashooynkooda mugdi ku jiro wakhtiga ay u dareerayaan. 9. baahida laga lahaa doorashooyin oo wali taagan “Caamir waa Saleelee annaa Haatan Caymadi”. Isku soo wada duub oo illaa doorashooyinkii dalka ka dhacay haddii dib loo raaco hadaladii ay madaxda Axsaabtu ku hadlaysey siiba warbaahinta ay u sii marinayeen, waxay ahaayeen hadaladaasi, hal bacaad lagu lisay. Ta hadda warbaahinta ka taaganina waa la mid waana yooyootan, 19 sanno waxgaradka ummadu waxay intaa la baadi-doonayey isbedel wax qabad oo dadweynuhu arkaan dad ahaan iyo dal ahaanta dhinacyada dawlada. Dawladdi afweyne waxaa lagu riday oo loola dagaalamay cadaalad darro, waxqabad la’an iyo qabyaalad ay calan ka dhigatay kuna bedeshay calankii. Runtii waxa hadda taagan dawladnimo oo wali sidii loo hanan lahaa ayu diidayno, malaha dadka qaarkodna waxaa u hillaacaya dhalanteed meelo kale loogaheeyao. Ictiraaf helideeda ayaa dhegta dadweynaha loo geliyey walina ka guuxaysa looma sheegin runta oo ictiraafku yahay wax qabso oo wax noq, markaa adiga ayaa laguu baahan doonaa si aad ula midowdo. Waxaan hadalkayga uga socdaa runtii arrinta uu madaxweynuhu ku dhawaaqay markii socdaalkiisii Kuweyt ka soo noqday ee ahaa “ictiraafka waxa ka horeeya dhaqaale la sameeyo hanashada qax qabadka nolosha aasaasiga ah iyo wax wada qabsi sida runtu tahayna waa sidaas ee yaan meelo kale laga doon-doonin ee nin walawba ku quuso. Ceelna uma qodna cidina uma maqna ee dadweynuhu runta ha u soo noqdo doorashadana gacantooda ha muujaan. |