Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

ISSUE 2081 July 02, 2009                  Rajab 9,1430H

Boqolaal Tahriibayaal Ah Oo Ku Qaraqmay Xeebaha Liibiya Iyo Dareenka Cabsida Leh Ee Dhalinyarada Reer Somaliland Ee Ku Qulqulaya Dalalka Waqooyiga Afrika

Kulmiye oo cadeeyey mawqifkiisa ku aadan muddo kordhinta ay Guurtidu u samaysay Madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa

Madaxweyne Obama Oo Socdaalkiisii U Horeeyay Ku Tegay Qaaradda Yurub

Xukuumadda Madaxweyne Rayaale Iyo Tirada 29 Ma Faal Baa U Qabtay

Koox Suxufiyiin Ah Oo Dhamaystay Tababar Aqooneed  Ku Saabsan  Xalinta Khilaafaadka Iyo Nabada  

Sirdoonka Iyo Habka Uu U Shaqeeyo

 

Safarkaygii Somaliland Iyo Wixii Aan Ku Soo Arkay 2008-2009

Dhalinyaradu Marnaba Ma Ogola Odayaal Korkooda Ku Legdama, Lumiyana Mustaqbalkooda

Dawladdu Xayaysiiska Caano Boodhaha Iyo Maraq Digaaga Ha iska Dayso

Wadooyin Ay Iska Kaashadeen Dawladda Hoose Iyo Dadka Ku Nool Degmada 26 June Oo Wasiirka Daakhiligu Xadhiga Ka Jooyey

Roobabkii Xilliga Guga Oo Ka Curtay Somaliland

Wakiiladda Oo Cod Aqlabiyad Ah Ku Ansixiyey Miisaaniyadda 2009, Laba Bilood Oo Fasax Ahna Galay

 

Xaafada Aw-Aadan Oo Caleema Saartay Guddida Dhalinyarada Iyo Haweenka Oo Dhawaan La Soo Doortay

Hargeysa June 30, 2009 (Haatuf)-Dadweynaha ku dhaqan xaafada Aw-Aadan ee ka tirsan Degmada Gacan Libaax ee magaalada Hargeysa ayaa shalay qabtay xaflad ballaadhan oo ay ku caleemo saarayeen laba guddi oo cusub oo dhawaan la soo doortay oo kala ah guddida dhaliyarada iyo haweenka xaafadaasi.

Xafladaas oo ay ka qayb galeen masuuliyiin badan oo uu hor kacayo Gudoomiye ku xigeenka Degmada Gacan Libaax Mustafe Xasan Nuur, Taliyaha Saldhiga bilayska  ee Daloodho, Gudoomiyaha Xaafada Aw-Aadan Ismaaciil Muxumad Dharaar iyo Marti sharaf kale, taas oo ka dhacday dugsiga hoose dhexe ee Aadan Dhamac.

Ugu horeyn waxa ka hadlay Gudoomiyihii Hore ee Guddida dhalinyarada Xaafada Aw-Aadan, Axmed Jirde Cabdi ayaa ka waramay waxyaabihii badnaa ee u qabsoomay intii ay xilka hayeen, isla markaana sheegay inay jiraan hawlo badan oo qabyo ah oo u baahan in guddida dambe dhamaystirto, wuxuuna sheegay inay doorashadii la qabtay 5-ta bishan June ay ahayd tii ugu weynayd ee lagu soo doorto guddiyo cusub iyadoo ay xaafadu lixdii bilood-ba mar soo doorato guddi dhalinyaro oo cusub, taasoo ay ka codeeyeen dadweyne tiro badan kuna dhamaaday jawi aad u nabdoon, waxuuna raaciyay in muddada xilka uu hayay uu aad ugu dadaalaayay inuu xoojiyo isku xidhka iyo wada shaqaynta xaafada gudaheeda loona baahan yahay in arrintaasi la sii xoojiyo oo halkaas laga sii wado

Waxa kale oo halkaasi ka hadlay Gudoomiyaha Guddida Dhalinyarada ee dhawaan la soo doortay Axmed Xasan Ibraahin kaas oo si faahfaahsan uga waramay ajandaha uu doonayo inuu wax ka qabto muddada lixda bilood ah ee uu xilka hayo, taasoo ay ugu horeyso xaalada Biyaha ee xaafada in uu wax ka qabto iyo arrimaha dhalinyarada sida ciyaaraha oo kale, isla markaana ballan qaaday inuu inta itaalkiisa ah qaban doono.

Intaa ka dib waxa halkaasi ka hadlay Dhuuxo Aw-Aadan oo ah Gudoomiye Ku xigeenkii guddidii hore ee Haweenka ee xilka wareejinayay waxana sheegtay in muddadii xilka hayeen ay ku dadaaleen inay inta awoodooda ah wax qabteen, isla markaana ay xooga saareen sidii ay u taakulayn lahaayeen qoysaska danyarta ah ee baahan eek u dhaqan xaafada, sidaa daraadeed-na ay u aasaaseen mashruuc ay ugu magac dareen Miskiin Kal-Kaal, kaas oo ay qoysaska ladan ay ka soo ay uga soo ururiyaan raashin iyo wixii kale ee ay ku taakulayn karaan isla markaana ay siiyaan qoysaska baahan.

Waxay sidoo kale xaqiijisay inay aad uga shaqeeyeen iyada iyo gudoomiyaheeda Ugaaso Cabdi Muxumad Intii ay xilka hayeen sidii haweenka xaafadaasi lays-ugu xidhi lahaa.

Waxa kale oo halkaasi ka hadlay Gudoomiyaha Guddida Haweenka Xaafada Aw-Aadan ee dhawaan la soo doortay Xaawa Aw-Maxamuud Maxamed, iyada oo sharaxaad ka bixisay waxyaabaha u qorshaysan inay wax ka qabto, ayaa sheegtay inay in badan ka soo shaqaysay hawlaha danaha guud ee xaafada, isla markaana ka dhawaajisay inaanay waxba u qabsoomayn haddii aanay dadweynaha xaafadu aanay ku garab galin hawsha sugaysa.

Sidoo kale waxa halkaasi ka hadlay Axmed Ibraahin Warsame  oo ka mid ah odayaasha Hal doorka ah ee xaafada wuxuuna u mahad celiyay dadka isku hawlay inay xaafada wax u qabtaan, isla markaana wuxuu sheegay in xilka oo kaliya aanu wax tar lahayn haddii aanay la socon wax qaba

Sidoo kale xafladaasi sida wanaagsan loo soo agaasimay waxa lagu soo ban dhigay riwaayad aad u raali galisay ka soo qayb galayaashii oo ay isku soo duba rideen dhalinyarada xaafada taasi oo ay ugu Magac dareen ( BULSHO)Gudoomiye Ku xigeenka Degmada Gacan Libaax Mustafe Xasan Nuur ayaa ka mid ahaa Masuuliyiintii ka hadlay xafladaasi wuxuuna ku dheeraaday qiimaha weyn ee ay degmo ahaan kaga fadhido xaafada Aw-Aadan, isla markaana ay tixgalin weyn ay u hayaan, iyadoo noqotay ayuu yidhi Xaafada kowaad ee xaafadaha Degmada G/Libaax

waxaanu u ballan qaaday inay si wanaagsan ula shaqayn doonaan guddiyada cusub ee la soo doortay, isla markaana ay degmadu intii awoodeeda ah ay wax kala qabanayso.

Ugu dambayntii waxa halkaasi ka hadlay Gudoomiyaha xaafada Aw-Aadan Ismaaciil Muxumad Dharaar ayaa hadalo tusaale iyo duco isugu jira ka waramay, kaasoo ka waramay qiimaha ballaadhan ee ay kaga fadhido munaasibadan oo kale, isagoo u mahad naqay guddiyadii hore ee ka soo shaqeeyay danta guud ee xaafada, kaas oo iftiimiyay faa’idooyinka weyn ee ku jira midinimada iyo wax wada qabsiga.

Ugu dambayntii gudoomiye xigeenka Degmada Gacan Libaax iyo Gudoomiyaha xaafada Aw-Aadan ayaa waxay gudoonsiiyeen shahaado sharfyo dadkii sida wanaagsan

Uga soo shaqeeyay danta guud ee xaafada oo kala ahaa:

1.     Axmed jirde Cabdi

2.     C/Raxmaan Maxamed Ismaaciil

3.     Maxamed Xuseen Cabdi

4.     Jaamac C / Risaaq Jaamac

5.     Xaawa Aw-Maxamuud Maxamed

6.     Ugaaso Cabdi Muxumad

7.     Dhuuxo Aw-Aadan

8.     Taliyaha Rugta Xaafada Aw-Aadan Maxamed Cumar Rooble.