Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

ISSUE 2081 July 02, 2009                  Rajab 9,1430H

Boqolaal Tahriibayaal Ah Oo Ku Qaraqmay Xeebaha Liibiya Iyo Dareenka Cabsida Leh Ee Dhalinyarada Reer Somaliland Ee Ku Qulqulaya Dalalka Waqooyiga Afrika

Kulmiye oo cadeeyey mawqifkiisa ku aadan muddo kordhinta ay Guurtidu u samaysay Madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa

Madaxweyne Obama Oo Socdaalkiisii U Horeeyay Ku Tegay Qaaradda Yurub

Xukuumadda Madaxweyne Rayaale Iyo Tirada 29 Ma Faal Baa U Qabtay

Koox Suxufiyiin Ah Oo Dhamaystay Tababar Aqooneed  Ku Saabsan  Xalinta Khilaafaadka Iyo Nabada  

Sirdoonka Iyo Habka Uu U Shaqeeyo

 

Safarkaygii Somaliland Iyo Wixii Aan Ku Soo Arkay 2008-2009

Dhalinyaradu Marnaba Ma Ogola Odayaal Korkooda Ku Legdama, Lumiyana Mustaqbalkooda

Dawladdu Xayaysiiska Caano Boodhaha Iyo Maraq Digaaga Ha iska Dayso

Wadooyin Ay Iska Kaashadeen Dawladda Hoose Iyo Dadka Ku Nool Degmada 26 June Oo Wasiirka Daakhiligu Xadhiga Ka Jooyey

Roobabkii Xilliga Guga Oo Ka Curtay Somaliland

Wakiiladda Oo Cod Aqlabiyad Ah Ku Ansixiyey Miisaaniyadda 2009, Laba Bilood Oo Fasax Ahna Galay

 

Dagaalo Culus Oo Ka Dhacay Muqdisho, Walaaca Dadka Ee Ciidamada Shisheeye Iyo Odayaasha Dhaqanka Hawiye Oo Dhinacyada Isku Dilaya Somalia Uga Digay Inaanay Markale Gumaysi Cusub U Horseedin Dalka

Muqdisho, July 02, 2009 (W.Wararka) – Dagaalo culus ayaa maalintii shalay gelinkii dambe ka qarxay magaalada Muqdisho ee caasimada Somalia, kaas oo ay iskaga soo horjeedaan kooxaha Islaamiyiinta ah ee Mayalka adag iyo dawladda taagta daran ee uu madaxda ka yahay Sheekh Shariif.

Dagaalkan Shalay oo sida ay warbaahinta Muqdisho sheegtay ay ku naf waayeen in ka badan 15 qof, isla markaana ku dhaawacmeen ku dhawaad 40 qof ayaa shalay gelinkii dambe dib uga qarxay deegaano ka mid ah Magaalada Muqdisho oo maalmihii u dambeey waxoogay deganayd, kadib markii ay muddo dhawr bilood ah ay dagaalo qadhaadhi ku dhex marayeen kooxaha mayalka adag iyo dawladda Taagta daran ee Somalia.

Dagaalkan oo ka bilaabmay Degmada Kaaraan ayaa xoogiisu waxa uu ka dhacay ka dhacay inta u dhaxeysa Isgoyska Sanca iyo Daarta Beexaani iyo iyo halka loo yaqaano Geedoole, waxaanu ahaa dagaal xoog leh oo la isku addeegsaday Madaafiicda Goobta, kuwaas oo geystay khasaare Naf, maal iyo Burbur hantiyeedba gaadhsiiyey dadweynaha ku dhaqan deegaanada dagaaladu ka dhaceen iyo xaafadaha ku dhaw-dhaw-ba.

Wararka ka Imanaya Muqdisho ayaa sheegay in dadka ku dhaawacmay iyo kuwa ku dhintayba ay u badan yihiin dadweynaha Xaafadaas uu dagaalku ka dhacay Deganaa, kuwaas oo  ay haleeleen madaafiic iyo rasaas habowga ah ee ay isweydaarsanayeen labada dhinac.

Dhimashada iyo dhaawaca tirada badan ee dadkaas ka soo gaadhay ayaa waxa kordhiyey madaafiic ay dhinacyada dagaallamaya isu adeegsadeen intii uu dagaalka socday, taas oo la sheegay in dagaalkani uu markii hore ku bilowday kadib markii kooxaha ka soo horjeeda Dowladda Sheekh Shariif ay soo buuxiyeen Isgoyska Sanca iyagoo wata gawaadhida Tiknikada ah, dagaalkaas oo socday ilaa xalay cawaysinkii ayaa laga yaabaa in khasaaraha uu geystay uu intaasi ka sii badan yahay.

Dadka ku dhaqan magaalada Muqdisho iyo meelo ka mid ah Somalia oo ay iskaga soo hor jeedaan Kooxaha Islaamiyiinta Mayalka Adag iyo dawladda Taagta daran ee Somalia, ayaa walaac weyn ka qaba ciidamada shisheeye ee lagu baaqay in la geyn doono Somalia, kuwaas oo ay ka soo horjeedaan kooxaha Islaamiyiinta ah, waxaanay dadka intiisa badani aamin san yihiin inay ciidamadaasi sii laban laabi doonaan dhibaatada ka jirta Somalia iyo dagaalada sababay Burburka iyo bara kaca ay ku sugan yihiin badi dadka ku nool dhulkaasi.

Dhinaca kale odayaasha dhaqanka beelaha hawiye ayaa si weyn walaac uga muujiyey ciidamada shisheeyaha ah ee la keenayo Somalia, isla markaana ugu baaqay dhinacyada isku haya Somalia in aanay Somalia u horseedin gumaysi cusub oo dib u qabsada.

Golaha dhaqanka iyo midnimada beelaha hawiye ayaa uga digay dhinacyada iskaga soo horjeeda siyaasadda dalka Somalia in aaney waddanka 49 sano ka dib xonimadii uu ka qaatay gumestihii  Talyaaniga  aaney sabab u noqonin in gumeysi waddanka mar kale dib u qabsadoqabsada.

Gudoomiyaha golaha dhaqanka iyo midnimada beelaha hawiye Maxamed Xasan Xaad oo la hadlayay qaar ka mid ah warbaahinta ayaa waxa uu walaac ka muujiyey xaalada xilligan uu marayo dalka Somalia,  gaar ahaan xaalada magaalada Muqdisho.

Guddoomiyahu Waxa uu sheegay inay nasiib darro tahay 49 sano ka dib markii uu waddanku ka xoroobay in xiligani heysato shacabka Soomaaliyeed dhibaatooyin aad u badan waxaana guddoomiye Xaad hambalyo ku aaddan 1-da Luulyo u diray shacabka Soomaaliyeed iyadoo ay dhanka kalena uga tacsiyadeeyeen  dhibaatooyinka ay la kulmayeen muddada ku dhow 20ka  sano.

Guddoomiyaha ayaa waxa uu ugu baaqay dhinacyada iskaga soo horjeeda siyaasadda Soomaaliya in aanay  dalka dib ugu celin inuu galo gumeysi cusub maadaama iyagu ay u halgamayaan qaranimada Soomaaliyeed.

Walaaca ay muujinayaan golaha dhaqanka iyo midnimada beelaha hawiye ee ku aaddan inay meesha ka baxdo madax banaanida dalka ayuu wuxuu ku soo aadayaa xilli lagu jiro dabaaldegyada  sanad guuradii ka soo wareegatay 49 sano ka dib markii ay xoroobeen gobalada koonfureed iyo israacii labada gobal.

Golaha midowga Africa ayaa shir madaxeed uu ku leeyahay dalka Libiya ka soo saaray in Somalia la geeyo ciidamo xoog leh oo nabad ka dhaliya halkaasi, iyaga oo ugu baaqay in go’aankaas Jimciyada Quruumaha ka dhaxaysaa dhaqan geliso, iyada oo wadamada Africa ee Somalia la jaarka ahi ay ku dhawaaqeen inay diyaar la yihiin inay ciidamadooda u diraan Somalia haddii ay Qaramada midoobay bixinayso kharashka ku baxaya.