|
Home | Contact Us | Links | Archives |
| ISSUE 2081 | July 02, 2009 Rajab 9,1430H | |
|
Madaxweyne Obama Oo Socdaalkiisii U Horeeyay Ku Tegay Qaaradda Yurub Xukuumadda Madaxweyne Rayaale Iyo Tirada 29 Ma Faal Baa U Qabtay Koox Suxufiyiin Ah Oo Dhamaystay Tababar Aqooneed Ku Saabsan Xalinta Khilaafaadka Iyo Nabada Sirdoonka Iyo Habka Uu U Shaqeeyo
Safarkaygii Somaliland Iyo Wixii Aan Ku Soo Arkay 2008-2009 Dhalinyaradu Marnaba Ma Ogola Odayaal Korkooda Ku Legdama, Lumiyana Mustaqbalkooda Dawladdu Xayaysiiska Caano Boodhaha Iyo Maraq Digaaga Ha iska Dayso Wadooyin Ay Iska Kaashadeen Dawladda Hoose Iyo Dadka Ku Nool Degmada 26 June Oo Wasiirka Daakhiligu Xadhiga Ka Jooyey Roobabkii Xilliga Guga Oo Ka Curtay Somaliland Wakiiladda Oo Cod Aqlabiyad Ah Ku Ansixiyey Miisaaniyadda 2009, Laba Bilood Oo Fasax Ahna Galay
|
Weriye Axmed Xasan Cawke Oo Noqday Shakhsiga Ugu Mobile Lumista Badan Hargeysa “Anigu Waan Is Dhaafin Waayey Markay Bil Iyo Badh Aan Hargeysa Joogay 6 Mobile Iga Lumen Oo Aan Hadda Sito Mobil-Kii Toddobaad” Axmed Xasan Cawke Hargeysa, July, 2, 2009, (Haatuf)- Weriyaha caanka ah ee Axmed Xasan Cawke ayaa daraasad uu ku sameeyey lumitaanka Telefoonada Gacanta ee loo yaqaano Mobile-ka ayaa isagu noqday shakhsiga ugu mobile lumista badan magaalada Hargeysa, halkaas oo muddo 45 cisho ah oo uu joogay ay kaga lumeen Lix Telefoon oo Mobile ah, isaga oo sheegay in uu hadda sito mobile-kii Toddobaad, weriye Axmed Xasan Cawke oo arrintaa uga Waramay Weriye ka tirsan Haatuf ayaa waxa uu yidhi “Baadhistii aan ku sameeyey shakhsiga ugu mobil lumista badan magaalada Hargeysa ayaan anigu shakhsiyan is dhaafin waayey, waayo muddadii aan Hargeysa joogay oo ah bil iyo badh ayaa waxa iga lumay lix mobile, kan aan hadda sitaana waa mobilkii toddobaad, iyada oo lixdaa mobile-ba aan mid keliya la iga xadin, balse ay lixduba aniga ayay iga lumeen”. Haddaba mar la weydiiyey sababta ay mobiladu uga lumen, halkay kaga lumeen iyo inuu iibsaday lixda mobile-ba isagu, ayaa waxa uu ku jawaabay “arrinta iigu wacan mobile lumista badan waa deeqsinimada dadka reer Somaliland sababtoo ah markuu mobile iga lumaba qofka I garab fadhiya uun baa ii iibiya xabad mobile ah, iyagoo dadka reer Somaliland ku odhanaya ma mobile-kii baa kaa lumay? Markaad ugu jawaabto haa, waxay ku odhanayaan iska daa anigaa xabad kuu soo iibinayee, iyagoo isla markiiba mid cusub kuu keenaya, sababtaas ayaa iigu wacan inay mobilo badani iga lumaan, hadaanay dadka reer Somaliland deeqsiyiin ahayn oo marka mobile-ka aan ku ilaabo meeshaan yara fadhiistaba sida hudheelada aan ka cuntaynayo oo kale aanay ii iibin lahayn waxa laga yaabi lahaa in lumista badan ee mobiladu iga yaraan lahayd”. Weriye Cawke isaga oo ka jawaabaya halka ay lixda mobile kaga lumeen wuxu yidhi “saddex mobile waxay igaga lumeen magaalada Hargeysa oo reer Hargeysa way ii iibiyeen saddexdiiba, Boorama mid baa igaga lumay maalintii aaskii Cabdi Xasan Buuni oo reer Boorama xabadaa mobilka ah ee iga luntay way ii iibiyeen, Gebiley-na labaa igaga lumay oo midna way ii iibiyeen kii labaadna nin Suldaan ah ayaa iiga ergeeyey”. Weriye Axmed Xasan Cawke oo ka mid ah Weriyeyaasha ugu caansan ee soomaray Idaacadaha Afka Somalia iyo Televisionada ayaa ah shakhsi u fiirsada dhacdooyinka aanay inta badan dadku u fiir-fiirsan, kaas oo hadda iyo jeer Ururiya Halku-dhegyo layaab iyo qosol xambaarsan oo bulshada dhexdeeda ka dhaca, basle aanay inta badan dadku si fiican u dhaadin. |