Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

ISSUE 2081 July 02, 2009                  Rajab 9,1430H

Boqolaal Tahriibayaal Ah Oo Ku Qaraqmay Xeebaha Liibiya Iyo Dareenka Cabsida Leh Ee Dhalinyarada Reer Somaliland Ee Ku Qulqulaya Dalalka Waqooyiga Afrika

Kulmiye oo cadeeyey mawqifkiisa ku aadan muddo kordhinta ay Guurtidu u samaysay Madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa

Madaxweyne Obama Oo Socdaalkiisii U Horeeyay Ku Tegay Qaaradda Yurub

Xukuumadda Madaxweyne Rayaale Iyo Tirada 29 Ma Faal Baa U Qabtay

Koox Suxufiyiin Ah Oo Dhamaystay Tababar Aqooneed  Ku Saabsan  Xalinta Khilaafaadka Iyo Nabada  

Sirdoonka Iyo Habka Uu U Shaqeeyo

 

Safarkaygii Somaliland Iyo Wixii Aan Ku Soo Arkay 2008-2009

Dhalinyaradu Marnaba Ma Ogola Odayaal Korkooda Ku Legdama, Lumiyana Mustaqbalkooda

Dawladdu Xayaysiiska Caano Boodhaha Iyo Maraq Digaaga Ha iska Dayso

Wadooyin Ay Iska Kaashadeen Dawladda Hoose Iyo Dadka Ku Nool Degmada 26 June Oo Wasiirka Daakhiligu Xadhiga Ka Jooyey

Roobabkii Xilliga Guga Oo Ka Curtay Somaliland

Wakiiladda Oo Cod Aqlabiyad Ah Ku Ansixiyey Miisaaniyadda 2009, Laba Bilood Oo Fasax Ahna Galay

 

Mudane Qabile Oo Digniin U Jeediyey Senator Maraykan Ah, Xukuumadda Rayaale-Na Ku Tilmaamay Mid Ku Fashilantay Hogaamintii Dalka

Hargaysa, July 2, 2009  (Haatuf) - Xildhibaan Maxamed Faarax Qabile oo ka mid ah Mudanayaasha Golaha Wakiilada Somaliland, ayaa si kulul uga jawaabay hadalkii ka soo yeedhay Senator-ka Maraykanka ee Donald Payne oo ku andacooday in uu halgan u gelayo sidii uu Somaliland u ga’doomin lahaa, isla markaana waxa uu aad u duray siyaasayada gudaha iyo dibada ee xukuumada Rayaale oo uu ku tilmaamay mid ku fashilantay hogaamintii wadanka.

Xildhibaan Qabile waxa uu Sidaa ku sheegay shirjaraa’id oo uu shalay ku qabtay magaalada Hargaysa, kaas oo uu kaga hadlay arrimo badan oo la xidhiidha xaalada siyaasadeed ee wakhtigan Somliland ka taagan, werwerka laga qabo qabsoomida iyo suurta-galnimada  doorashada Madaxtooyada ee fooda inagu soo haysa, muruga soo kala dhex-galay deeq-bixiyaasha iyo dawlada Somaliland, xaalka Komishanka iyo mustaqbalka siyaasadeed ee Somaliland halka uu sal dhigi doono.

Waxaa kaloo uu Xildhibaan Qabile u soo jeediyey Shirgudoonka Golaha Wakiilada in ay guntadaan sidii ay baddaadin masiirka iyo jiritaanka Somaliland, isla markaana ay ugu diyaar-garoobi lahaayeen meel-marinta waajibkii Qaran ee Ummadadu u soo diray.