Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

ISSUE 2081 July 02, 2009                  Rajab 9,1430H

Boqolaal Tahriibayaal Ah Oo Ku Qaraqmay Xeebaha Liibiya Iyo Dareenka Cabsida Leh Ee Dhalinyarada Reer Somaliland Ee Ku Qulqulaya Dalalka Waqooyiga Afrika

Kulmiye oo cadeeyey mawqifkiisa ku aadan muddo kordhinta ay Guurtidu u samaysay Madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa

Madaxweyne Obama Oo Socdaalkiisii U Horeeyay Ku Tegay Qaaradda Yurub

Xukuumadda Madaxweyne Rayaale Iyo Tirada 29 Ma Faal Baa U Qabtay

Koox Suxufiyiin Ah Oo Dhamaystay Tababar Aqooneed  Ku Saabsan  Xalinta Khilaafaadka Iyo Nabada  

Sirdoonka Iyo Habka Uu U Shaqeeyo

 

Safarkaygii Somaliland Iyo Wixii Aan Ku Soo Arkay 2008-2009

Dhalinyaradu Marnaba Ma Ogola Odayaal Korkooda Ku Legdama, Lumiyana Mustaqbalkooda

Dawladdu Xayaysiiska Caano Boodhaha Iyo Maraq Digaaga Ha iska Dayso

Wadooyin Ay Iska Kaashadeen Dawladda Hoose Iyo Dadka Ku Nool Degmada 26 June Oo Wasiirka Daakhiligu Xadhiga Ka Jooyey

Roobabkii Xilliga Guga Oo Ka Curtay Somaliland

Wakiiladda Oo Cod Aqlabiyad Ah Ku Ansixiyey Miisaaniyadda 2009, Laba Bilood Oo Fasax Ahna Galay

 

 Dhakhaatiirtii Ugu Horaysey Oo Ka Qalin Jabiyey Jaamacada Hargeysa

Hargeysa, July 02, 2009, (Haatuf) – 15 Arday ayaa markii ugu horaysay ka qalin-jabiyey kuliyada Caafimaadka ee jaamacadda Hargeysa, kuwaas oo noqonaya dhakhaatiirtii ugu horaysay ee waxbarashada caafimaadka ka qaata Kuliyadda Caafimaadka ee Jaamacada Hargeysa, iyada oo ay imtixaanka ardaydan ka qaaday kuliyadda la yidhaahdo Kings College ee dalka Britain.

15-kan arday oo ay laba ka mid ahi ay dumar ahaayeen ayaa culuumta caafimaadka kuliyada ka baranayeen 7 sanadood waxaana ay ka soo hadheen 140 Arday oo lagu bilaabay kuliyada, kuwaas oo Xaflad loo sameeyey munaasibadda qalin-jabinta Ardaydan oo xalay lagu qabtay Hotel Maansoor ayaa waxa ka soo qayb galay masuuliyiin farabadan oo ka kala socday golayaasha dawladda jaamacadaha dalka, Hay’addaha Caafimaadka, Ururada Dhakhaatiirta iyo Martisharaf kala duwan.

Xafladan oo si weyn loo soo agaasimay ayaa waxa sidoo kale ka qayb galay Ardayda iyo maamulka Jaamacada Hargeysa.

Ugu horayn waxa halkaasi ka hadlay guddoomiyaha jaamacada Hargeysa, Dr.Xuseen C/laahi Bulxan waxaanu yidhi “waxan u mahad celinayaa dhakhaatiirtii waxbartay ardayda caawa qalin jabinaysa, waa wax lagu farxo in dalkeena oo in badan looga bartay in laga qalin jabiyo sida hubka loo rido aynu caawa arkayno dhakhtaradii ugu horeeyay ee inoo soo baxa, waxan ku boorinayaa 15 ka arday ee qalin jabiyay inay dalkooda wax u qabtaan anaguna waxa aanu balan qaadaynaa inaanu u diri doono jaamacado dibada ah si ay aqoontooda usii korodhsadaan”.

Intaa kadib waxa isaguna halkaasi ka hadlay guddoomiye ku xigeenka jaamacada Hargeysa, Mubaarik Ibraahim Aar waxana hadaladiisa ka mid ahaa “waxan ardayda u sheegi lahaa inay ogaadaan in wadadii nolosha ay manta bilaabeen sidaa darteed aanay ku fikirin inay markaaba shaqo helaan,waxa kale oo aan ardayda ka waaninayaa tahriibka oo faro baas ku haya dhalinyaradeenii”.

Waxa isaguna halkaasi ka hadlay madaxa kuliyada caafimaadka ee jaamacada Hargeysa, Dr Diiriye Ismaaciil waxaanu yidhi “ horta 15-kan dhakhtar waxay kasoo hadheen 140 arday oo aanu ku bilawnay toddoba sanadood ka hor, waa arday akhlaaq wanaagsan, dedaaal badana muujiyay, waxan halkan mahad balaadhan uga dirayaa hay’ada caafimaadka aduunka ee WHO oo taageero joogto ah nala daba taagnayd”.

Waxa kale oo ka mid ahaa dadkii xaflada ka hadlay guddoomiyaha ururka dhakhaatiirta Somaliland, Dr Axmed Maxamed Gaas, Dr.Edna Aadan Ismaaciil iyo xubin ka socotay jaamacada Kings college oo iyadu qayb libaax ka qaadatay inay ardaydu helaan waxbarasho caafimaad oo casri ah.

Ugu dambeyntii waxa shahaadooyin la gudoonsiiyay saddexdii arday ee ugu sareeyay imtixaanada iyo qaar ka mid ah dhakhaatiirtii wax baraysay ardayda.

Waxa xusid mudan in xaflada ay kasoo qayb galeen xubno ka socday jaamacada Kings college oo ku taala magaalada London, taas oo gacan siisa kuliyadaha caafimaadka ee jaamacadaha Hargeysa iyo Boorama.