Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

ISSUE 2081 July 02, 2009                  Rajab 9,1430H

Boqolaal Tahriibayaal Ah Oo Ku Qaraqmay Xeebaha Liibiya Iyo Dareenka Cabsida Leh Ee Dhalinyarada Reer Somaliland Ee Ku Qulqulaya Dalalka Waqooyiga Afrika

Kulmiye oo cadeeyey mawqifkiisa ku aadan muddo kordhinta ay Guurtidu u samaysay Madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa

Madaxweyne Obama Oo Socdaalkiisii U Horeeyay Ku Tegay Qaaradda Yurub

Xukuumadda Madaxweyne Rayaale Iyo Tirada 29 Ma Faal Baa U Qabtay

Koox Suxufiyiin Ah Oo Dhamaystay Tababar Aqooneed  Ku Saabsan  Xalinta Khilaafaadka Iyo Nabada  

Sirdoonka Iyo Habka Uu U Shaqeeyo

 

Safarkaygii Somaliland Iyo Wixii Aan Ku Soo Arkay 2008-2009

Dhalinyaradu Marnaba Ma Ogola Odayaal Korkooda Ku Legdama, Lumiyana Mustaqbalkooda

Dawladdu Xayaysiiska Caano Boodhaha Iyo Maraq Digaaga Ha iska Dayso

Wadooyin Ay Iska Kaashadeen Dawladda Hoose Iyo Dadka Ku Nool Degmada 26 June Oo Wasiirka Daakhiligu Xadhiga Ka Jooyey

Roobabkii Xilliga Guga Oo Ka Curtay Somaliland

Wakiiladda Oo Cod Aqlabiyad Ah Ku Ansixiyey Miisaaniyadda 2009, Laba Bilood Oo Fasax Ahna Galay

 

 Xaflad Aan Ujeedadeeda La Shaacin Oo Xalay Madaxtooyada Lagu Qabtay!

Hargeysa, July 2, 2009 (Haatuf)- Xaflad aan si rasmi ah loo shaacin munaasibadda ay ku saabsan tahay ayaa xalay lagu qabtay qasriga Madaxtooyada Somaliland halkaas oo lagu soo bandhigay bandhig faneed heeso.

Inkasta oo aan ilaa hadda wax war ah laga soo saarin munaasibada xafladaasi, hadana waxa ay warar ku dhawdhaw aqalka Madaxtooyadu ay sheegeen in xafladaasi loo qabtay Fanaanada Maryan Mursal Ciise oo beryaanba socdaal ku joogta dalka Somaliland.

Hasa yeeshee munasibadan oo ku soo beegantay 1-dii July oo ah maalintii ay koonfurta Somalia ka qaadatay xornimadeedii Gumaystihii Talyaaniga iyo midawgii labdii gobo lee ay kala gumaysan jireen Ingiriiska iyo Talyaanigu, sanadkii 1960-kii, midnimadaasi oo noqotay mid lagu hungoobay aakhirkiina horseeday burburka ilaa hadda ka jira Somalia.

Xafladan xalay lagu qabtay Madaxtooyada Somaliland oo ku soo beegantay maalinta kowda Julay  ayaa dadka ku dhaqan magaalada Hargeysa ku  dhalisay dareen sababta loogu beegay, iyada oo ay dhawr cisho ka soo wareegtay xafladii 26 June oo iyadana lagu qabtay qasirga madaxtooyada, si kastaba ha ahaatee xafladan lagu qabtay madaxtooyada ayaa ahayd mid amaankeeda aad  loo adkeeyey, isla markaana ay Fanaaniinta Somaliland ku soo bandhigeen heeso .