Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

ISSUE 2081 July 02, 2009                  Rajab 9,1430H

Boqolaal Tahriibayaal Ah Oo Ku Qaraqmay Xeebaha Liibiya Iyo Dareenka Cabsida Leh Ee Dhalinyarada Reer Somaliland Ee Ku Qulqulaya Dalalka Waqooyiga Afrika

Kulmiye oo cadeeyey mawqifkiisa ku aadan muddo kordhinta ay Guurtidu u samaysay Madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa

Madaxweyne Obama Oo Socdaalkiisii U Horeeyay Ku Tegay Qaaradda Yurub

Xukuumadda Madaxweyne Rayaale Iyo Tirada 29 Ma Faal Baa U Qabtay

Koox Suxufiyiin Ah Oo Dhamaystay Tababar Aqooneed  Ku Saabsan  Xalinta Khilaafaadka Iyo Nabada  

Sirdoonka Iyo Habka Uu U Shaqeeyo

 

Safarkaygii Somaliland Iyo Wixii Aan Ku Soo Arkay 2008-2009

Dhalinyaradu Marnaba Ma Ogola Odayaal Korkooda Ku Legdama, Lumiyana Mustaqbalkooda

Dawladdu Xayaysiiska Caano Boodhaha Iyo Maraq Digaaga Ha iska Dayso

Wadooyin Ay Iska Kaashadeen Dawladda Hoose Iyo Dadka Ku Nool Degmada 26 June Oo Wasiirka Daakhiligu Xadhiga Ka Jooyey

Roobabkii Xilliga Guga Oo Ka Curtay Somaliland

Wakiiladda Oo Cod Aqlabiyad Ah Ku Ansixiyey Miisaaniyadda 2009, Laba Bilood Oo Fasax Ahna Galay

 

 Xukuumada Oo Markii Ugu Horaysay Ka Hadashay Cudurka Hargab Doofaarka Iyo Siyaabaha Looga Hortegi Lahaa

Hargeysa July 2, 2009 (Haatuf)-Xukuumadda Somaliland ayaa markii ugu horeysay shalay ka hadashay Cudurka loo yaqaan Hargab-Doofaarka ee haatan Dunida ku sii fidaya, ajandaha uga meel-yaal iyo sida looga hortegi karo haddiiba ay dhacdo in uu dalka Somaliland soo galo.

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo Shaqada Cabdi Haybe Maxamed, oo shalay Shir Jaraa’id oo ay ku weheliyeen  Agaasimaha Wasaaradda Caafimaadka iyo Madaxa Hargeysa u fadhiya Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee WHO ku qabtay Xafiiskiisa Magaaladda Hargeysa. Waxaanu Wasiirku shirkiisa Jaraa’id kaga waramay Xanuunka Hargab-Doofaarka, Calaamadaha lagu garto iyo sida ay ka Xukuumad ahaan uga gaashaanteen ama ugu diyaargaroobeen haddii cid uu asiibay xanuunkani lagu arko Somaliland.

Wasiirka oo ugu horayn ka hadlayaana waxa uu yidhi “Cudurka la yidhaahdo hargab Doofaarka inta la ogyahay hadda soo gaadhay qaar ka mid ah wadamada Jaarka inala ah sida Itoobiya iyo Kiiniya, oo tirada uu ku dhacay dunida ay imika marayso 7893 qof, dhimashadiisa ilaa hadda la xaqiijiyay waa 311 qof. Marka aad eekto Goboladeena inta ay Gobolka Galbeedka Milateeriyaanka, inta uu ku dhacay waa 313, dhimashana malaha Gobolka aynu ka midka nahay.” Ayuu yidhi wasiirka caafimaadku

Wasiirku isaga oo hadalkiisa sii wata  waxa uu intaa ku datay “Waxa maanta shirkan nagala soo qaybgalay Hay’adda Caafimaadka Adduunka WHO, taasoo markii ugu horeysey ee cudurkan dunida lagu arkay aanu ka codsanay inay Shaqaalaha Laababka Somaliland iyo Shaqaalaha Wasaaradda Caafimaadkaba tababar xanuunkaas ku saabsan ay soo siiso, Shaqaalahaasi tababarkaas way soo qaateen, Macluumaadka sidii loo baadhi lahaa iyo sidii looga hortagi lahaaba waanu haynaa, WHO-na dawadii la siinayay dadka lagu arko ama cudurkaas loo isticmaalayay way keentay oo way inoo taalaa.”

“Inkasta oo marka Imika uu xanuunku qofka haleelo aanaan haynin Laabkii lagu baadhi lahaa, laakiin aanu dirayno calaamadaha qofka, laakiin waanu rajaynaynaa oo waanu sugaynaa in sida ugu dhakhsaha badan uu noogu yimaado Laabka lagu baadhi karo qofka xanuunku ku dhaco. Innagu Somaliland ahaan waxaynu xuduud la leenahay dhawr wadan, Siyaasad ahaana Wasaaraddu waxay samaysay Guddi la socota hadba xaaladda iyo inta uu inoo jiro Cudurkani. Guddigaas oo ka kooban Wasaaradda Caafimaadka, WHO, Wasaaradda Duulist iyo Hawada, Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Ciidamada Booliska iyo Dekadaha, Xuduudaha sidii looga hortagi lahaa dhammaan cidda dalka diyaarad ku imanaysa, cidda gaadhi ku soo galaysa, cidda Dekad ka soo galaysa iyo cid kasta oo xanuunkaas looga shakiyo.” Ayuu yidhi Wasiirka Caafimaadku.

Agaasimaha guud ee Wasaaradda Caafimaadka iyo Shaqada Somaliland Anwar Maxamed Cige, oo isaguna shirkaa Jaraa’id ka hadlay, ayaa faahfaahin ka bixiyay calaamadaha lagu garan karo Cudurka Hargab-Doofaarka iyo sidoo kale qaabka loo kala qaadi karo ama qofka qabaa uu cid aan qabin ugu gudbin karo. “Waxa lagu garan karaa xanuunkaas oo uu leeyahay Xumad fara badan, Cuna-xanuun, Shuban iyo Matag, waana xanuun sambabada ku dhaca, kana xumad badan Hargabkii caadiga ahaa ee aynu naqaanay.

Waxyaabaha lagu kala qaadana waxa ka mid ah, Salaanta, Dhunkashada, Neefta, hal weel oo wax lagu wado cuno, qufaca, taabashada iwm.” ayuu yidhi Agaasimuhu.

Sidoo kale, waxa shirkaa Jaraa’id ka hadashay Aasiya Cismaan oo Madax ka ah Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee WHO Xafiiskeeda Hargeysa, ayaa sheegtay in ay Wasaaradda Caafimaadka iyo HWO ay iska kaashadeen sidii dad gaar ah loogu soo tababari lahaa, isla markaana looga diyaar-garoobi lahaa wax kasta oo lagaga hortagi karo ama wax lagaga qaban karo cidda xanuunkaa lagu arko.

“29-kii bisha June dadka uu saameeyay waxay marayeen 7893, 311 ayaa dhintay, dalalka Gobolo ayaa loo qaybiyay, Gobolkan aynu ka tirsanahay oo la yidhaahdo Galbeedka Millatareeniyaanka 313 ayuu 29-kii June marayay, cid u dhimatayna ma jirto. Waxaanu xanuunkani ka yimi Doofaarka, ka dib dadkii ayuu u soo gudbay, sidoo kale waa xanuun si fudud loo kala qaado oo calaamadahaa uu Agaasimuhu sheegay ayaa lagu kala qaadaa.” Sidaa ayay tidhi Madaxa Xafiiska Hay’adda WHO Hargeysa Aasiya Cismaan.

Aasiya waxay intaa ku dartay in Hay’ad ahaan ay diyaar u yihiin taageerada iyo wax ka qabashada talaabo kasto oo xanuunkaa lagaga hortagi karo ama lagu dawayn karo, taasoo ay kala hawlgalayso Wasaaradda Caafimaadka ee Somaliland.

Gebagabadii waxay Masuuliyiintan Shirka Jaraa’id ka hadlay, u soo jeediyeen Saxaafadda inaan la buunbuunin xanuunka Duriga Doofaarka, si aan bulshada kalsoonidu uga lumen, isla markaana ay si aan argagax lahayn u fahansiiyaan dhibaatada xanuunkaas, sida lagu qaadi karo iyo qaabka looga badbaadi karo intaba. Waa markii ugu horeysay ee Somaliland sidan oo kale loogaga hadlo Xanuunka Hargab-Doofaarka oo dunida aad ugu sii fidaya.