|
Home | Contact Us | Links | Archives |
| ISSUE 2081 | July 02, 2009 Rajab 9,1430H | |
|
Madaxweyne Obama Oo Socdaalkiisii U Horeeyay Ku Tegay Qaaradda Yurub Xukuumadda Madaxweyne Rayaale Iyo Tirada 29 Ma Faal Baa U Qabtay Koox Suxufiyiin Ah Oo Dhamaystay Tababar Aqooneed Ku Saabsan Xalinta Khilaafaadka Iyo Nabada Sirdoonka Iyo Habka Uu U Shaqeeyo
Safarkaygii Somaliland Iyo Wixii Aan Ku Soo Arkay 2008-2009 Dhalinyaradu Marnaba Ma Ogola Odayaal Korkooda Ku Legdama, Lumiyana Mustaqbalkooda Dawladdu Xayaysiiska Caano Boodhaha Iyo Maraq Digaaga Ha iska Dayso Wadooyin Ay Iska Kaashadeen Dawladda Hoose Iyo Dadka Ku Nool Degmada 26 June Oo Wasiirka Daakhiligu Xadhiga Ka Jooyey Roobabkii Xilliga Guga Oo Ka Curtay Somaliland Wakiiladda Oo Cod Aqlabiyad Ah Ku Ansixiyey Miisaaniyadda 2009, Laba Bilood Oo Fasax Ahna Galay
|
Madaxweyne Rayaale Oo Golaha Wakiilada Mar Kale U Guddbiyey Mid Ka Mid Ah Labadii Xubnood Ee Komishanka Hargeysa, July 2, 2009 (Haatuf) – Madaxweyne Daahir Rayaale Kaahin ayaa shalay u guddbiyey golaha wakiilada labadii xubnood ee komishanku hore ugu soo gudbiyeen mid ka mid ah si loo soo beddelo. Madxweyne Rayaale ayaa la sheegay inuu golaha wakiilada shalay u gudbiyey xubin ka mid ah Komishankka Doorashooyinka, kadib markii guddidii loo saaray labadii xubnood ee Baarlamanku todobaadkii hore ku celiyey Madaxtooyadu mid ka mid ah ay sheegeen inaan loo haynin wax lagu horgeeyo golaa Wakiilada, balse Xubinta kale oo ah Axmed Xaaji Maxamed Bidaar la horgeeyo golaha si ay waajibkooda uga gutaan. labadii xubnood ee komishanka doorashooyinku u gudbiyeen Madaxweyne Rayaale si loo beddelo ayaa la sheegay in Maxamed Yuusuf Axmed lagu celiyey Komishanka si uu shaqadiisii dib ugu noqdo, halka xubinta kalena oo ah Axmed Xaaji Bidaar oo isaga uu soo magacaabay xisbiga UCID uu madaxweyne Rayaale u qoray Golaha Wakiilada si ay kalsoonida ugala noqdaan, lama sheegin sababta dhabta ah ee Axmed Bidaar loogu gudbiyey golaha Wakiilada,hase yeeshee sida ay tibaaxeen warar laga helay madaxtooyadu waxa dalabka beddelkiisa lagu sababeeyey inaanu la shaqayn Karayn komishanka Doorashooyinka. |