|
Home | Contact Us | Links | Archives |
| ISSUE 2081 | July 02, 2009 Rajab 9,1430H | |
|
Madaxweyne Obama Oo Socdaalkiisii U Horeeyay Ku Tegay Qaaradda Yurub Xukuumadda Madaxweyne Rayaale Iyo Tirada 29 Ma Faal Baa U Qabtay Koox Suxufiyiin Ah Oo Dhamaystay Tababar Aqooneed Ku Saabsan Xalinta Khilaafaadka Iyo Nabada Sirdoonka Iyo Habka Uu U Shaqeeyo
Safarkaygii Somaliland Iyo Wixii Aan Ku Soo Arkay 2008-2009 Dhalinyaradu Marnaba Ma Ogola Odayaal Korkooda Ku Legdama, Lumiyana Mustaqbalkooda Dawladdu Xayaysiiska Caano Boodhaha Iyo Maraq Digaaga Ha iska Dayso Wadooyin Ay Iska Kaashadeen Dawladda Hoose Iyo Dadka Ku Nool Degmada 26 June Oo Wasiirka Daakhiligu Xadhiga Ka Jooyey Roobabkii Xilliga Guga Oo Ka Curtay Somaliland Wakiiladda Oo Cod Aqlabiyad Ah Ku Ansixiyey Miisaaniyadda 2009, Laba Bilood Oo Fasax Ahna Galay
|
Maxkamada Saaxil Oo Xukun Dil AhKu Riday Gacan Kudhiigle Todobaad Ka Hor Nolosha KuGubay Nin Hurda Xaafad Ka Mid Ah Berbera Berbera, July 02, 2009, (Haatuf) – Maxkamadda Gobolka Saaxil ayaa maalintii shalay Dil Toogasho ah ku xukuntay Gacan kudhiigle Axmed Nuur Xasan (Maskax) kadib markay Maxkamada horteeda kaga cadaatay inuu gacantiisa ku gubay Marxuum la odhan jiray Cismaan Cawil Jaamac 24kii June 2009 abaaro Afartii Habeenimo Xaafada Jaamalaaye ee Magaalada Berbera. Qaraarkan Dilka ah ee ay Maxkamada Gobolka saaxil ku riday Gacanku dhiiglaha ayaa waxa ay Maxkamadu u cuskatay, Shareecada Islaamka Aayada 178aad ee Suurada Albaqra, Aayada 45-aad ee Suurat Alma’ida iyo Qodobka 434 ee Xeerka Ciqaabta guud iyo Qodobada 14, 63, 68, 103, 104, 108 iyo 184 ee Xeerka Habka Ciqaabta. Waxa kaloo ay Maxkamadu xukuntay in Ehelada Marxuum Cusmaan Cawil bixiyaan Magdhowga Gacan uu mudo dhowr bilood ka hor ah marxuumka la gubay uga jebiyey Gacan ku dhiiglaha ay maxkamdu Dilka ku xukuntay ( Axmed Nuur Xasan) siiyaana Ehelelada Gacan kudhiiglaha. Dacwadan oo ahayd nooca loo yaqaano Tashiga (Dhegaysanayaan ugu yaraan Laba Garsoore) ayaa ahayd mid ay goobjoog ka ahaayeen Ehelooyinka labada dhinac isla markaana u furayd Dadweynaha iyo Saxaafadaba. Gudoomiyaha Maxkamadda Gobolka Saaxil Cismaan Ibraahin Daahir oo xukunkaasi ku dhawaqay ayaa waxa uu xusay in ay Gacan ku dhiiglaha u furan tahay Racfaan inuu kaga qaadan karo Xukunka Maxkamada Gobolka Mudo 30 (Sodon maalmood) gudahood ah. ahmed askari |