|
Home | Contact Us | Links | Archives |
| ISSUE 2081 | July 02, 2009 Rajab 9,1430H | |
|
Madaxweyne Obama Oo Socdaalkiisii U Horeeyay Ku Tegay Qaaradda Yurub Xukuumadda Madaxweyne Rayaale Iyo Tirada 29 Ma Faal Baa U Qabtay Koox Suxufiyiin Ah Oo Dhamaystay Tababar Aqooneed Ku Saabsan Xalinta Khilaafaadka Iyo Nabada Sirdoonka Iyo Habka Uu U Shaqeeyo
Safarkaygii Somaliland Iyo Wixii Aan Ku Soo Arkay 2008-2009 Dhalinyaradu Marnaba Ma Ogola Odayaal Korkooda Ku Legdama, Lumiyana Mustaqbalkooda Dawladdu Xayaysiiska Caano Boodhaha Iyo Maraq Digaaga Ha iska Dayso Wadooyin Ay Iska Kaashadeen Dawladda Hoose Iyo Dadka Ku Nool Degmada 26 June Oo Wasiirka Daakhiligu Xadhiga Ka Jooyey Roobabkii Xilliga Guga Oo Ka Curtay Somaliland Wakiiladda Oo Cod Aqlabiyad Ah Ku Ansixiyey Miisaaniyadda 2009, Laba Bilood Oo Fasax Ahna Galay
|
Baaqa gobolka ALMIS Anaga oo ah odayaasha iyo waxgaradka beelaha Sacad Muuse ee 02/july/08 ku dhawaaqay gobolka ALMIS ee xuduudiisu yahay Bullo-Xaar ilaa laanta Cawda, caasimadiisuna tahay magaalo Xeebeedka CEEL SHEEKH, waxaanu hambalyo iyo salaam aad u qaaliya u diraynaa dhamaan taageerayaasha gobolka ALMIS meel kasta oo ay joogaan munaasibada sanad guurada kowaad ee ka soo wareegtay ku dhawaaqista gobolka ALMIS ee lagaga dhawaaqay magalada Hargeysa 02/07/08. Waxaanu xususinaynaa dadweynaha sharafta leh in uu madaxweyne Daahir Rayaale Kaahin iyo madaxweyne ku xigeenka Axmed Yuusuf Yaasiin ay labadooduba ishor taageen in gobolka ALMIS lagu daro goboladii faraha badnaa ee lagu dhawaaqy 2008. Sababtuna ay iska cadahay oo labadan masuul ee ugu sareeya qaranka waxay si badheedh ah wax ula doonayaan Awdal iyo Saaxil iyaga oo sheegtay oo ku andocoonaya in xeebaha waqooyiga Hargeysa ay ka dhexeeyaan Awdal iyo Saaxil oo kaliya, iyada oo labada gobol la magaacabay 1986 iyo 1998 . Sido kale gobolka Hargeysa oo waligii gobol ahaan waxa u garaadka iyo garashada Daahir Rayaale iyo Axmed Yuusuf Yaasiin uu siiyey inay yidhaahdaan gobolka Hargeysa ma yeelanayo xeeb, waana ta keentay inay ku dhaqaaqaan fulinta tallaabooyinka hoos ku xusan. Bedelista magaca Taariikhda ah ee caanka ah ee gobolka Hargeysa oo waxay qoraalada rasmiga ah ee dawlada, TVga dawlada, Radio Hargeysa iyo wargeyska Maandeeq waxay ku sheegaan magac aan sharci ahayn (Maroodi jeex) oo ay hore cod aqlabiyad ah ay golaha wakiiladu ku diideen magacaasi. Haseyeeshee dawladu waxay uga jeeda magac bixintan cusub si loo muran geliyo xuduudka soo jireenka ah ee gobolka Hargeysa, oo loo soo koobo waliba halka ugu muhiimsan ee la doonayo ee loo jeedaa waa deegaanada xeebaha waqooyi Hargeysa ee magaca Hargeysa sita ayaa la rabaa oo la doonayaa in laga tirtiro magacaasi caddaynaya cidda leh meeshan iyo halka ay taabacsan tahay reer ahaan iyo gobol ahaanba. in la sameeyo Map macmalka ah ee been abuurka ah ee muujinaya xeebaha waqooyiga Hargeysa, oo Map kaas la dhigo meel kasta sida wasaaradaha iyo xafiisyada dawlada oo si joogto ah looga soo daayo TV-ga aan dhexdhexaadka ahayn ee dawlada, si dadka looga dhaadhiciyo inuu Map kani uu yahay kii saxda ahaa. In loo diido, lagana hor joogsado muwaadiniinta deegaanada waqooyiga Hargeysa in la diiwaangeliyo oo ay qaataan labada kaadh ee jinsiyada iyo ka doorashada midna si loo qaato inuu muran ka taagan yahay deegaanadaasi halka ay raacsan yihiin, gaar ahaan Ceel bildhaaley, Ceel la helay, warqa dhegta.Ceel Sheekh, Hulka iyo cabdi geeddi shirdoon) In deegaano ka mid ah waqooyiga iyo galbeedka Hargeysa ee gobolka ALMIS iyo gobolka Gabiley badh na la raaciyey saaxil sida (Qudhaco, Salay Biyo kulul iyo Boodaal’e) iyo qaar klaeba iyada badh ka kalena la raaciyo Awdal sida (Lughaya , Hadaynta, Cali Xaydh, Garbo dadar, Diirato, Qabri Baxar, iyo qaar kale-ba. Gebo gebadii, waxaanu mar labaad leenahay hambalyo, hambalyo, hambalyo taageerayaasha gobolka ALMIS meel kasta oo ay joogaanba, oo waxaanu idin ku bushaareenaynaa in insha allahu in uu gobolkani hirgeli doono. Dadka sooo saaray baaqan: Oday Rashiid Xaaji Muxumed Guuleed Oday Axmed Cali Dable Oday Calawi Cabdi Gaboobe Oday Axmed Cawaale Cali Oday Idiris Muuse Oday Cabdiqaadir Ibraahim Xasan Oday Muxumed Axmed Kaahin Oday Xasan Daa’uud Oday Cumar Xuseen Cige Oday Cismaan Xujaale Oday Cali Jaamac Aadan Oday Khaliil Cismaan Saban Oday Ibraahim Ciise Cumar (Koodbuur) |