Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

ISSUE 2081 July 02, 2009                  Rajab 9,1430H

Boqolaal Tahriibayaal Ah Oo Ku Qaraqmay Xeebaha Liibiya Iyo Dareenka Cabsida Leh Ee Dhalinyarada Reer Somaliland Ee Ku Qulqulaya Dalalka Waqooyiga Afrika

Kulmiye oo cadeeyey mawqifkiisa ku aadan muddo kordhinta ay Guurtidu u samaysay Madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa

Madaxweyne Obama Oo Socdaalkiisii U Horeeyay Ku Tegay Qaaradda Yurub

Xukuumadda Madaxweyne Rayaale Iyo Tirada 29 Ma Faal Baa U Qabtay

Koox Suxufiyiin Ah Oo Dhamaystay Tababar Aqooneed  Ku Saabsan  Xalinta Khilaafaadka Iyo Nabada  

Sirdoonka Iyo Habka Uu U Shaqeeyo

 

Safarkaygii Somaliland Iyo Wixii Aan Ku Soo Arkay 2008-2009

Dhalinyaradu Marnaba Ma Ogola Odayaal Korkooda Ku Legdama, Lumiyana Mustaqbalkooda

Dawladdu Xayaysiiska Caano Boodhaha Iyo Maraq Digaaga Ha iska Dayso

Wadooyin Ay Iska Kaashadeen Dawladda Hoose Iyo Dadka Ku Nool Degmada 26 June Oo Wasiirka Daakhiligu Xadhiga Ka Jooyey

Roobabkii Xilliga Guga Oo Ka Curtay Somaliland

Wakiiladda Oo Cod Aqlabiyad Ah Ku Ansixiyey Miisaaniyadda 2009, Laba Bilood Oo Fasax Ahna Galay

 

Yuusuf Indhacada Oo Ku Eedeeyey Osama Bin Ladin Inuu Taageerayo Kooxaha Ka Soo Horjeeda Dawladda Iyo Al-Shabaab Oo Raashin Dhacay Ka Ururisay Suuqa Bakaaraha

Muqdisho, July 02,2009 (W.Wararka) - Sheekh Yuusuf Maxamed Siyaad Indha Cadde ayaa Hoggaamiyaha Al-qaacidda  Osama Bin Laden ugu baaqay in uu ka towbad keeno hadal uu dhawaan jeediyay oo ahaa in ay gaalo tahay Dowladda Soomaaliya isla markaana lala dagaallamo.

Sheikh Yuusuf Indhacade ayaa Dowladda Soomaaliya ugu magacaaban Wasiiru-Dowlaha Gaashaandhigga sida xalay laga shaaciyay Xaflad lagu xusayay munaasabadda 1-da Luulyo ayaa hoggaamiyaha Al-qaacida Osama Binu ladan ku tilmaamay mid gafsan oo ku khaldamay inuu dawlada Somalia ku yidhaa waa gaalo, isagoo Yuusuf hdalkaa osama daba socdana waxa uu yidhi “Aniga karaamo ayaan u hayaa kumana xad gudbayo Sheekh Osama Bin Laden, laakiin waxaan ugu baaqayaa in uu ka towbad keeno hadal uu jeediyay dhawaan oo uu ku gaaleysiinayay Dowladda Soomaaliya iyo madaxdeeda” waxa uu intaas ku daray  Sheekh Yuusuf Indha Cadde in Dadka Soomaaliyeed oo muslimiin ah ay leeyihiin culuma’udiin ka hadla waaqici dhabta ah ee ka jira Soomaaliya.

Sheekh Yuusuf Indha Cadde mar uu ka hadlayey xoogaga islaamiyiinta ah ee ka soo horjeeda dawlada Somalia ayaa ku tilmaamay qaar aan doonayn in ay Somalia nabdi ka dhacdo isla markaana dawladnimo laga hirgaliyo, waxaanu sheegay in ay kooxahaas ugu baaqayaan in ay nabadda qaataan, wada hadalna ay ku raadiyaan waxa ay doonayaan.

Sheekh Yuusuf  indho Cadde ayaa sidoo kale shacabka Somalia ugu ugu baaqay in ay la shaqeeyaan dowladda Soomaaliya oo uu sheegay in ay tahay dowlad Islaami ah oo ay waajib tahay inuu qof kasta oo Muslim ah uu difaaco.

Sheikh Yuusuf Indhacade ayaa dhawaan sheegay inuu ka jabay xooga xisbul islaam ee mucaaradka ku ah dawladad Sheekh SHariif,isla markaana ku soo biiray dawlada ku meel gaadhka ah ee Somalia, ilaa wakhtigaa lama sheegin xilka loo magacaabay balse xalay xaflad lagu xusayey 1july ayaa taliyaha ciidamada kaga dhawaaqay isla markaana sheegay inuu yahay wasiiru dawlaha wasaarada gaashaandhiga dawlada Somalia.

Dhanka kale Guddoomiyaha Ganacsatad Suuqa Bakaaraha Cali Maxamed Siyaad (Cali Dheere) ayaa soo dhaweeyay amar ka soo baxay Xarakada Shabaabul Mujaahidiin oo ahaa in aan raashin iyo dawo dhacday la keeni karin Suuqyada Muqdisho.

Guddoomiyaha ganacsatada suuqa Bakaaraha Cali Maxamed Siyaad ayaa amarkaas Al-shabaab ku soo rogtay ganacsatada Suuqan ku tilmaamay mid dan u ah shacabka Muqdisho, waxaanu hadalkiisa ku bilaabay “Amarkaas wuxuu ahaa mid u dan ah shacabka Soomaaliyeed, wuxuuna si gaar ah ugu socdaa ganacsatadii keeni jirtay raashinka iyo dawooyinka dhacay ama ay taariikhda dhicitaankooda dhowdahay”

Guddoomiyaha Ganacsatada Suuqa Bakaaraha waxaa uu intaas ku daray in muddo dheer ay jirtay dhibaato ah in dalka Soomaaliya ganacsi ahaan loo keeni jiray raashin iyo dawooyin aan tayo wanaagsan lahayn, wuxuuna carrabka ku dhuftay in amarka ka soo baxay Al-Shabaab uu yahay mid muhiim u ah shacabka Soomaaliyeed.

Maalmo ka hor ayay ahayd markii Xoogagga Xarakada al- Shabaab ay gudaha Suuqa Bakaaraha ka soo heleen raashin dhacay iyo mid aan tayo wanaagsan lahayn, kaasi oo Bakhaarro ugu keydsanaa qaar ka mid ah Ganacsatada Suuqa Bakaaraha.

Guddoomiyaha Al- Shabaabul Mujaahidiin ee Gobolka Banaadir Sheekh Cali Maxamed Xuseen oo markii raashinkaas dhacay laga soo bixiyay Bakhaaro ku yaala Suuqa Bakaaraha kaddib saxaafadda la hadlay ayaa sheegay in ay ganacsatada Suuqa Bakaaraha fursad u siinayaan in ay muddo 5 maalmood ah ku soo bixiyaan raashinka dhacay ee ay Bakhaarrada ku hayaan, iyadoo uu sheegay in ciddii shantaas maalmood kaddib lagu helo raashin dhacay laga qaadi doono tallaabo sharci ah oo shareecada Islaamka waafaqsan.