|
Home | Contact Us | Links | Archives |
| ISSUE 2081 | July 02, 2009 Rajab 9,1430H | |
|
Madaxweyne Obama Oo Socdaalkiisii U Horeeyay Ku Tegay Qaaradda Yurub Xukuumadda Madaxweyne Rayaale Iyo Tirada 29 Ma Faal Baa U Qabtay Koox Suxufiyiin Ah Oo Dhamaystay Tababar Aqooneed Ku Saabsan Xalinta Khilaafaadka Iyo Nabada Sirdoonka Iyo Habka Uu U Shaqeeyo
Safarkaygii Somaliland Iyo Wixii Aan Ku Soo Arkay 2008-2009 Dhalinyaradu Marnaba Ma Ogola Odayaal Korkooda Ku Legdama, Lumiyana Mustaqbalkooda Dawladdu Xayaysiiska Caano Boodhaha Iyo Maraq Digaaga Ha iska Dayso Wadooyin Ay Iska Kaashadeen Dawladda Hoose Iyo Dadka Ku Nool Degmada 26 June Oo Wasiirka Daakhiligu Xadhiga Ka Jooyey Roobabkii Xilliga Guga Oo Ka Curtay Somaliland Wakiiladda Oo Cod Aqlabiyad Ah Ku Ansixiyey Miisaaniyadda 2009, Laba Bilood Oo Fasax Ahna Galay
|
Tirakoobka Dadkii Miinadu Waxyeeshay Sanadihii U DambeeyeyOo Ay Hay’adda Miino Saarka Somaliland Ka Soo Saartay Burco Burco, July 02, 2009 (Haatuf) - Hay’adda Miino saarka u qabilsan Somaliland ee SMAC ayaa markii u horaysay ka warbixisay tirakoobka khasaaraha Nafeed ee ay dadka reer Togdheer u gaysteen qaraxyada miinadu saddexdii sano ee u dambeeyay guud ahaan miinooyinka ku aasan gobolka. Madaxa Hay’adda Miino saarista SMAC u qaabilsan Gobolka Togdheer Xuseen Axmed Maxamed (Lamuumba) oo warbaahinta uga waramayey ayaa ka warbixiyay Khasaaraha Nafeed ee ay qaraxyada miinooyinku gaysteen. Waxaanu ku bilaabay in 87 Qof ku waxyeeloobeen, kuwaas oo ay 28 ka mid ahi ku dhinteen halka ay ku dhaawacmeen 59 Qof, laga bilaabo intii u dhaxaysay 2005 ilaa iyo 2008 waxa oo uu Intaa ku daray Mr. Lamuumba in sanad walba marka uu roobku da’o ay soo kordhayaan khasaaraha ay miinooyinka u gaysanayaan dadka iyo xoolaha ku dhaqan Gobolka togdheer. Waxaanu wakiilka SMAC ee Gobolka togdheer ugu baaqay hay’addaha ka shaqeeya miino saarka iyo waxyaabaha qarxa in ay gobolka togdheer ku soo noqdaan oo ay ka saaraan miinooyinka ku kaydsan ee faraha badan, kuwaas oo uu ku tilmaamay in ay ka buuxaan wadooyinkii hore ee la mari jiray markii ay shaqaynaysay dawladii Somaliya iyo meelaha Xuduudada ku dhaw ee ay xeryaha Ciidamada ku lahayd dawladii Siyaad Bare markii ay dagaalamayeen Ciidamadii Jabhada SNM, dhulkaasi oo ay miinooyin badan ku aaseen ciidamadii Siyaad Bare ee xiligaas. Isagoo arintaa ka hadlayana waxa uu hadalkiisa ku bilaabay Mr.Lumuumbe “Marka hore hadaan idinsiiyo Tirakoobka Guud ee aanu ku samaynay waxyeelooyinka nafeed ay qaraxyada Miinooyinku Gobolka togdheer ka gaysteen Sedexdii sano ee u danbeeyay waxa ku waxyeeloobay 87 qof kuwaas oo ay 28 ka mid ahi ay ku dhinteen halka ay inta kalena ku dhaawacmeen waxaanay qaraxyadaasi inta badan ka dhacaan meelaha xuduudadaha ah ee u dhexeeya Somaliland iyo itoobiya dhulkaas oo ay Kaamam Ciidan ku lahaayeen Ciidamadii Dawladii kaligeed taliska ahyd ee Siyaad Bare markii ay dagaalamayeen SNM wakhtigaasna waxay badanaaba difaac ka dhigan jireen ciidamadaasi Miinooyinka bilaa jaho ah kuwaas oo ay dhigeen meel kasta oo ay daganaayeen iyo wadooyinka u bixi jiray Magaalooyinka u dhawaa Xiryahooda ,Markaa Miinooyinkaas dadka iyo xooluhuba sanad walba inta badan xili roobaadka marka uu dhulku dhergo waxay gaysataan Khasaari yaal aan la soo koobi Karin Sidaas “ayuu yidhi Mr. Xueen. Inkasta oo aanay gobolka iman mudooyinkinkii u dambeeyay hay’adaha miino saaridu, ayaa markii uu Madaxweynaha Somaliland Booqashada ku marayay gobolka togdheer waxa uu la kulamay cabashooyin badan oo ay dadkaasi kaga cabanayaan qasaaraha miinooyinku ay gaystaan, balse waxa uu madxweynuhu balan qaaday in uu gobolka togdheer u soo diri doono hay’addaha Miinooyinka saara walise lama hayo oo may fulin balan qaadkiisaasi. |