Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

ISSUE 2081 July 02, 2009                  Rajab 9,1430H

Boqolaal Tahriibayaal Ah Oo Ku Qaraqmay Xeebaha Liibiya Iyo Dareenka Cabsida Leh Ee Dhalinyarada Reer Somaliland Ee Ku Qulqulaya Dalalka Waqooyiga Afrika

Kulmiye oo cadeeyey mawqifkiisa ku aadan muddo kordhinta ay Guurtidu u samaysay Madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa

Madaxweyne Obama Oo Socdaalkiisii U Horeeyay Ku Tegay Qaaradda Yurub

Xukuumadda Madaxweyne Rayaale Iyo Tirada 29 Ma Faal Baa U Qabtay

Koox Suxufiyiin Ah Oo Dhamaystay Tababar Aqooneed  Ku Saabsan  Xalinta Khilaafaadka Iyo Nabada  

Sirdoonka Iyo Habka Uu U Shaqeeyo

 

Safarkaygii Somaliland Iyo Wixii Aan Ku Soo Arkay 2008-2009

Dhalinyaradu Marnaba Ma Ogola Odayaal Korkooda Ku Legdama, Lumiyana Mustaqbalkooda

Dawladdu Xayaysiiska Caano Boodhaha Iyo Maraq Digaaga Ha iska Dayso

Wadooyin Ay Iska Kaashadeen Dawladda Hoose Iyo Dadka Ku Nool Degmada 26 June Oo Wasiirka Daakhiligu Xadhiga Ka Jooyey

Roobabkii Xilliga Guga Oo Ka Curtay Somaliland

Wakiiladda Oo Cod Aqlabiyad Ah Ku Ansixiyey Miisaaniyadda 2009, Laba Bilood Oo Fasax Ahna Galay

 

 Riyaalow Roobkii waa da'ay

Qalinkii-Ahmed Haji Yussuf Dualeh, London

Ka rogoo hadana saar ku raroo hadana roga raacoo hadana roor ramag maal hadana raro.

Maxaan ka faaloonayey maxaan saadaalinayey maxaan sir iyo caad usii sheegayey.

Garashaa iga hadlinaysey gu'baa i gubaaya gar-daraan arkayey geelbaa iga habeensadey gob-baan ahay oo gobanimaan rucle-goobayaa garbaan u leeyahay inaan gardaadiyo gol-qaniin baa gorof-legdaya hadana waan gadaalinayaa gurrac baan arkayaa oo hadana gam'ayaa gefbaa lagu daweeyaa gol-daloolada.

 Doorashaynu hadal hayney, waad tirsanaysaa waana lagula tirinayaa oo lagu tirinayaa.

Miskiin meel uu ka hadlayo iyo wuxu ka hadlayo aan fahmin Axmed Yuusuf Yaasiin waa kaa inoosoo qadimey fariintii Riyaale shaxeexii shaashaynta dib loogu dhigayey dalabkaagii doorasha u samirka maandhow, ma'dhowa mana dhadhamayo dhawaaqaasi.

 Abaarta laga ducaysan maayo akhyaareey ee waa lagu ducasanayaa dadkaba Ilaahow rogoo anaguun meesha nagu hay baa loo dibid baxayaa ee muwaadin garo oo gunto gefka laguu gogley.

 Nimankan Ilaahay inooga wakiil ducaynayaa maalkooda, ma'kalkooda, iyo mal-biskooduba waa xaaraan Dalkaba xaaraan bay ku haystaan Dadkana Xammaasad bay ku xukumaan xaggay iiga ducaynayaan xabaalay iiga xoola urursanayaane'

 Waxaad yeeli lahaydba muwaadin, laguu sheeg inaan doorasho dhacayn haabkeed iyo hadhuubkeedna tollayn, tabaabushe & tilmaan abaareed baa loo tafa xaytey

 "Gudin yahay badhkay baa kugu jira e' imaad goyseen geed baa yidhi"

Kulmiyaa ka dhiganoo malaa catowgaasu caawa u egyahay. badhkiibaa badhka neceb u biyo dhaaminaya.

Qayla dhaantii Axmed yuusuf Yaasiin abaar sheegii lagu dabayla xaagaa raacinayey maalmaahaa kaarka badan ee sida dermada usoo duubmayey.Dirawal biyo-dhaamis ku wada Hawd waqti ay ahayd gaadhi-gaadhi saar ayaa daruuri dul timi markaasuu daaqada luqunta ka laadlaadshey oo yidhi gaadhigii oo soconaya"Raggii del-dellaa ma'dayn bixine' Daruurta cirkay haygu soo di'in" 

 Waxa ka dhigan ninkaa balweeyey ee biyaa sidey, kooxda ina Riyaale abaar Eebe inooga tolliimo iyo taakulayn tuugatay. maxaa qaylo dhaan iyo qorshe Rabbiga Qaaddirka ahi ku ilma celiyey dhigeen. Riyaalow Rabbi kaama yeelin oo Roobkii waa da'ay.

Yufle roobka ka curtay baa habeen maray ilaa uu ka gudbay Buuhoodle biyana kaga tegey dhulka intaa u dhaxeeya balladh iyo baaxad, Ilaahow ku magan Ilaahow waa mahadaa Ilaahow waa galladaa Ilaahow waa noo guul horaanteed iyo gacan qabasho.

 "ROOBOW HIGLOW SOO DA' RIYA DARARIYOW SOO DA' AQALKAYAGA DABADIISA  KAXUMBEEYE KA XAREEDSHE.Ammaano Alla iyo daadwararac,