Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

ISSUE 2001 March 31, 2009                  Rabiicul Thaani 4,1430H

“Badbaadadeenu Waxay Ku Jirtaa Doorasho Dhacda Iyo Xeerarka Dalka U Yaalla Oo Lagu Dhaqmo, Goleyaasha Baarlamaankuna Waa Inay Ogaadaan In Khilaafaadka Murugsan Uu Yahay Arrin Iyaga U Taalla”

Madaxweyne Riyaale Oo Digreeto Ku Soo Saaray Maalinta Komishanku U Cayimay Doorashada Madaxtooyada Iyo Bilowga Ololaha Muddo Kordhinta Oo Xawli Ku Socda

Guddida Kormeerka Doorashooyinka Oo Komishanka, Axsaabta Iyo Xukuumadda U Soo Jeediyay Baaq Isugu Jira Canaan Iyo Talooyin

Jimciyadda Mujaahidka Ee Sooyaal Oo Shahaado Sharaf Gudoonsiisay Mudane Nacnac

Tahriibayaal Somali Ah Oo Ku Dhintay Dooni Kula Qaraqantay Meel U Dhow Dekedda Caddan

Madaxweyne Bal Dib U Joogso, Waan Kula Dacwiyi, Doodna Waan OdhaneHargo Madhan Side, Hawli Kama Tegin, Habaarna U Dheer

Rayaalow: Markaad Dahaba-dheer Ka Doogtey Miyaad Durdurada Bilowday

Odayaasha Dhaqanka Ee Muqdisho Oo Canbaareeyey Hadal Ka Wasiirka Khaarajigu Ku Dalbaday Ciidamo Shisheeye Oo La Keeno Somalia

Komishanka Doorashooyinka Oo Madaxweyne Rayaale U Gudbiyey Wakhtiga Cusub Ee Ay U Cayimeen Inay Doorashadu Dhacdo

Rabshad Ka Dhacday Xaafadda Siinaanay Ee Hargeysa Oo Uu Ku Dhintay Wiil Dhalinyaro Ah

Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye Oo Meel Adag Iska Taagay Sharciyada Xukuumadda Rayaale Marka La Gaadho 6 April

Wasiir Cawil Oo Ka Muquurtay Wakiilada Iyo Wasiir Ku Xigeenka Maaliyada Oo Goluhu Ganafka Ku Dhuftay in Wax Laga Waydiiyo Miisaaniyadda

Roobabkii Xilliga Guga Oo Ka Curtay Somaliland

Hargeysa, March 31, 2009 (Haatuf) – Roobabka xilliga guga ayaa ka curtay gobolada galbeedka Somaliland shalay iyo doraad kadib markii la soo maray abaar iyo jiilaal adag, kaas oo galaaftay xoolo badan oo isugu jira lo’ iyo Adhi.

Curashada Roobka oo ku soo beegamay xilliga caadiga ah ayaa waxa la sheegay inay ka da’een gobolada Hargeysa, Gebilay Awdal, iyada oo gobolada dhinaca barigana la sheegay inuu cirku tusan yahay oo la filayo inuu Roobka Gugu ka curto maalmaha soo socda, Lama sheegin ilaa hadda wax khasaare ah oo ay Roobabku u geysteen meelaha u gugu ka curtay.

Sanadkii la soo dhaafay Roobabka oo yaraa awgeed ayaa waxa gobolada Somaliland saameeyey jiilaal aad u xun, kaas oo ay ku riiqdeen xoolo badani, kadib markii uu xaaluf ba’ani la soo dersay dadka xoolo dhaqatada ah oo iyagu iyo xoolahooduba uu naafeeyey jiilaalka.

Jiilaalkan ayaa waxa uu ka dambeeyey markii roobkii xilligii guga ee sanadkii hore da’ay ay aad uga yaraayeen qiyaas ahaan intii dhulku uu heli jiray iyo Roobabkii dayrta oo aan iyaguna si fiican loo helin, waxa kale oo aan ka da’in dhulka xeebaha Roobabkaxayska loo yaqaan oo xilliga jiilaalka dhulka xeebaha hela, kaas oo xooluhu ay ku baxsan jireen.

Si kastaba ha ahaatee xoolaha ka soo hadhay abaarta ayaa laga cabsi qabaa inay xilligan Roobabku da’ayaan ay dhintaan xaalufka awgeed.

Dhulka miyiga ee ay xooluhu ku noolaan jireen ayaa waxa ku dhacay nabad guur, kadib markii dhulka dhirtii laga dhameeyey iyo baabuurta oo meel kasta ka dhigatay wadooyin, iyadoo biyaha Roobku ay markaaba ku shubmaan dooxyada.

Xukuumadda Somaliland ayaan iyadu wax qorshe ah ugu talo gelin deegaanka miyiga ee ay xooluhu ku noolaan lahaayeen, iyada oo dhaqaalaha Somaliland laf dhabartiisu ay tahay xoolaha, sidaa darteedna loo baahan yahay in miisaaniyada ugu badan loo qoondeeyo xoolaha iyo deegaanka.