Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

ISSUE 2001 March 31, 2009                  Rabiicul Thaani 4,1430H

“Badbaadadeenu Waxay Ku Jirtaa Doorasho Dhacda Iyo Xeerarka Dalka U Yaalla Oo Lagu Dhaqmo, Goleyaasha Baarlamaankuna Waa Inay Ogaadaan In Khilaafaadka Murugsan Uu Yahay Arrin Iyaga U Taalla”

Madaxweyne Riyaale Oo Digreeto Ku Soo Saaray Maalinta Komishanku U Cayimay Doorashada Madaxtooyada Iyo Bilowga Ololaha Muddo Kordhinta Oo Xawli Ku Socda

Guddida Kormeerka Doorashooyinka Oo Komishanka, Axsaabta Iyo Xukuumadda U Soo Jeediyay Baaq Isugu Jira Canaan Iyo Talooyin

Jimciyadda Mujaahidka Ee Sooyaal Oo Shahaado Sharaf Gudoonsiisay Mudane Nacnac

Tahriibayaal Somali Ah Oo Ku Dhintay Dooni Kula Qaraqantay Meel U Dhow Dekedda Caddan

Madaxweyne Bal Dib U Joogso, Waan Kula Dacwiyi, Doodna Waan OdhaneHargo Madhan Side, Hawli Kama Tegin, Habaarna U Dheer

Rayaalow: Markaad Dahaba-dheer Ka Doogtey Miyaad Durdurada Bilowday

Odayaasha Dhaqanka Ee Muqdisho Oo Canbaareeyey Hadal Ka Wasiirka Khaarajigu Ku Dalbaday Ciidamo Shisheeye Oo La Keeno Somalia

Komishanka Doorashooyinka Oo Madaxweyne Rayaale U Gudbiyey Wakhtiga Cusub Ee Ay U Cayimeen Inay Doorashadu Dhacdo

Rabshad Ka Dhacday Xaafadda Siinaanay Ee Hargeysa Oo Uu Ku Dhintay Wiil Dhalinyaro Ah

Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye Oo Meel Adag Iska Taagay Sharciyada Xukuumadda Rayaale Marka La Gaadho 6 April

Wasiir Cawil Oo Ka Muquurtay Wakiilada Iyo Wasiir Ku Xigeenka Maaliyada Oo Goluhu Ganafka Ku Dhuftay in Wax Laga Waydiiyo Miisaaniyadda

Wakiiladda Oo Cod Aqlabiyad Ah Ku Ansixiyey Miisaaniyadda 2009, Laba Bilood Oo Fasax Ahna Galay

Hargeysa, March 31, 2009 (Haatuf) – Golaha Wakiilada ayaa fadhigoodii shalay cod aqlabiyadda ku  ansixiyey odoroska miisaaniyada 2009 ee wasiirka maaliyaddu 1-dii bishan March uu golaha horgeeyey, taas oo golaha wakiiladuna ay kharashka doorashada madaxtooyada ee loogu qoondeeyey miisaaniyadda ay xukuumadda kaga dalbadeen in  2.500,000,000 SHSL lagu kordhiyo, taas oo wasiirka maaliyaddu qaab lifaaq ah markii dambe ugu soo daray, iyadoo sidoo kalana goluhu fadhigiisaa ku ansixiyey xubinta guddida cadaaladda iyo garsoorka ee ay wakiiladu soo magacaabaan, waxaanay fadhigaasi sidoo kale goluhu ku galay fasax muddo laba bilood ah.

Guddoomiyaha golaha wakiilada Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) oo guddoominayey fadhigii shalay ee golaha oo ay ka soo xaadireen mudanayaal tiradoodu gaadhayso 54 mudane ayaa waxa uu furitaankii fadhiga guddoomiyuhu mudanayaasha uga sheegay in miisaaniyada 2009 oo goluhu ka dooday loo baahan yahay in loo codeeyo maadama ay ka doodeen mudanayaashu .

Intaa ka dibna waxa ogolaaday ansixinta miisaaniyada 2009 40 mudane laba mudane way diideen 4 mudane way ka aamuseen guddoomiyuhuna ma codayn halkaasi ayaanay ansax ku noqotay miisaaniyada 2009 iyo lifaaqii kharashka doorashooyinka madaxtooyada loogu kordhiyey lacag dhan ShSL 2.500,000,000, halka markii hore xukuumaddu uga soo qoondaysay SHSL 8 bilyan, kaas oo isugeynta guud ee kharashka doorashooyinka madaxtooyada ee miisaaniyada 2009 uu noqonayo SLSH 10,500,000,000.

Intaa ka dib guddoomiyaha ayaa golaha u soo jeediyey laba xubnood oo isku soo sharaxay buuxinta jagada banaan ee guddida cadaaladda iyo garsoorka oo uu golaha wakiilada uu soo magacaabo guddida shuruucduna ay golaha u soo gudbiso si ay ugu kala codeeyaan qofkii buuxin lahaa jagadaasi, waxay u soo magacaabeen si loogu codeeyo labadan muwaadin Jamaal Jaamac Xaamud iyo Maxamed Jaamac Cilmi oo ay guddida shuruucdu golaha u soo gudbisay ka dib markii ay labadaa xubnood ka soo reebeen toban xubnood oo jagadaasi soo codsaday kuwaas oo markii CV-yadooda madasha fadhiga laga akhriyey labadaa xubnood xubintii noqon lahayd guddida cadaaladda ayaa waxaa uu goluhu cod aqalabiyada ku ansixiyey inuu jagadaasi buuxiyo Jamaal Jaamac Xaamud, waxaana ogolaaday ansixintisa 43 mudane cid diiday iyo cid ka aamustayna ay jirin, halka Maxamed Jaamac Cilmi ay ka ogolaadeen 9 mudane hal mudanana uu ka aamusay, halkaasi ayaanu ansax ku noqday xubinimada guddida cadaalada ee Jamaal Jaamac Xaamud.

Gebogabadii fadhigaasi ayuu gudoomiyaha golaha wakiiladdu Md: Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) uu madasha fadhigaasi si rasmiya ugaga dhawaaqay in muddo laba bilooda uu goluhu fasax yahay, kaas oo goluhu ka soo laaban doono fasaxaasi 1-da June, 2009.