Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

ISSUE 2102 July 27, 2009                  Rajab 5,1430H

Boqolaal Tahriibayaal Ah Oo Ku Qaraqmay Xeebaha Liibiya Iyo Dareenka Cabsida Leh Ee Dhalinyarada Reer Somaliland Ee Ku Qulqulaya Dalalka Waqooyiga Afrika

Kulmiye oo cadeeyey mawqifkiisa ku aadan muddo kordhinta ay Guurtidu u samaysay Madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa

Madaxweyne Obama Oo Socdaalkiisii U Horeeyay Ku Tegay Qaaradda Yurub

Xukuumadda Madaxweyne Rayaale Iyo Tirada 29 Ma Faal Baa U Qabtay

Koox Suxufiyiin Ah Oo Dhamaystay Tababar Aqooneed  Ku Saabsan  Xalinta Khilaafaadka Iyo Nabada  

Sirdoonka Iyo Habka Uu U Shaqeeyo

 

Safarkaygii Somaliland Iyo Wixii Aan Ku Soo Arkay 2008-2009

Dhalinyaradu Marnaba Ma Ogola Odayaal Korkooda Ku Legdama, Lumiyana Mustaqbalkooda

Dawladdu Xayaysiiska Caano Boodhaha Iyo Maraq Digaaga Ha iska Dayso

Wadooyin Ay Iska Kaashadeen Dawladda Hoose Iyo Dadka Ku Nool Degmada 26 June Oo Wasiirka Daakhiligu Xadhiga Ka Jooyey

Roobabkii Xilliga Guga Oo Ka Curtay Somaliland

Wakiiladda Oo Cod Aqlabiyad Ah Ku Ansixiyey Miisaaniyadda 2009, Laba Bilood Oo Fasax Ahna Galay

 

 Bandhig-Dhaqameedkii Mooge Festival Oo Maanta La Soo Geba-Gabaynayo Iyo Wacdirihii U Dambeeyay

Hargeysa, July 27, 2009 (Haatuf) – Bandhig-dhaqameedkii weynaa ee loogu magac daray Fannaankii weynaa ee Maxamed Mooge Liibaan (Alle ha u naxariistee),  ayaa maanta la soo gebagabay, ka dib markii uu shan maalmood oo taxane ah ka socday hoolka xafladaha Hay’ada shaqaalaha ee magaalada Hargeysa, waxaana maalintii shalay halkaas lagu soo bandhigay riwaayado kala duwan,  gabayo, maansooyin iyo bandhigyo kale oo aad u xiiso badnaa.

Bandhi-dhaqameedka Mooge Festival oo muddadii uu socday si weyn looga qayb-gelayey, ayaa shalay waxa lagu soo bandhigay saddex masrax-riwaayadeed oo xambaarsanaa suuggaan kala duwan.

Masrixiyadii koowaad, ee halkaas shalay lagu soo bandhigay ayaa ahayd riwaayad kooban oo ka hadlaysay maaweelada caruurta iyo  sida ugu mudan ee ilamaha loogu ababin karo dhaqankiisa ma guurtada ah ee uu hiddaha  leeyahay, waxaana riwaayadaas fanaaniinta jilaysay horkacayay Abwaan Cabdi Muxumed  [Cabdi-falaash], iyadoo ay riwaayadaasi ahayd mid xambaarsanayd muuqaal si dhab ah uga turjumaya gardaadinta garaad caruurta.

Masraxiyada labaad waxa ay diirada saaraysay mahlakadaha iyo aafooyinka khatarta ah ee ku geedaaman safarka khatar ah ee tahriibka, isla markaana waxa ay iftiiminaysay nolosha dhabta ah ee ku duugan ficilka tahriibka, natiijada xun ee ka dambaysa, silica iyo saxariirka uu qofka tahriibayaa la kulmayo, waxaana riwaayadaas jilayey Kooxda Walaalaha Togdheer ee fadhigoodu yahay magaalada Burco, iyadoo looga dan lahaa hogo-tusaalaynta garasho-darrada dadku aanay uga fiirsan khatarta iyo mushkiladaha dhabta ah ee ku geedaaman  tahriibka.

Masrixiyadaasi waxa ay soo gudbinasay oo ay ka digaysay in aanay da’yartu ku kicin filcilada tahriibka, isla markaana waxa ay sharxaysay sida ugu mudan ee qofka loogala talin karayo, sida wax-ku-ool ah ee loogu baahan yahay in qofku talooyinka loo soo jeedinayo u qaato iyo in aanu qofku tiisa uun ku socon, waxaanay dhiiri-gelinaysay in dadku wadankooda aaminaan, oo meel dalkooda u dhaantaa aanay jirin.

Masrixiyada saddexaad-na ayaa ahayd riwaayad ka turjumaysay ilaalinta, daryeelka iyo kor-u-qaadista wacyiga bulshada ee la xidhiidha qiimaha Badda, waxaana curiyey Abwaan Axmed Aw Geedi, isaga oo uga dan lahaa in uu Bulshada ugu soo gudbiyo masuuliyada iyo ilaalinta khayraadka Badda, taas oo ay metelayeen Kooxda Circus Hargeysa [Kooxda Qalaamo-rogadka ee HAVAYOCO], Waxaa kaloo ay soo ban-dhigaysay sida ay dadku isaga kaashanayaan ka faa’idaysiga Badda, ka hortegista Maraakiibta sida sharci-darrada ah uga Kalluumaysta xeebadaha Somaliland.

Sidoo kale waxaa bandhig-dhaqameedkaas xalay lagu soo bandhigay Gabayo uu hormuud ka ahaa Abwaan Maxamed Ibraahim [Hadraawi] oo halkaas ka soo jeediyey Gabay uu magac-daray ‘DHUL-GARIIR.’ Kaas oo uu kaga hadlayay takoorka lagu hayo beelaha la hayb-sooco ee laga tirada badan yahay.

Waxaa isaguna halkaas ku soo bandhigay taariikhdoodii wax-qabad Ururka Qoraayaasha Somaliland, oo dadweynihii kala duwanaa ee bandhigaas ka soo qayb-galay ku dhiiro-geliyey inay isku taxalujiyaan sidii ay wax u qori lahaayeen.

Cabdala xaaji oo isna ka mid ah qoraayaasha reer Jabuuti ayaa halkaas dadweynihii kala duwanaa ee ka soo qayb-galay badhigaas ugu soo bandhigay filim documentry ah oo aad u qiimo badan oo ku saabsan taariikhdii fankii hore ee Djibouti iyo sida ay wax isaga bedeleen.

Bandhig-dhamameedka Mooge ayaa lagu wadaa in maanta si rasmi ah loo soo geba-gabeeyo, waxanu jadwalka barnaamijka maanta ahaan noqonayaa sidan hoos ku qoran:

 Maalinta Lixaad - Isniin 27 Julaay 2009

Dhacdada Koowaad: Bandhigga Xarunta Cilmibaadhista, Akhriska iyo Buug Fidinta ee Badda Cas - Waqtiga 09:00 -11:00 - Waxaa daadihin doona Cabdiraxmaan Yuusuf Cartan 
Fadhigani wuxu ka koobnaanayaa bandhigyo iyo casharo ay bixinayaan culumo Somali ahi oo ku saabsan kaalinta jaamacadaha, dugsiyada, maktabadaha iyo dawladaha hoose ka qaadan karaan kor u qaadidda dhaqanka wax-akhriska. Casharada waxa bixinaya prof. Xuseen Xasan Guuleed, Dr Xuseen Bulxan, Dr Sacad Cali shire. Waxa ku xigaya doodo mawduuca lagu sii ambaqaadi doono.

Dhacdada labaad: Gabayada Colaadda iyo Nabadda, waxa hagaya Maxamed Baashe Waqtiga 11:00 – 13:00

Dhacdadan waxa lagu qaadaa dhigayaa akhris iyo doodo ku salaysan halabuurka faneed ee suugaanta Soomaaliyeed 200 ee sano ee u danbaysay. Dhacdadan waxa lagu soo bandhigayaa daabacaadda cusub ee Taxanaha Suugaanta Soomaliyeed oo uu tifaftiray Rashiid Sheekh Cabdillahi Gadhweyne uuna af Ingiriisi u tarjumay Dr Martin Orwin. Ururinta xulka gabayaaga waaweyn ee Soomaaliyeed ee taxanaha ku jira waxa ka qayb-qaatay Axmed Aw Geedi iyo Ismaaciil Aw Aadan, waxana daabacay hay’adaha Progressio iyo Redsea-Online. Waxa jiraya qaybo buuggaas ka mid ah oo akhriyayaan qoraayada buuggan ee madasha joogaa. Ka qaybgalayaasha dhacdadan waxa ka mid ah suugaan yahanno, aqoon yahanno iyo xeeldheereyaal ay ka mid yihiin Rashiid Sh Cabdillaahi, Axmed Aw Geedi, Axmed Macalin, Maxamed Xaashi Dhamac Gaarriye iyo Maxamed Ibraahim Warsame Hadraawi.

Dhacdada Saddexaad: Riwaayadda , Waqtiga 1600-1700 - Ha Cabudhinin Garashada”
Mawduuca Bandhig Mooge wuxuu ku furmayaa riwaayad kooban oo uu allifay Maxamed Jaamac Kayd lana magac baxaday “Ha Cabudhinin Garashada” oo sida magaceeda ka muuqda ku saabsan faafreebka, ayna jilayaan fannaaniin ay ka mid yihiin Kinsi Xaaji Aadan, Busi, Faarax iyo qaar kele.

Dhacdada Afraad: Bandhigga iyo waxqabadka Naadiyada Akhriska 17:00-18:00
Naadiyada Akhriska ee dalka ayaa mid kastaa soo bandhigi doonaa taariikhdiisii, waxqabadkiisa iyo waliba hadafkiisa dhaw iyo yoolkiisa dheerba. Naadiga Akhristeyaasha Hargeysa, Maskaxmaal, Halkaraan, Naadiga Akhristeyaasha Berbera, Naadiga Akhristeyaasha “Ismaaciil Mire”, Naadiga Akhristeyaasha Ceerigaabo iyo Naadiga Akhristeyaasha Xikma.

Dhacdada Shanaad: Sidee ku Yagleeli karnaa Bulsho Furfuran oo Isu Dulqaadata? Waxaa daadihinaya Cabdalle Xaaji -Waqtiga: 19:00-21:30 

Fadhigani wuxu noqonayaa kii lagu soo gebagebaynayey Bandhig Dhaqameedkan Mooge, waxana lagu gorfaynayaa mawduuca muhiimka ah ee la xidhiidha xorriyadda hal-abuurka iyo kaalinta dhaqanku ka qaadanayo abuuritaanka bulsho dulqaad leh oo furfuran oo dimuqraadi ah. Axmed Aw Jaamac waxa oo hadli doonaa Soomaalidii hore suugaanteedu xoriyad intee leeg bay lahayd? dhaqan dulqaad inteebay ka lahayd? Waxa halkaas doodo ka soo bandhigaya Dr. Sacad Cali Shire, Rashiid Sheekh Cabdullahi, Siciid Jaamac Xuseen, Prof. Daahir Maxamuud Xaddi, Fowsia Hormood. Is waydiintan oo ay ka qayb qaadan doonaan iyana da’yartu waxay tahay sidee ku hanan karnaa bulsho furfuran oo isu dulqaadata, waana maxay kaalinta xorriyadda hal-abuurka iyo dhaqanku? Wax ma ku biirin karaan fanka iyo dhaqanku abuuritaanka dhaqan dulqaad leh? Waxaa dooddan iyana fikraddooda ka dhiibanaya faca soo koraya, Maxamed Osman. Waxaa lagu soo gabogabaynayaa xaflad loo dhan yahay oo ay iskugu imanayaan marti sharaftii kasoo qayb gashay barnaamijka oo dhami, yar iyo wayn, aqoonyahan, halabuur iyo fanaan intaba.