Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

ISSUE 2103 July 28, 2009                  shacbaan 6,1430H

Boqolaal Tahriibayaal Ah Oo Ku Qaraqmay Xeebaha Liibiya Iyo Dareenka Cabsida Leh Ee Dhalinyarada Reer Somaliland Ee Ku Qulqulaya Dalalka Waqooyiga Afrika

Kulmiye oo cadeeyey mawqifkiisa ku aadan muddo kordhinta ay Guurtidu u samaysay Madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa

Madaxweyne Obama Oo Socdaalkiisii U Horeeyay Ku Tegay Qaaradda Yurub

Xukuumadda Madaxweyne Rayaale Iyo Tirada 29 Ma Faal Baa U Qabtay

Koox Suxufiyiin Ah Oo Dhamaystay Tababar Aqooneed  Ku Saabsan  Xalinta Khilaafaadka Iyo Nabada  

Sirdoonka Iyo Habka Uu U Shaqeeyo

 

Safarkaygii Somaliland Iyo Wixii Aan Ku Soo Arkay 2008-2009

Dhalinyaradu Marnaba Ma Ogola Odayaal Korkooda Ku Legdama, Lumiyana Mustaqbalkooda

Dawladdu Xayaysiiska Caano Boodhaha Iyo Maraq Digaaga Ha iska Dayso

Wadooyin Ay Iska Kaashadeen Dawladda Hoose Iyo Dadka Ku Nool Degmada 26 June Oo Wasiirka Daakhiligu Xadhiga Ka Jooyey

Roobabkii Xilliga Guga Oo Ka Curtay Somaliland

Wakiiladda Oo Cod Aqlabiyad Ah Ku Ansixiyey Miisaaniyadda 2009, Laba Bilood Oo Fasax Ahna Galay

 

 Muranka Daahfurka Miisaanka Maansada Oo Soo Laba Kacleeyey Iyo Hadraawi Oo Ka Marag-Furay

Hargeysa July 28, 2009 9 (Haatuf)- Abwaan Maxamed Xaashi Dhamac (Gaariye) ayaa shalay madal ku soo bandhigay inuu isagu helay oo dajiyey isla markaana qoray miisaanka maansada Soomaliyeed. 
Abwaan Gaariye Waxaa uu faah faahin ka bixiyay inaanu ahayn qofka ugu aqoonta badan marka laga hadlayo dejinta miisaanka maansada Soomaaliyeed, balse isagu cilmi baadhis uu sameeyay u ku helay miisaanka maansada Suugaagta kuna qoray wargeyskii Xiddigta oktoobar taariikhdu markay ahayd 1976-kii, taas oo uu shalay ku soo bandhigay daliilo cad-cad iyo marag muujino.

Abwaan Gaariye, wuxuu arrintaasi ku soo bandhigay hadal dheer oo uu ka jeediyay madal dhaqameedka loogu magac daray Maxamed Mooge iyo Carwada caalamiga ah ee Hargeysa, oo xalay lagu soo gabogabeeyay Ambassador Hotel.

Abwaan Maxamed Xaashi Dhamac, wuxuu u mahad celiyay qaban qaabiyeyaasha kulankan ee maanta(shalay) ajandaha ku soo daray in laga hadlo miisaanka maansada, waxaanu tilmaamay in maansada Soomaalidu ay tahay mid ka dhaxaysa oo ay wada jir u leeyihiin qoomiyadaha Soomaalidu.

Ugu horayn waxa hadalkii furay isla markaana daadihinayey barnaamijka doodan ku saabsan, yaa ugu horeeyay ee helay ama cilmi baadhistii ugu horaysay ku sameeyay Miisaanka Maansada Suugaanta Soomaaliyeed oo soo baxda soona gaadha bulshada.   Hadaba Xuseen Xasan Guuleed oo ka mid ahaa ama gudoomiye u ahaa guddi ka gar- naqday muranka u dhexeeya labada Professor ee Maxamed Xaashi Dhamac Gaariye iyo Cabdillaahi Diiriye Guuleed Caraale oo midba ku doodayo in uu isagu ahaa ninka helay Miisaanka Maansada Suugaanta Soomaaliyeed, isaga oo arrintaa ka hadlaya Xuseen Xasan waxa uu yidhi “waa ii sharaf inaan galabta daadihiyo doodan halkan ka dhacaysa, dood ama dood cilmiyeed waxa inoo akhriyi doona ama cilmi baadhis uu sameeyay wax inooga shaacin doona Professor Maxamed Xaashi Dhamac (Gaariye), Gaariye waa nin aanu mar arday wada ahayn, mar shaqaale wada noqonay, mar saaxiib aanu nahay.

Waxa kale oo taa dheer oo dhawr jeer aanu ku kulanay Jaamacad Norway ku taala oo Lila-hammer la yidhaahdo ayuu Professor ka yahay sanadkiiba laba jeer ayuu noo yimaadaa oo muddo nala joogaa hadaan taa inyar dhaafo oo aan ka waramo cilmi baadhista laga yaabo imika inuu wax inooga ifiyo kal hore bishii December ayaa guddi aan ka mid ahay ama aan gudoomiye u ahaa ayaa dood ka dhaxaysay ama arrin ka dhaxaysay Professor C/llaahi Diiriye Guuleed Caraale iyo Professor Maxamed Xaahi Dhamac (Gaariye) ayaan ka qayb galay, doodaas ama murankaas oo ahaa laba qaybood kala ahaa.

Ta ugu horaysa oo ahayd:Yaa ugu horeeyay oo daahfuray Miisaanka Maansada Suugaanta Soomaaliyeed..Ta labaadna waxay ahayd, markaan leeyahay yaa ugu horeeyay waxa weeye Caraale iyo Gaariye. Arrinta labaad ee meesha timidna waxay ahayd labadooda qoraal ama labadooda cilmi baadhiseed ee ay sameeyeen keebaa mug leh, keebaa culus, keebaa waxtar badan, anagu madasha markaanu joognay ee Norway joognay ee aan guddidaa ka madax ahaa waxa ay noqotay inaanu ka gar niqi karo mid, taas oo ah yaa u horeeyey oo daah-furay Miisaanka Maansada Soomaaliyeed anagoo ku saldhig uga dhigayna wixii qoraal ahaa ee jiray taariikh ahaan ka soo horeeyay ee u soo baxay bulshada, wixii cilmi baadhis la sameeyay keebaase loo soo hor saaray ee lagu soo saaray qoraal soo gaadha dadka taa waanu ka gar-naqnay waxanu ku bays-garaynay oo ugu horeeyay wixii lana soo hordhigay ee qoraal ahaa article ku yiilay Xiddiga October 17kii January 1976-kii. Arrinta kale ee ah labada cilmi baadhiseed buuggaagta ay qoreen kee mug weyn, kee mac, kee shillis waxanu nidhi wax aanu anagu guddi ahaan maalintaa iyo halkaa aanu ka gar niqi karayno maaha waxna ka sheegi karayno sababtoo ah intayadi meesha joogtay ehel umaanaan ahayn Suugaanta Soomaaliyeed, makeeda iyo wakhtigeeda iyo meesheeda ayay taasina noqon doontaa haddii ay cidi taa doonayso.

Waa nasiib wanaag maanta ama galabta inuu Gaariye inala joogo C/llaahina waa fadhiyaa ban filayaa laakiin wax leh Microfan-ka imika aan ku soo dhoweynayaa Gaariye” ayuu yidhi Xuseen Xasan Guuleed       

Intaa ka dib waxa hadalka dooda ku saabsan yaa helay ama cilmi baadhsitii ugu horaysay ku sameeyay Miisaanka Maansada Suugaanta Soomaaliyeed, Maxamed Xaashi Dhamac Gaariye in uu ahaa ninkii helay isla markaana qoraal ku lagu soo daabacay Ex. Xiddigtii Oktoobar ee ummada soo gaadha taariikhdu markay ahayd 17 January 1976-kii, taas oo uu isaguna dhiniciisa u sheeganayo Professor C/llaahi Diiriye Guuleed Caraale, waxana uu Gaariye doodiisa uu ka waramay arrintaa waxa ka mid ahaa oo uu yidhi “arrinkan aynu ka wada hadalaynaa waa arrin cilmi ah oo ku saabsan maansada Soomaaliyeed oo inaga inteena halkan joogta oo kaliya aynaan lahayn, waxaynu ka hadlaynaa markaynu ka hadlayn Miisaanka maansada Soomaaliyeed, waxaynu ka hadlaynaa waxa wada leh wax allaale wixii af Soomaliga ku hadla oo dhan ayaa wada leh Jabuuti baa inala leh, Itoobiya ayaa inala leh, kiiniya ayaa inala leh, horta qodobkaasi inuu cadaadaa baan jecelahay oo wax xaafad yari wadato maahee waa wax ummad leedahay baynu ka wada hadlaynaa oo cilmi ah oo afkeeda ku jira, af walibana waxa uu leeyahay Miisaan buu leeyahay tixdiisu qawaaniin ay raacdo oo xukunta ayaa af waliba leeyahay” ayuu yidhi Gaariye, waxanu isaga oo ka hadlaya dooda muranka u dhexeeya isaga iyo Caraale ka hor helay ama cilmi baadhis ku sameeyay soo baxada Miisaanka maansad Soomaliyeed uu yidhi “ sidaa uu sheegay Xuseen wixii qornaa ee ugu horeeyay ee la daabacay waxay ahayd aniga ayaa waxaan ku qoray Xiddigta Oktoobar 1976-kii halkan waxaa jooga raggii markaa joogay, Muuse Cabdi Cilmi, Rashiid Sh Cabdillaahi, Siciid Jaamac beenaale markhaatigiisuu Baydhabo geeyaa.

Waxa kale oo aan doonayaa waxaan bilaabay, anigu intii aan afsoomaaliga la qorin ka hor baan bilaabay macalin Sacandery- ga anigoo ku jira Carabidana waan ku wanaagsanaa ragii ila fasalka ahaa baa garanaya, macalinkii Carabida noo dhigayey oo Axmed Sh Aadan la odhan jiray oo reer sheikh ahaa oo dhintay ayaa wuxuu nooga sheekeeyay Al-Khaliil binu Axmed Al-Faraahidi oo ah ninkii helay qawaaniinta xukunta maansada afka Carabiga ah ayuu nooga sheekeeyay caruur baan ahaa markaa awood gabyaana waan leeyahay laakiin cilmi uma lihi cilmi afeed ma aqaan, markaasuu wuxuu tusaalooyin naga siiyey sida ay u shaqayso faacilaadu…..godadkii gabayga af carabiga xukumayay buu na siiyey.

Aniga waxa markiiba igu soo dhacday tolow af soomaaligiinu ma leeyahay baa markaa igu soo dhacaday, gabayaana waan ahay oo waxaan leeyahay markaa bal hada isku qiyaas, markaasaan waxaan isku qiyaasay godadkii uu na siiyey ee af carabiga ahaa ayaan is idhi maansadii soomaalida geli gabaygii soomaaliyeed bal inu galayo, gabaygiina anigaaba awood u leh inaan sameeyo. Show waxaan isla doonanayaa laba af oo aan shaqo isku lahayn inay qawaaniini xukuntana waan arkayaa, markaa afka Soomaalidu ma qorayn oo eeg gabay markaad qorto ee aad is hor dhigto ee baydkaa qorto ee baydkaa qorto ayaad arkaysaa oo aad garan kartaa waxa ka dhexeeya beydadkaa muu qorayn afku dhib ayay igu noqotay anigoo la daalaa dhacaya ayaa 1972 kii lagu dhawaaqay afka soomaaliga, markaasaa markii ugu haraysay baan qori karay gabayga Soomalida, markaasaan markaa 20 bayj qoray sidaa isu daba qoray ayaa waxaan is weydiiyey maxaa ka dhexeeya? Ragaan markaa kala sheekaysan jiray halkanay fadhiyaan. Ka dib waxa isoo baxday markii farta la qoray bay ii fududaatay, waxa ii soo baxday beydadkii gabayga ahaa uun baan shaqalo u wada bedelay waxaan arkay markaan labaatan beyd sidaa u eegay wax ka dhexeeya ayaa igu soo baxay, waxa ugu dhowaa cid aan ku cararo, waxaan doonayaa taarkhiida aan ka hadlayo idinkaa leh inta la wada nool yahayna inaad taariikhda heshaan weeye.

Waxa aan ku cararay markaan eegay ee wax shaqaynayana ay soo baxaday ayaa waxaan ku cararay saxiibkay Hadraawi oo maanta nool, waxaan la tagey guri uu lahaa nin Axmed Cabdi Dacar la yidhaahdo oo macalin ahaa, Hadraawi waxa la xidhay oo xamar afweyne  ku xidhay 1973-kii, intaan Hadraawi la xidhin baan ka hadlayaa oo ah horaantii 73-kii ayaan u yeedhay Hadrawi oo guriga Axmed Cabdi Dacar baan geeyay oo muddadaasi waxay ka horaysaa markii aan Xiddigta Oktoobar ku qoray saddex sanadood markaa aan hadraawi u soo bandhigay waanu nool yahay. Haddii hadal laga tegi waayo adiga oo inan yar oo ciyaal ah oo isla booday ah oo wax baan helay oo qof wal oo iga hor yimaadaba wax baan helay miisaankan eeg bal siday u shaqaynayso eeg meel walba aniga oo la maraya ayaa waxa helay nin Saalax Jaamac, Siciid Jaamac nin ay walaalo yihiin oo ka yaraa baa i helay oo igu yidhi waar waxan aad ku hadlaysaa waa wax qiimo leh Ilahay ha ka raali noqdo inanka markaa umaan jeedin waxaa, libtana waa la wada sheegtaa oo Aabayaal badan bay leedahay, waar orodoo meel ku qor buu igu yidhi, oo Xiddiga Oktoobar ku qor buu igu yidhi, kamabaan fikirin-ba igumaba soo dhacdeen hadaan inankaasi igu baraarujin dabadeed waxaan ku qoray xiddigta Oktoobar saddex sanno ka dib Hadraawi markaan u sheegay, raggii aan wakhtigaa intaa u sheegayna waxa ka mid ah Muuse Cabdi Cilmi oo halkan fadhiya. Intaasi waa sheekada hordhaceedii iyo taariikhdeedii, waxan aan ka hadlayo ayaan hadaba ka hadlayaa waa kan qolada guddiga go’aanka sida ay go’aamiyeen, cilmiguna waxa uu ku wanaagsan yahay qof waliba inuu doorkiisa soo bandhigo oo wax walba waa laga fa’iidaysanayaa. Hadaan anigu ahay leeyahay qofkii ugu horeeyay ee laga maqlaan ahay, haddii aan idhi waxaan ahay qofkii ugu horreeyay ee qoray miisaanka maansada, macnaheedu ma aha inaan ahay ka ugu aqoonta badan, oo waxa dhici karta in dad idinka (Ka qeyb gelayaashii) aad noqon kartaan qaar nooga aqoon badan, laakiinse mid uun ha iga dafirani inaan qoray anigu. Wax alaale waxa kale oo dhami waa sax waayo rag baa soo baxaya iga aqoon badan ayaan ogahay inay soo baxayaan oo rag baa su’aalaha markay qaar I weydiiyaan candhuufta liqaa, markaasaan idhaa ragii ku bedelayay waa kuwaas wuxuna sibay u bilaabantaa oo maalinba nin baa wax ku dara, oo nin walba intuu ku daray uun baa la sheegaa” ayuu yidhi Maxamed Xaashi Dhamac (Gaariye} intaa ka dib Kabiirka gabayaagaa soomaaliyeed ee qarnigii 20-aad iyo ka 21-aadba Maxamed Ibraahim Warsame Hadraawi ayaa markaa ka dib ka soo kacay halkiisii isaga oo salaamaya C/laahi Cukuse oo su’aasha lahaa iyo Abwaan Gaariye oo sii baxayay markaana la taagnaa, waxaanu isaga oo Cukuse la hadlaya yidhi “Adeer horta aan kuu sheegee sidaa uu Gaariye sheegay waa runtii oo aniga Xilligaa ayuu iigu sheegay arrintan, markaa uu ii sheegayayna ma ogi inay mid kale oo isla noocan ahi jirtay iyo in kale”

jawaabta uu Abwaan Hadraawi siinayo C/laahi Cukuse ayaa daba socotay su’aashii uu madasha kala kacay iyo mid aan taa ka fogayn oo la xidhiidha isla arrintan  oo uu habeenimadii ka horaysay Abwaanka waydiiyay.

Madasha ayaa waxa ka soo qayb galay gudoomiye ku xigeenka 1aad ee xisbiga KULMIYE Muuse Biixi Cabdi, Abwaan Maxamed Ibraahin warsame Hadraawi, Abwaan Cali Xasan Aadan Banfas, Abwaan Kayd, hal-buuro, qorayaal iyo dadweyne fara badan.

Dhinaca kale Professor Cabdilaahi Diiriye Guulleed, oo xiligan ku sugan Hargeysa ayaa buug uu ka qoray miisaanka maansada ku soo bandhigay carwada madal dhaqameedkan maalmihii la soo dhaafay, waxaanu mar uu saxaafada la hadlayay uu isna dhinaciisa sheegtay inuu ahaa ninkii ugu horreeyay ee dhigay miisaanka maansada.