Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

ISSUE 2002 April 01, 2009                  Rabiicul Thaani 5,1430H

“Badbaadadeenu Waxay Ku Jirtaa Doorasho Dhacda Iyo Xeerarka Dalka U Yaalla Oo Lagu Dhaqmo, Goleyaasha Baarlamaankuna Waa Inay Ogaadaan In Khilaafaadka Murugsan Uu Yahay Arrin Iyaga U Taalla”

Madaxweyne Riyaale Oo Digreeto Ku Soo Saaray Maalinta Komishanku U Cayimay Doorashada Madaxtooyada Iyo Bilowga Ololaha Muddo Kordhinta Oo Xawli Ku Socda

Guddida Kormeerka Doorashooyinka Oo Komishanka, Axsaabta Iyo Xukuumadda U Soo Jeediyay Baaq Isugu Jira Canaan Iyo Talooyin

Jimciyadda Mujaahidka Ee Sooyaal Oo Shahaado Sharaf Gudoonsiisay Mudane Nacnac

Tahriibayaal Somali Ah Oo Ku Dhintay Dooni Kula Qaraqantay Meel U Dhow Dekedda Caddan

Madaxweyne Bal Dib U Joogso, Waan Kula Dacwiyi, Doodna Waan OdhaneHargo Madhan Side, Hawli Kama Tegin, Habaarna U Dheer

Rayaalow: Markaad Dahaba-dheer Ka Doogtey Miyaad Durdurada Bilowday

Odayaasha Dhaqanka Ee Muqdisho Oo Canbaareeyey Hadal Ka Wasiirka Khaarajigu Ku Dalbaday Ciidamo Shisheeye Oo La Keeno Somalia

Komishanka Doorashooyinka Oo Madaxweyne Rayaale U Gudbiyey Wakhtiga Cusub Ee Ay U Cayimeen Inay Doorashadu Dhacdo

Rabshad Ka Dhacday Xaafadda Siinaanay Ee Hargeysa Oo Uu Ku Dhintay Wiil Dhalinyaro Ah

Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye Oo Meel Adag Iska Taagay Sharciyada Xukuumadda Rayaale Marka La Gaadho 6 April

Wasiir Cawil Oo Ka Muquurtay Wakiilada Iyo Wasiir Ku Xigeenka Maaliyada Oo Goluhu Ganafka Ku Dhuftay in Wax Laga Waydiiyo Miisaaniyadda

Madaxweyne Obama Oo Socdaalkiisii U Horeeyay Ku Tegay Qaaradda Yurub

London, April 1, 2009 (Haatuf/W. Wararka) – Madaxweynaha Maraykanka Barack Xuseen Obama ayaa shalay socdaalkiisii ugu horeeyay ee uu dalka Maraykanka dibadda uga baxo labadii bilood ee uu xilka Madaxweynaha hayey ku tegay magaalada London ee caasimadda dalka Britain, halkaas oo uu uga bilaabmay sodaal uu ku marayo dalal ka tirsan Qaaradda Yurub.

Socdaalka Yurub ee Madaxweyne Obama oo  ay ku weheliso Marwadiisa Michelle Obama ayaa waxa uu qorsheysan inuu London kaga qayb-galo shir-madaxeedka Wadamada Loo yaqaan G20 ee dhinaca Dhaqaalaha ugu horumarsan dunidda, kaas oo maalinta Khamiista ka furmaya magaalada London, isla markaana ay ajandayaashiisa ugu weyn tahay arrinta dhaqaale-xumida dunida ee uu la kowsaday Madaxweyne Obama muddadii labada bilood ahayd ee xilka Madaxweynaha Maraykanka hayey.

Afhayeenka Aqalka Cad Robert Gibbs ayaa sheegay in madaxweynaha Maraykanku uu London la tegi doono laba door oo kala ah inuu wax ka dhegaysto hoggaamiyeyaasha Yurub iyo dunida iyo in uu hoggaamiyo shir-madaxeedka G20.

Madaxweyne Obama waxa uu inta uu shirku socdo la kulmi doonaa qaar ka mida madaxda shirka ka qayb-gelaysa, kuwaas oo ay ka mid yihiin Ra’iisul-wasaaraha Britain, madaxweynayaasha Shiinaha iyo Ruushk iyo Boqorka Sucuudiga Carabiya.  Sidoo kale waxaa Madaxweyne Obama u qorsheysna inuu la kulmo boqorada Ingiriiska.

Socdaalka Yurub ee Madaxweyne Obama oo la sheegay inuu qaadanayo siddeed maalmood ayuu ku mari doonaa shan dal oo ku yaal Yurub, waxaanu madaxweyne Obama Faransiiska kula kulmi doonaa madaxweyne Nocolas Sarkozy, isaga oo Jarmalkana kula kulmi doona Ra’iisul-wasaare Angla Merkel.  Obama waxa kale oo uu ka qayb-geli doonaa kulan ay wadamada NATO yeelan doonaan.

Dhinaca kalena, tobanaan kun oo qof ayaa Sabtidii dibad-baxyo ka dhigay magaalooyin ku yaal Yurub, iyaga oo shir-madexeedka kooxda 20-ka ka dalbanaya inay tallaabooyin ka qaadaan arrimaha saboolnimada, shaqo la’aanta, iyo Isbeddelka cimillada dunida.

Dibad-baxayaal gaadhaya 3500 ayaa socod ku maray waddooyinka London, iyaga oo rumaysan in nidaamka dhaqaalaha caalamka ee haatan jira aanu shaqayn karin, sidaa darteedna loo baahan yahay isbeddello waaweyn oo ay qaadaan madaxda dunida horumartay. 

Dibad-baxyo kaa la mida ayaa ka dhacay goobo kale oo ay ka mid tahay Berlin, Frankfurt, iyo waliba caasimadaha Austria iyo France.  Bileyska ayaa sheegay in inta badan dibad-baxyadaasi ahaayeen kuwo aan rabshado wadan.