Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

ISSUE 2002 April 01, 2009                  Rabiicul Thaani 5,1430H

“Badbaadadeenu Waxay Ku Jirtaa Doorasho Dhacda Iyo Xeerarka Dalka U Yaalla Oo Lagu Dhaqmo, Goleyaasha Baarlamaankuna Waa Inay Ogaadaan In Khilaafaadka Murugsan Uu Yahay Arrin Iyaga U Taalla”

Madaxweyne Riyaale Oo Digreeto Ku Soo Saaray Maalinta Komishanku U Cayimay Doorashada Madaxtooyada Iyo Bilowga Ololaha Muddo Kordhinta Oo Xawli Ku Socda

Guddida Kormeerka Doorashooyinka Oo Komishanka, Axsaabta Iyo Xukuumadda U Soo Jeediyay Baaq Isugu Jira Canaan Iyo Talooyin

Jimciyadda Mujaahidka Ee Sooyaal Oo Shahaado Sharaf Gudoonsiisay Mudane Nacnac

Tahriibayaal Somali Ah Oo Ku Dhintay Dooni Kula Qaraqantay Meel U Dhow Dekedda Caddan

Madaxweyne Bal Dib U Joogso, Waan Kula Dacwiyi, Doodna Waan OdhaneHargo Madhan Side, Hawli Kama Tegin, Habaarna U Dheer

Rayaalow: Markaad Dahaba-dheer Ka Doogtey Miyaad Durdurada Bilowday

Odayaasha Dhaqanka Ee Muqdisho Oo Canbaareeyey Hadal Ka Wasiirka Khaarajigu Ku Dalbaday Ciidamo Shisheeye Oo La Keeno Somalia

Komishanka Doorashooyinka Oo Madaxweyne Rayaale U Gudbiyey Wakhtiga Cusub Ee Ay U Cayimeen Inay Doorashadu Dhacdo

Rabshad Ka Dhacday Xaafadda Siinaanay Ee Hargeysa Oo Uu Ku Dhintay Wiil Dhalinyaro Ah

Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye Oo Meel Adag Iska Taagay Sharciyada Xukuumadda Rayaale Marka La Gaadho 6 April

Wasiir Cawil Oo Ka Muquurtay Wakiilada Iyo Wasiir Ku Xigeenka Maaliyada Oo Goluhu Ganafka Ku Dhuftay in Wax Laga Waydiiyo Miisaaniyadda

Xukuumadda Madaxweyne Rayaale Iyo Tirada 29 Ma Faal Baa U Qabtay

Fu’aad Aadan Cadde Wasiirkii hore ee Deegaanka iyo horumarinta Miyiga

Hargeysa, April 1, 2009 (Haatuf) Mar.31, 2009 - Wasiirkii hore ee Deegaanka iyo Horumarinta miyiga Soamliland Md Fu’aad Aadan Cadde, oo xilligana ka tirsan xisbiga KULMIYE, ayaa Saxaafada ugu baaqay inay soo baadhaan waxa qabashada doorashooyinka dalka iyo dhacdooyinka siyaasiga ah ku beega tirada 29.

Md Fu’aad Aadan Cadde, wuxuu sidaasi ku sheegay mar uu maanta xarunta dhexe xisbiga KULMIYE uu kula hadlayay warfidiyeenka, waxaanu yidhi “Aniga wax baa iga yaabiyay, Qaraxii Hargeysa ka dhacay wuxuu dhacay 29-kii October 2008, Doorashadii madaxtooyada hore waxa looga dhigay 29-ka March, Dhagaxa Madaxweynuhu isku xeeray waa 29 xabo, Guurtidii uu dirtay ee uu yidhi wax ii saxeexa ee mooshinka Golaha horkeentay waa 29 Mudane, dadkii qaraxa ku dhintay isaga iyo allihiisee wuxuu yidhi waxay ahaayeen 29 Qof, cid uu mag siinayo ma aynaan arage’e, haddana waxa la yidhi 29-ka September waa maalinta doorashada la qabanayo, 29-ka bisha October-na waa maalintuu meesha ka degayo ayaa la leeyahay, bal waxaad soo baadhaan waxan oo 29 ah.”