Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

ISSUE 2002 April 01, 2009                  Rabiicul Thaani 5,1430H

“Badbaadadeenu Waxay Ku Jirtaa Doorasho Dhacda Iyo Xeerarka Dalka U Yaalla Oo Lagu Dhaqmo, Goleyaasha Baarlamaankuna Waa Inay Ogaadaan In Khilaafaadka Murugsan Uu Yahay Arrin Iyaga U Taalla”

Madaxweyne Riyaale Oo Digreeto Ku Soo Saaray Maalinta Komishanku U Cayimay Doorashada Madaxtooyada Iyo Bilowga Ololaha Muddo Kordhinta Oo Xawli Ku Socda

Guddida Kormeerka Doorashooyinka Oo Komishanka, Axsaabta Iyo Xukuumadda U Soo Jeediyay Baaq Isugu Jira Canaan Iyo Talooyin

Jimciyadda Mujaahidka Ee Sooyaal Oo Shahaado Sharaf Gudoonsiisay Mudane Nacnac

Tahriibayaal Somali Ah Oo Ku Dhintay Dooni Kula Qaraqantay Meel U Dhow Dekedda Caddan

Madaxweyne Bal Dib U Joogso, Waan Kula Dacwiyi, Doodna Waan OdhaneHargo Madhan Side, Hawli Kama Tegin, Habaarna U Dheer

Rayaalow: Markaad Dahaba-dheer Ka Doogtey Miyaad Durdurada Bilowday

Odayaasha Dhaqanka Ee Muqdisho Oo Canbaareeyey Hadal Ka Wasiirka Khaarajigu Ku Dalbaday Ciidamo Shisheeye Oo La Keeno Somalia

Komishanka Doorashooyinka Oo Madaxweyne Rayaale U Gudbiyey Wakhtiga Cusub Ee Ay U Cayimeen Inay Doorashadu Dhacdo

Rabshad Ka Dhacday Xaafadda Siinaanay Ee Hargeysa Oo Uu Ku Dhintay Wiil Dhalinyaro Ah

Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye Oo Meel Adag Iska Taagay Sharciyada Xukuumadda Rayaale Marka La Gaadho 6 April

Wasiir Cawil Oo Ka Muquurtay Wakiilada Iyo Wasiir Ku Xigeenka Maaliyada Oo Goluhu Ganafka Ku Dhuftay in Wax Laga Waydiiyo Miisaaniyadda

 Koox Suxufiyiin Ah Oo Dhamaystay Tababar Aqooneed  Ku Saabsan  Xalinta Khilaafaadka Iyo Nabada  

Hargeysa  April 01, 2009 (Haatuf)- Tababar kusaabsan xalinta khilaafaadka iyo nabada oo muddo afar maalmood ah u socday  koox Suxufiyiin ah ayaa shalay lagu soo gebogabeeyey  hudheelka Emperial ee magaalada Hargeysa.

Tababarkan oo mudadii uu socday  15 Suxufi oo ka kala socday Warbaahinta dalka Somaliland qaybaheeda kala duwan, ayaa waxay  ka qaybgalayaashu ku baranayeen sifaha sharciyeed iyo dariiqada ku haboon ee ay u marayaan Suxufiyiintu qaabka wararka loo qoro marka ay colaadaha iyo dagaaladu jiraan iyo waliba habka suxufigu uu u samata bixin karo dadka dhibanaha ah ee ku wax yeelooba meelaha colaaduhu ka jiraan, isaga oo hadana gudanaya waajibaadkiisa shaqo ee Suxufinnimo.

 Dhanka kalana waxay Suxufiyiintu si fiican wax uga barteen qaabka ugu haboon ee wax uga qori karaan xaaladaha doorashooyinka iyo tartanka Siyaasiyiinta marka lagu jiro iyo sidoo kale inaanay Saxaafaddu cid gaara sinaba ula safan karin sharci ahaan marka la eego qawaaniinta Saxaafadda loo dejiyey inay ku dhaqanto.

Hadaba waxaa xidhitaankii shirkaasi ka hadlay Guddoomiyaha Wargeyska Jamhuuriya Faysal Cali Sheekh, waxaanu sheegay in uu ahaa tababarkani kii ugu horeeyey ee noociisa ah ee ay qaataan Suxufiyiintu mudadii ay jirtay Somaliland islamarkaana uu ahaa kii ugu qiimaha badnaa marka laga eego taariikhda aqoonta cilmiga Saxaafadda iyo qodobada muhiimka ah ee ay ku falanqeeyeen muddadii uu socday shirkaasi.

Faysal Cali Sheekh oo qiimaha casharadan la bixiyey sharaxayaan waxa uu yidhi “ Aniga oo aan ku jirin tababarkan ayaan hadana go’aansaday inaan tababarkan ka qaybgalo duruustii ay qaadanayeen Suxufiyiintu markii aan u bogay muhiimada casharada halkaa lagu soo bandhigay” Waxaa iyaguna halkaa ka hadlay Maxamed Cabdi Sheekh [Ilig] iyo Sahara Ciidle Nuur iyagoo ku hadlayey  magaca Suxufiyiintii  ka qaybgashay Tababarkaasi waxaanay  muujiyeen siday ugu faraxsan yihiin ka suxufiyiin ahaan Daraasaadkii qiimaha lahaa ee ay halkaa ku barteen mudadii 4 ta Cisho ahayd ee uu tababarkaasi u socday.

Waxaa isna halkaa ka hadlay Tafatiraha Wargeyska Haatuf  Cali Cabdi Diini waxaanu sheegay inuu tababarkani ahaa kii ugu tayada sareeyey ee uu ka qaybgalay intii laga hadlayey tababarada ay qaataan suxufiyiintu, waxaanu soo jeediyey in markale lagu celiyo tababarada noocan oo kale ah maadaama ay ahaayeen casharadii uu qaatay kuwo wax badan ku soo kordhinaya aqoontiisa saxaafadeed ka tifaftire ahaan.

 Ugu dambayntii waxaa soo gabagabeeyey xidhitaankii shirkaasi Cabdullaahi Maxamed Daahir [Cukuse] oo ah Guyddoomiya Dallada Suxufiyiinta Somaliland ku midoobeen ee (USJ), waxaanu ka waramay muhiimada uu Saxaafadda u lahaa tababarkaasi iyo sida loogu baahan yahay in la joogteeyo Tababarada noocan oo kale ah kuwaasi oo sare wax badan u soo qaadaya tayada aqooneed ee Saxaafadda soo koraysa.

Waxaanu sheegay inay lagama  maarmaan tahay inay Saxaafaddu  ogaadaan dhexdhexaad nimada iyo kaalinta ay ku leeyihiin horumarka dalkooda soo koraya “maaha inaad eegtaan dhex-dhexaadnimada oo kaliya ee waxaad ogaataan in aad joogtaan dal soo koraya oo curdin ah” ayuu yidhi, Mr Cukuse, waxa kale oo uu ka hadlay arimaha doorashooyinka cakiran iyo xaaladaha ku xeeran ee siyaasadeed islamarkaana ay isku haystaan Siyaasiyiinta kala jiidanaya maroorsiga talada dalka Somaliland waxaanu sheegay inay caqabado badani soo fool leeyihiin balse Saxaafadda looga baahan yahay inay waxaasi oo dhan maanka ku hayaan markay gudanayaan  waajibaadkooda shaqao ee Saxaafadeed.

waxaa kale oo uu sheegay inay lagama maarmaan tahay inay Saxaafaddu barto Madaxweyne Riyaale sida dadka loo raali geliyo, Xisbiga Kulmiyana ay sheegaan waxa wanaagsan balse aanay ku ekaan kaliya erayada kul kulul ee waxyeeli karaya isu soo dhawaanshaha Siyaasadeed ee looga baahan yahay inay lahaadaan Xisbiyada Somaliland gaar ahaan Kulmiye iyo UDUB.

Isaga oo arimahaa ka waramayana waxa uu ydihi “maaha waxay Kulmiye ku hadlayaani in uu yahay khalad waana wax wada sharci ah, balse sheegitaankiisa afka ayaa ku adag Riyaalena waa inuu bartaa sida dadka loo raali geliyo ee loo yidhaa “sorry” haddii taa la helo waxbadanbaa iska beddelaya xaaladaha cakiran ee siyaasadeed”

Guddoomiyaha Dallada Suxufiyiinta Somaliland waxa kale oo uu sheegay Doorashadani waxay kaga duwan tahay Doorashooyinkii hore inay tahay faragelinta Ajaanibka shisheeyaha ah gaar ahaan qolyaha deeqaha bixiya oo gacmaha kula jira islamarkaana saamayn weyn ku leh isbeddelada ku imanaya natiijada diiwaangelinta iyo doorashooyinka ay caqabadaha badani horyaalaan.waxaanu sheegay inay suxufiyiintu si taxadar ku jiro ku waajahaan arimaha doorashada soo socota.”