Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

ISSUE 2002 April 01, 2009                  Rabiicul Thaani 5,1430H

“Badbaadadeenu Waxay Ku Jirtaa Doorasho Dhacda Iyo Xeerarka Dalka U Yaalla Oo Lagu Dhaqmo, Goleyaasha Baarlamaankuna Waa Inay Ogaadaan In Khilaafaadka Murugsan Uu Yahay Arrin Iyaga U Taalla”

Madaxweyne Riyaale Oo Digreeto Ku Soo Saaray Maalinta Komishanku U Cayimay Doorashada Madaxtooyada Iyo Bilowga Ololaha Muddo Kordhinta Oo Xawli Ku Socda

Guddida Kormeerka Doorashooyinka Oo Komishanka, Axsaabta Iyo Xukuumadda U Soo Jeediyay Baaq Isugu Jira Canaan Iyo Talooyin

Jimciyadda Mujaahidka Ee Sooyaal Oo Shahaado Sharaf Gudoonsiisay Mudane Nacnac

Tahriibayaal Somali Ah Oo Ku Dhintay Dooni Kula Qaraqantay Meel U Dhow Dekedda Caddan

Madaxweyne Bal Dib U Joogso, Waan Kula Dacwiyi, Doodna Waan OdhaneHargo Madhan Side, Hawli Kama Tegin, Habaarna U Dheer

Rayaalow: Markaad Dahaba-dheer Ka Doogtey Miyaad Durdurada Bilowday

Odayaasha Dhaqanka Ee Muqdisho Oo Canbaareeyey Hadal Ka Wasiirka Khaarajigu Ku Dalbaday Ciidamo Shisheeye Oo La Keeno Somalia

Komishanka Doorashooyinka Oo Madaxweyne Rayaale U Gudbiyey Wakhtiga Cusub Ee Ay U Cayimeen Inay Doorashadu Dhacdo

Rabshad Ka Dhacday Xaafadda Siinaanay Ee Hargeysa Oo Uu Ku Dhintay Wiil Dhalinyaro Ah

Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye Oo Meel Adag Iska Taagay Sharciyada Xukuumadda Rayaale Marka La Gaadho 6 April

Wasiir Cawil Oo Ka Muquurtay Wakiilada Iyo Wasiir Ku Xigeenka Maaliyada Oo Goluhu Ganafka Ku Dhuftay in Wax Laga Waydiiyo Miisaaniyadda

Safarkaygii Somaliland Iyo Wixii Aan Ku Soo Arkay 2008-2009

Waxa la wada sugayaa sidaad ula socotaanba doorashadii madaxweynaha oo ay wali u taagan yihiin saddexdii nin ee shan sanadood ka hor jagadaa ku loolamay, waxa kaliya ee ka duwan ay tahay labada xisbi ee mucaaradka oo keenay laba nin oo cusub oo madaxweyne ku xigeeno ah waxa iyaduna cusub in xisbi walba uu kala jab ku yimi ka dib markii la qabtay shirweyneyaashii xisbiyadaas oo lagu tartamay jagada madaxweyna nimada iyo ku xigeenka. Hasa yeeshee doorashadu sida la wada filayey kuma dhacayso wakhtigeedii dhawr arimood awgeed diiwaangalintii oo uu musuq badani galay taas oo ah in dadku ay is diiwaan galiyaan ilaa 6 goor sababtuna waxay tahay reer walba waxa loogu sheekeeyey yaan la idinka tiro badan ilaa la saxo khaladkaa mooyaane doorasho ma dhacayso siday qabaan weeye gudida doorashooyinku, waxa kale oo jira in aan ilaa hada lahaynin lacagtii lagu fulin lahaa doorashooyinka iyo olole siyaasadeed oo la sheegi karo ama diyaargarow wali ma bilaabmin.
Dadweynuhu waxay u ooman yihiin in doorasho dhacdo si isbadal u yimaado, dawladda maanta jirta dad badani way ka quusteen sababtoo ah wax ay qabatay ma jirto ayey dadku ku andacoonayaan, waxaanay dad badani iyana qabaan in mucaaradkuna aanu haynin barnaamij wax qabad oo kan xukuumadda dhaama xaaladduna waa kud ka guur oo qanjo u guur. Xukuumadda hadda joogta waxa ku dhacay dhirbaaxooyin wax yeeli kara doorashada soo socota sida waxa xisbul xaakimka ka geeriyooday Ilaahay ha u naxariistee xoghayihii guud Bulaale oo la filayey in uu door weyn ka qaadan doono doorashada iyo ololaheeda, waxa iyana ku dhacay xisbiga kala jab wayn oo rag magac ku lahaa UDUB ay ka cadhoodeen habkii loo maamulay shirweynihii ururka, waxa iyana dad badan uga cadhaysiisey hadalkii ka soo baxay madaxweyne ku xigeenka ee ku saabsanyd dawladda Sheekh shariif.
Waxaad aad ula yaabaysaa in aad arkayso in nin walba meesha uu haysto uu ka yahay madaxweyne yar oo uu yeelayo waxa uu doono oo aanu cidna ka baqayn. Halkaana waxaad ka arkaysaa in aanay jirin wax kala danbeyna oo muuqata. Tusaale waxa la odhanayaa yaan cidna loo sii deynin madaarka haddana waxaad arkaysaa in qofka halkaa maamulayaa uu sii deynayo qof kastuu garto ama madax ah, halkay ka ahayd in xitaa madaxweynaha uu sharcigaasi qabto. Su’aashu waxay tahay siday u sugmaysaa nabadgalyada madaarku mar hadii la jabinayo amarkii lagu sugi lahaa nabad galyada?
Qalinkii Cabdiraxmaan Xaashi
ahashi60@hotmail.com
Sweden
la soco qeybta 2aad