Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

ISSUE 2002 April 01, 2009                  Rabiicul Thaani 5,1430H

“Badbaadadeenu Waxay Ku Jirtaa Doorasho Dhacda Iyo Xeerarka Dalka U Yaalla Oo Lagu Dhaqmo, Goleyaasha Baarlamaankuna Waa Inay Ogaadaan In Khilaafaadka Murugsan Uu Yahay Arrin Iyaga U Taalla”

Madaxweyne Riyaale Oo Digreeto Ku Soo Saaray Maalinta Komishanku U Cayimay Doorashada Madaxtooyada Iyo Bilowga Ololaha Muddo Kordhinta Oo Xawli Ku Socda

Guddida Kormeerka Doorashooyinka Oo Komishanka, Axsaabta Iyo Xukuumadda U Soo Jeediyay Baaq Isugu Jira Canaan Iyo Talooyin

Jimciyadda Mujaahidka Ee Sooyaal Oo Shahaado Sharaf Gudoonsiisay Mudane Nacnac

Tahriibayaal Somali Ah Oo Ku Dhintay Dooni Kula Qaraqantay Meel U Dhow Dekedda Caddan

Madaxweyne Bal Dib U Joogso, Waan Kula Dacwiyi, Doodna Waan OdhaneHargo Madhan Side, Hawli Kama Tegin, Habaarna U Dheer

Rayaalow: Markaad Dahaba-dheer Ka Doogtey Miyaad Durdurada Bilowday

Odayaasha Dhaqanka Ee Muqdisho Oo Canbaareeyey Hadal Ka Wasiirka Khaarajigu Ku Dalbaday Ciidamo Shisheeye Oo La Keeno Somalia

Komishanka Doorashooyinka Oo Madaxweyne Rayaale U Gudbiyey Wakhtiga Cusub Ee Ay U Cayimeen Inay Doorashadu Dhacdo

Rabshad Ka Dhacday Xaafadda Siinaanay Ee Hargeysa Oo Uu Ku Dhintay Wiil Dhalinyaro Ah

Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye Oo Meel Adag Iska Taagay Sharciyada Xukuumadda Rayaale Marka La Gaadho 6 April

Wasiir Cawil Oo Ka Muquurtay Wakiilada Iyo Wasiir Ku Xigeenka Maaliyada Oo Goluhu Ganafka Ku Dhuftay in Wax Laga Waydiiyo Miisaaniyadda

Dhalinyaradu Marnaba Ma Ogola Odayaal Korkooda Ku Legdama, Lumiyana Mustaqbalkooda

Dhawaanahan waxa bulshada dhexdeeda ku badan hadal-haynta ciyaarta siyaasada ee dhexmaraysa xisbiyada UDUB, UCID, KULMIYE iyo golaha guurtida, taas oo ay hadda natiijadeedii tahay muddo kordhin, aanay wali aqbalin xisbiyada mucaaridka ahi.

Aqbalaad la'aantaas mucaaridku, waxay noqotay mid wali saamaynteeda leh, mar haddiise xisbiyada mucaaridka ahi ay wada hadal ogolyihiin, wax dhib ah oo la filayaa ma jiraan, masuuliyiinta qaranka dhamaantoodna waxaan filayaa in ilaalinta nabadgelyda dalku ay kala wayn tahay hantiyida kursiga. Kooxda uu kursigu kala weynaado qaranimadana waxa ku dhici doona shaambad aan waligeed maydhmahayn, illeen dadweynuhu waa daawadayaashii ciyaartee.

Ta kale mar kasta waa in uu jiro maamul mar kasta dalka hagaa, ama xilkiisu ha dhamaado ama yaanu dhamaane, hadii kale waxaan noqon doonaa qaar u dhaqma sidii ninkii loo yaqaanay Cabdinuur Axmed Darmaan ee dhawr sanno ka hor ku dhawaaqay in uu yahay Madaxweynaha Soomaaliya kadib markii uu shiriyay dhawr qor, iyada oo uu markaas madaxweyne ahaa Cabdiqaasin Salaad Xasan. In maamul la samaystaana waa xalka ummada ee fawdo ka hortagaya.

Dhalinyaradu marnaba ma ogola dad korkooda ku lagdama, lumiyana mustqabalkooda hadda hiraya, kana kala tuura waxyaabaha u suurogalay sida waxbarashada. In kasta oo uu wali maqan yahay doorkii ay dhalinyaradu ku yeelan lahayd maamulka dalka.

Mar hadii wadahadalo la filayo, waxa la filayaa guushii Somaliland, iyo in dhamaan xisbiyadu dhinac isu raacaan, oo ay soo saaraan go'aan midaysan, aakhirkana marka doorasho dhacdo, waxa garsoore ka noqon doona bulshada, oo kala xulan doona dadka u taagan hogaaminta dalka, sidii ay awalba u kala doorteen. Siyaasiyiintana waxaan leeyahay "Suga inta ay bulshadu idiin garsoorayso xilliga doorashada".

 Siciid Maxamuud Gahayr