Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

ISSUE 2002 April 01, 2009                  Rabiicul Thaani 5,1430H

“Badbaadadeenu Waxay Ku Jirtaa Doorasho Dhacda Iyo Xeerarka Dalka U Yaalla Oo Lagu Dhaqmo, Goleyaasha Baarlamaankuna Waa Inay Ogaadaan In Khilaafaadka Murugsan Uu Yahay Arrin Iyaga U Taalla”

Madaxweyne Riyaale Oo Digreeto Ku Soo Saaray Maalinta Komishanku U Cayimay Doorashada Madaxtooyada Iyo Bilowga Ololaha Muddo Kordhinta Oo Xawli Ku Socda

Guddida Kormeerka Doorashooyinka Oo Komishanka, Axsaabta Iyo Xukuumadda U Soo Jeediyay Baaq Isugu Jira Canaan Iyo Talooyin

Jimciyadda Mujaahidka Ee Sooyaal Oo Shahaado Sharaf Gudoonsiisay Mudane Nacnac

Tahriibayaal Somali Ah Oo Ku Dhintay Dooni Kula Qaraqantay Meel U Dhow Dekedda Caddan

Madaxweyne Bal Dib U Joogso, Waan Kula Dacwiyi, Doodna Waan OdhaneHargo Madhan Side, Hawli Kama Tegin, Habaarna U Dheer

Rayaalow: Markaad Dahaba-dheer Ka Doogtey Miyaad Durdurada Bilowday

Odayaasha Dhaqanka Ee Muqdisho Oo Canbaareeyey Hadal Ka Wasiirka Khaarajigu Ku Dalbaday Ciidamo Shisheeye Oo La Keeno Somalia

Komishanka Doorashooyinka Oo Madaxweyne Rayaale U Gudbiyey Wakhtiga Cusub Ee Ay U Cayimeen Inay Doorashadu Dhacdo

Rabshad Ka Dhacday Xaafadda Siinaanay Ee Hargeysa Oo Uu Ku Dhintay Wiil Dhalinyaro Ah

Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye Oo Meel Adag Iska Taagay Sharciyada Xukuumadda Rayaale Marka La Gaadho 6 April

Wasiir Cawil Oo Ka Muquurtay Wakiilada Iyo Wasiir Ku Xigeenka Maaliyada Oo Goluhu Ganafka Ku Dhuftay in Wax Laga Waydiiyo Miisaaniyadda

Dawladdu Xayaysiiska Caano Boodhaha Iyo Maraq Digaaga Ha iska Dayso

Waa wax laga xishoodo in Tv-ga xukuumadda iyo Idaacaddu ay xayaysiiyaan caano boodhe iyo Hilib digaag oo dibadda laga soo waariday, iyadoo aynu leenahay xoolo baddan iyo digaag intaba.

Sharciga xoolaha ee Somaliland ayaa mamnuucaya in la xayaysiiyo waxyaabaha laga keeno dibadda sida caano boodhaha, hilib digaaga, marka aad dhagaysato Idaacadda dawladda amaba Tv-ga waxaad maqlaysaa xayaysiiska caanaha qasaacadaha iyo digaaga oo dibada laga keenay, iyada oo aanay jirin baahi caanood oo inagu khasbaysa waxaanad halkaas ka garan kartaa sida aanay xukuumadda maanta jirtaa u lahayn siyaasad cad oo lagu horumarinayo xoolaha dalka oo hadda neefku la qiimo noqonayo laba daasadood oo caano boodha ah, kadib markii ay dadka xoolaha dhaqdaa waayeen daryeel iyo daawo midnaba, isla markaana laga ooday dhulkii ay daaqi jireen xooluhu.

Waxa la samayn karaa caanaha dibadda laga keenayo, kuwo ka tayo fiican oo laga sameeyey caanaha xoolaha haddii caqli wanaagsan iyo siyaasad horumarineed loo sameeyo wax yaabaha ka soo baxa xoolaha nool ee dalkeena.

Xukuumadda waxa waajib ku ah inay dhiiri geliso wax soo saarka guddaha una sahasho dadku inay maalgashadaan khayraadka dabiiciga ah ee dalku leeyahay, mana haboona inaynu xayaysiino waxyaabo aynaan inagu soo saarin oo dad kale ay leeyihiin.

Hadaba waxaan odhan lahaa warbaahinta xukuumaddu hayska deyso xayaysiiska ay dadka ku wareerisay waxyaabo baahi inoo haysaa jirin oo inagu soo galay lacag adag inaga oo helayna caano, hillib digaag intaba oo dalkeenu leeyahay.

Dr: Axmed Ismaaciil Bile