Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

ISSUE 2002 April 01, 2009                  Rabiicul Thaani 5,1430H

“Badbaadadeenu Waxay Ku Jirtaa Doorasho Dhacda Iyo Xeerarka Dalka U Yaalla Oo Lagu Dhaqmo, Goleyaasha Baarlamaankuna Waa Inay Ogaadaan In Khilaafaadka Murugsan Uu Yahay Arrin Iyaga U Taalla”

Madaxweyne Riyaale Oo Digreeto Ku Soo Saaray Maalinta Komishanku U Cayimay Doorashada Madaxtooyada Iyo Bilowga Ololaha Muddo Kordhinta Oo Xawli Ku Socda

Guddida Kormeerka Doorashooyinka Oo Komishanka, Axsaabta Iyo Xukuumadda U Soo Jeediyay Baaq Isugu Jira Canaan Iyo Talooyin

Jimciyadda Mujaahidka Ee Sooyaal Oo Shahaado Sharaf Gudoonsiisay Mudane Nacnac

Tahriibayaal Somali Ah Oo Ku Dhintay Dooni Kula Qaraqantay Meel U Dhow Dekedda Caddan

Madaxweyne Bal Dib U Joogso, Waan Kula Dacwiyi, Doodna Waan OdhaneHargo Madhan Side, Hawli Kama Tegin, Habaarna U Dheer

Rayaalow: Markaad Dahaba-dheer Ka Doogtey Miyaad Durdurada Bilowday

Odayaasha Dhaqanka Ee Muqdisho Oo Canbaareeyey Hadal Ka Wasiirka Khaarajigu Ku Dalbaday Ciidamo Shisheeye Oo La Keeno Somalia

Komishanka Doorashooyinka Oo Madaxweyne Rayaale U Gudbiyey Wakhtiga Cusub Ee Ay U Cayimeen Inay Doorashadu Dhacdo

Rabshad Ka Dhacday Xaafadda Siinaanay Ee Hargeysa Oo Uu Ku Dhintay Wiil Dhalinyaro Ah

Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye Oo Meel Adag Iska Taagay Sharciyada Xukuumadda Rayaale Marka La Gaadho 6 April

Wasiir Cawil Oo Ka Muquurtay Wakiilada Iyo Wasiir Ku Xigeenka Maaliyada Oo Goluhu Ganafka Ku Dhuftay in Wax Laga Waydiiyo Miisaaniyadda

Boqolaal Tahriibayaal Ah Oo Ku Qaraqmay Xeebaha Liibiya Iyo Dareenka Cabsida Leh Ee Dhalinyarada Reer Somaliland Ee Ku Qulqulaya Dalalka Waqooyiga Afrika

“Bilihii U Dambeeyey Boqolaal Dhalinyaro Reer Somaliland Ah Ayaa U Boqoolay Liibiya Halka Boqolaal Kalena U Xadhko Xidheen Socdaalka Dheer

Trebly,  April 01, 2009 (Haatuf) -  Tahriibayaashii ugu badnaa oo ay ku jiraan dad Somali ahi ayaa la sheegay inay ku qaraqmeen xeebaha u dhexeeya dalalka Liibiya iyo Talyaaniga maalmihii shalay iyo habeenkii ka horeeyey, waxaanay wararku sheegeen in dadka ilaa hadda meydkooda la helay ay ku jiraan tiro labaataneeyo qof ka badan oo Somali ahi, halka nolol lagu badbaadiyey ilaa labaatan kale, waxaana la sheegay in aan raq iyo ruux toona la hayn in ka badan boqol qof oo kale, kadib markii dooni ay saaraayeen kula qaraqantay biyaha u dhexeeya Libya iyo Talyaaniga.

Sida laga soo xigtay ilaalada xeebaha Talyaaniga 21 Somaalia ah ayaa meydkooda laga helay badda iyada oo  20 kalena iyaga oo nool la helay kadib markii markab ciidamada talyaanigu leeyihiin oo ku dhawaa halka ay doonidu ku degtay ay u soo gurmadeen, iyadoo  ilaa 109 ruux oo tahriibayaasha ka mid ah  la waayey, kuwaas oo aan la garanyn Geeri iyo nolol midka ay ku sugan yihiin.

Ciidamada Biyaha dalka Liibiya ayaa wada  dedaal  ay ku  raadinayaan tahriibayaasha Somaalida ah ee doonida kula rogmatey Xeebaha Dalka Libiya Islamarkaana lagu rajo wayn yahey in lagu  helo nolal iyo dhimasho mid uun.

Shilkan naxdinta leh ayaa waxa uu dhacay  markii Doonidii ay sarnaayeen Tahriibayaashani ay  xamili weyday  culeyska  dadka badan ee saaran, kuwaas oo la sheegay inay aad uga badnaayeen intii  loogu talo galay doontaasi, taas oo ka samaysnayd  Alwaax , taasi oo markii ay iska xejin weyday mawjadaha badda aakhirkii  noqotey mid gebi ahaanba badweynta dhigtay dadkii saarnaa ee tahriibayey. Tahriibayashan oo ah dad ka kala yimid dalalka Afrika ayaa waxa ay wararku sheegayaan inay ku jiraan dad badan oo Soomaali ahi kuwaas oo u hayaamaya sidii ay u gaadhi lahaayeen dalalka Yurub, si ay halkaas nolol ka fiican ta dalalkooda uga raadsadaan, hase yeeshee aa iyagu ogeyn khatarta ka sokaysa dalalka ay hiigsanayaan. Dhawrkii sano ee ugu danbeeyey waxaa ku dhintay xeebaha Libiya iyo kuwa dalalka Yurub dhalinyaro  badan oo reer Somaliland  kuwaas oo doonayey inay gala waddamada Yurub, waxaanay wararkii ugu danbeeyey ay sheegayaan in dhalinyaro badan oo reer Somaliland ahi ay bilihii la soo dhaafay u baqooleen dhinaca dalalka galbeedka iyo waqooyiga Afrika iyaga oo beegsanaya dalka Liibiya si ay halkaas uga sii gudbaan, waxaanay wararkani xaqiijiyeen inay kor u kacday dhalinyarada ka tahriibaysa dalka, kuwaas oo sababta ugu weyn ee ay u tahriibayaan ku macneeyey rajo xumada iyo niyad jabka ay dhalinyaradu ka qaadeen maamulka dalka oo aan isagu xil iska saarin baahida dhalinyarada ee dhinacyada waxbarashada iyo shaqo la,aanta baahsan ee dalka ka jirta, waxa kale oo ay wararka a xidhiidha tahriibtu ay sheegayaan in tirada dhalinyarada iyagu doonaya inay beegsadaan xeebaha Liibiya ay sii kordhi doonto bilahan soo socdo, taas oo la sheegay inay ugu wacan tahay dib u dhaca ku yimid doorashadii madaxtooyada oo ay in badan oo dadka reer Somaliand ahi ka dhursugayeen, taas oo haddii ay qabsoonto la  filayey  inay keeni lahayd   isbeddel, balse markii ay dhawr maalmood ka hor ay Guurtidu muddo lix bilood ah xilka ugu kordhisay xukuumada Daahir Rayaale isa markaana ay dib u riixeen doorashada wakhtigeedii ay dhalinyarada reer Somaliland in badan oo ka mid ahi goosteen inay u diyaar garoobaan sidii ay ugu badheedhi lahaayeen hayaanka tahriibta  iyo socdaalka dheer ee dhibaatada iyo khatarta badan iyaga oo u badheedhaya geeri iyo nolol mid uun.