|
Home | Contact Us | Links | Archives |
| ISSUE 1997 | March 26, 2009 Rabiicul Awal 29,1430H | |
|
Jimciyadda Mujaahidka Ee Sooyaal Oo Shahaado Sharaf Gudoonsiisay Mudane Nacnac Tahriibayaal Somali Ah Oo Ku Dhintay Dooni Kula Qaraqantay Meel U Dhow Dekedda Caddan Rayaalow: Markaad Dahaba-dheer Ka Doogtey Miyaad Durdurada Bilowday Rabshad Ka Dhacday Xaafadda Siinaanay Ee Hargeysa Oo Uu Ku Dhintay Wiil Dhalinyaro Ah |
Duulimaadyadii Diyaaradda Suhuura Airways Oo Xadhiga Laga Jaray Hargeysa, March 26 2009 (Haatuf) – Wasiirka duulista Hawadda Cali Maxamed Warancadde ayaa shalay xadhiga ka jaray furitaanka xafiis cusub oo ay shirkadda diyaaradaha ee Suhuura Airways ka furatay magaalada Hargeysa.Xafladdii furitaanka xafiiskan duulimaadyada Suhuura Airways oo shalay lagu qabtay mid ka mid ah hoolasha Madaarka diyaaradaha ee Hargeysa ayaa waxa ka soo qayb galay masuuliyiin iskugu jira wasiiro, xisbiyada Mucaaridka ah, xildhibaano, maayirka Caasimada Hargeysa, Safiirka Itoobiya u fadhiya Somaliland, mulkiilaha Shirkadda 571, Qanacsato iyo Martisharaf kale oo badan. Xafladan furitaanka diyaarada Suhuura Airways oo ahayd mid si heer sare ah loo soo agaasimay ayaa waxa ugu horayn hadal kooban oo mahadnaq ah ka soo jeediyey Wakiilka shirkadda 571 u fadhiya Somaliland Maxamed Yuusuf Mooge waxaana ka mid ahaa hadaladiisii oo uu yidhi “waxa aan marka hore aad ugu mahad naqayaa martisharafta ka soo qayb gashay munaasibadan waxaana aan si gaar ah ugu mahad naqayaa weftiga nooga yimid dalka Itoobiya ee iskugu jiray ganacsato iyo xildhibaano, runtii waxa farxad noo ah haddii aanu nahay masuuliyiintii shirkadda 571 in aanu maanta ka soo qayb galno munaasibadan diyaaradda Suhuura oo aan odhan karo waa midhihii ka dhashay shirkadda 571”. Waxa isna munaasibadan ka hadlay duqa caasimada Hargeysa Xuseen Maxamuud Jiciir oo furitaanka duulimaadyada diyaaradan ku tilmaamay mid wax weyn ka tari doonta horumarka dhaqaalaha dalka waxaana uu yidhi “waxa farxad noo ah in aynu maanta iskugu nimaadno xafladda furtaanka suhuura airways oo duulimaadyadeedii bilaabaysa maanta waxa kale oo farxad noo ah in qanacsiga diyaaradani uu dalka ku soo kordhiyey dhaqaale ahaan iyo fududaynta isku xidhka dalka iyo dalalka adduunweynaha runtii waa talaabo horumar leh in ganacsiga dalka sidaasi isku sii furfuro, Suhuura Airwaysna ay ka mid tahay horumarka shirkadda 571 ay samaysay waxaanay guud ahaan dalka gaar ahaana Hargeysa u arkayaan in ay wax ka tari doonto habka shaqaalaynta dhaqaalaha dalka sidaa darteed waaanu soo dhawaynaynaa”. Sidoo kale wasiirka hawlaha guud Siciid Sulub Maxamed ayaa sheegay in kow tahay oo aanay hore u dhicin oo mid la mid ah talaabadan faa’iidada horumarka oo dhaqaalaha qaadka laga sameeyey isaga oo yidhi “hore umay dhicin dhaqaale uu leeyahay qaadku, horumar intaa leeg lagu gaadho markaa ina Afdiinle waan ugu mahad naqayaa hir gelinta horumarka waayo qaadlayaashii hore dhib mooyee dheef may keeni jirin, sidaa darteed waxa aan leeyahay haddii dhaqaalihii kaa soo galay qaadka aad ku midaysay Itoobiya iyo Somaliland ama diyaarado ha noqdaan ama dhismayaal qurux badan oo ah mashaariic wax k ool ah waxa aanu ku leenahay maad daayici faa’idadii ka soo gashay. Mida kale halkan aynu joognaa masalihii bariga hore wax la odha jiray ciidagale nimaan geel lahayn wa cirka u tuur, maanta waxa weeyi ciidagale nimaan diyaarad lahayn waa cirka u tuur, tasina wa horumarla gaadhay” Waxa kale oo halkaasi ka hadlay guddoomiyaha xisbiga ucid Faysal Cali Waraabe ayaa isagu ku amaanay shirkada qaadka ee 571 horumarka dhaqaale ee ay dalka ka soo kordhisay, isaga oo yidhi “ waxaa hambalyeynayaa shirkada 571 oo mirqaankii ku so dartay duulimaad, labaduba waa wax loo baahan yahay, laakiin waa in si miyir qabta loo mirqaamaa oo aan caruurta masaariifta laga cunin, diyaaraduna waa loo baahan yahay oo waad ogtihiin dadkeena dhibaato ayaa soo gaadhay ilaa iyo intii diyaaradi addis ababa ka joogsatay halkan laakiin diyaaradan iyo qaar kalaba way iman doonaan haddi nabadgelyada dalka la sugo” Sidoo kale waxa muunaasibadaasi ka hadlay xubno faro badan oo ay ka mid yihiin wasiirka arimaha gudaha, cabdilaahi Ismaaciil cirro, wasiirka arimaha qoyska, Faadumo suudi Xasan, maamulaha shirkada Telesom Cabdikariim Maxamed Iid, safiirka dawlada Itoobiya u fadhiya Somaliland iyo xubno kale oo qurba joog ah, kuwaas oo dhamaantood hadalo isku mid ah oo u badan mahadnaq iyo dhiirigelin u soo jeediyey shirkada 571 kuna amaanay dadaalka horumarinka leh ee ay muujisay kuna dhiirigeliyey in ay sii wadaan dadaalkoodii, haseyeeshee gebogabadii munaasibadasi waxa xadhiga ka jray wasiirka wasaarada duulista iyo hawada Cali Maxamed Waran cadde. |