|
Home | Contact Us | Links | Archives |
| ISSUE 2076 | June 26, 2009 Rajab 3,1430H | |
|
Madaxweyne Obama Oo Socdaalkiisii U Horeeyay Ku Tegay Qaaradda Yurub Xukuumadda Madaxweyne Rayaale Iyo Tirada 29 Ma Faal Baa U Qabtay Koox Suxufiyiin Ah Oo Dhamaystay Tababar Aqooneed Ku Saabsan Xalinta Khilaafaadka Iyo Nabada Sirdoonka Iyo Habka Uu U Shaqeeyo
Safarkaygii Somaliland Iyo Wixii Aan Ku Soo Arkay 2008-2009 Dhalinyaradu Marnaba Ma Ogola Odayaal Korkooda Ku Legdama, Lumiyana Mustaqbalkooda Dawladdu Xayaysiiska Caano Boodhaha Iyo Maraq Digaaga Ha iska Dayso Wadooyin Ay Iska Kaashadeen Dawladda Hoose Iyo Dadka Ku Nool Degmada 26 June Oo Wasiirka Daakhiligu Xadhiga Ka Jooyey Roobabkii Xilliga Guga Oo Ka Curtay Somaliland Wakiiladda Oo Cod Aqlabiyad Ah Ku Ansixiyey Miisaaniyadda 2009, Laba Bilood Oo Fasax Ahna Galay
|
Markab Maraykanku Leeyahay Oo Hub Iyo Saanad Milateri U Sidday Dawladda Somalia Oo Muqdisho Gaadhay “Waxaanu Dawladda Somalia Kala Qayb-Qaadanaynaa Hawl-Galada Sirdoonka Iyo Helidda Xogta Kooxaha Argagixisada” Sarkaal U Hadlay Dawladda Maraykanka Washington, June 26, 2009 (Haatuf/W. Wararka) – Maamulka cusub ee Maraykanka ayaa la sheegay inuu dawlada taagta daran ee Somalia u diray Markab sidday hub iyo saanad milateri, kaas oo la sheegay inuu magaalada Muqdisho gaadhay bishan badhtamaheedii, waxaanay tallaabadani ka dambaysay kadib markii ay dawladda Sheekh Shariif qaylo-dhaan u dirtay beesha caalamka, iyadoo dalbatay in ciidamo iyo gacan milateri lala soo gaadho, haddii ay kooxaha mayalka adag ee Islaamiyiinta ahi xukunka kala wareegi doonaan, kuwaas oo in dhawaalaba cidhiidhi geliyay isla markaana dagaalo ba’an kala hortegay ciidamada dawladda ay caalamku Djibouti ugu soo dhiseen Somalia. Warkan oo laga soo xigtay sarkaal sare oo dalka Maraykanka u dhashay ayaa sheegay in maamulka madaxweyne Obama uu doonayo in awooda laga tuuro mucaaradka dawlada ka soo horjeeda oo uu ku eedeeyey in ay xidhiidh dhow la leeyihiin Al-Qaacida. Markabkan ayaa ku soo xidhay dekedda magaalada Muqdisho ee Somalia bishan badhtamaheedii, kaas oo qeyb weyn ka noqoyana Siyaasadda cusub ee xukuumadda Barack Obama ku taageerayso dawladda taagta daran ee Somalia Sarkaalkan Maraykanka ah ee laga soo xigtay warkan oo magaciisa inuu sheego ka gaabsaday ayaa isagoo arrinkaas ka hadlaya yidhi: ‘‘Go’aankan waxaa gaadhay Golaha sare ee Maraykanka si aan xukunka looga tuurin dowlada Somaliya darteed, wax kasta waxaa loo sameeyay in la tayeeyo quwada ciidamada dawladda si ay isaga difaacaan mucaaradka’’ Weerarada ka dhanka ah Dawladda iyo Xaalada iminka ka jirta Gudaha Somaliya waa mid ka sii daraysa, taasina waxa ay keentay in ay Xukuumadda Shariifku Caalamka ka dalbato ciidamo deg deg ah oo lala soo gaadho. Sidoo kale waxa uu sarkaalkani sheegay inay dawladda Maraykanku kala shaqayn doonto dhinaca sirdoonka dawladda Sheekh Shariif, isla markaana ay Washington ku casuumi doonaan hoggaamiyeyaal siyaasadeed iyo kuwa milateri oo ka socda qaybaha Somalia oo dhan, si loo sameeyo istaratatijiyad lagula dagaalamo kooxaha mayalka adag ee Somalia dagaalka ka wada, waxaanu isagoo arrintaas ka hadalaya yidhi: “Maraykanku waxay kala qaybgali doonaan dhinaca Sirdoonka dawlada Somalia, waxa kale oo ay samaynayaan koox ka kooban hoggaamiyeyaasha qaybaha Somalia oo ay ku casuumi doonaan dawlada Maraykanka si loo horumariyo istaraatijiyada lagula dagaalamayo kooxaha ka soo horjeeda dawlada Somalia” Hubkan uu Maraynku u soo diray dawlada Somalia ayaa yimid ka dib markii ay codsi u diratay caalama si wax looga qabto kooxaha ka soo horjeeda dawlada Maraykanka. Si kastaba ha ahaatee maamulkii Madaxweyne Bush ayaa hore lacag u siiyey qabqablayaashii dagaalka si ay u cidhib tiraan isla markaana ula dagaalamaan kooxaha islaamiyiinta ee halkaasi ka jira, taasina waxay keentay inay midoobaan isla markaana xoog iyo quwad kala horyimaadaan, taas oo keentay inay qolooyinkii islaamiyiinta ahaa ka guuleysteen kooxihii Maraykanku lacagta iyo hubkaba siiyey. Waxa kale oo dawlada Maraykanku ugu deeqday toban milyan oo doolar si ciidamadii hore ee milateriga iyo bileyska Somalia ahaa loogu hawlgaliyo, kuwaas oo mar ahaan jiray ciidamada ugu tababarka fiican qaaradda Afrika, balse markii ay burburtay dawladii Somalia horaantii sagaashamaadkii noqday kuwo meesha ka baxay. |