Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

ISSUE 2076 June 26, 2009                  Rajab 3,1430H

Boqolaal Tahriibayaal Ah Oo Ku Qaraqmay Xeebaha Liibiya Iyo Dareenka Cabsida Leh Ee Dhalinyarada Reer Somaliland Ee Ku Qulqulaya Dalalka Waqooyiga Afrika

Kulmiye oo cadeeyey mawqifkiisa ku aadan muddo kordhinta ay Guurtidu u samaysay Madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa

Madaxweyne Obama Oo Socdaalkiisii U Horeeyay Ku Tegay Qaaradda Yurub

Xukuumadda Madaxweyne Rayaale Iyo Tirada 29 Ma Faal Baa U Qabtay

Koox Suxufiyiin Ah Oo Dhamaystay Tababar Aqooneed  Ku Saabsan  Xalinta Khilaafaadka Iyo Nabada  

Sirdoonka Iyo Habka Uu U Shaqeeyo

 

Safarkaygii Somaliland Iyo Wixii Aan Ku Soo Arkay 2008-2009

Dhalinyaradu Marnaba Ma Ogola Odayaal Korkooda Ku Legdama, Lumiyana Mustaqbalkooda

Dawladdu Xayaysiiska Caano Boodhaha Iyo Maraq Digaaga Ha iska Dayso

Wadooyin Ay Iska Kaashadeen Dawladda Hoose Iyo Dadka Ku Nool Degmada 26 June Oo Wasiirka Daakhiligu Xadhiga Ka Jooyey

Roobabkii Xilliga Guga Oo Ka Curtay Somaliland

Wakiiladda Oo Cod Aqlabiyad Ah Ku Ansixiyey Miisaaniyadda 2009, Laba Bilood Oo Fasax Ahna Galay

 

Fanaanka Caanka Ee Michael Jackson Oo Ku Geeriyooday Los Angeles

Los Angeles, June 26, 2009 (Haatuf) – Fanaankii caanka ahaa ee Michael Jackson ayaa xalay ku geeriyooday magaalada Los Angeles ee dalka Maraykanka.

Sida warbaahinta Maraykanku xalay baahisay Fanaankan Michael ayaa geeridiisu waxay ka dambaysay kadib markii si kediso ah wadnuhu isu taagay taas oo ay qoyskiisu la soo xidhiidheen gargaarka degdega ah (911), waxaanay wararku intaas ku dareen inaanu Cusbitaalka naf la gaadhin oo ay jidka kaga sii baxday intii Dhooligu sii siday.

Geerida Michael Jackson oo aan ilaa xalay goorihii dambe si rasmi ah loo baahin ayaa haddana kumanaan ka mid ah dadka xiiseyn jiray heesihiisa waxay isugu soo urureen Cusbitaalka Los Angeles ee meydkiisu yaalo, halkaas oo ay Telefiishanada caalamiga ahi qaarkood si toos ah looga daawanayay.

Michael Jackson oo da’diisu ahayd 50 jir ayaa ahaa fanaan dunida aad uga caan ah, kaas oo fanka dunida iyo masraxiyadda muusiga ku soo kordhiyay wax badan, isagoo fanka ku biiray markay da’diisu ahayd 12 jir oo uu ka mid noqday kooxdii Jackson Five oo ay lahaayeen qoyskoodu, waxaanu heestiisii ugu horeysay qaaday sannadkii 1972-kii, hase yeeshee waxa uu dunida caan ka noqday dabayaaqadii toddobaatanaadkii, balse waxa uu si aad ah magaciisu meel sare u gaadhay sannadkii 1982-kii oo uu soo saaray Albamkii sida weyn dunida uga caan-baxay, isla markaana noqday albamkii ugu iibka badnaa dunida, kaas oo la odhan jiray “Thriller”, waxaanu albamkaas oo keliya ku qaatay toddoba jaa’isadood oo ah kuwa dunida ugu qaalisan “Grammy Awards”.

Hase yeeshee sagaashameedyadii ayaa sumcadda Michael Jackson hoos u dhacday kadib markii lagu eedeeyey faro-xumayn carruur yaryar, taas oo maxkamad lagu geeyay, inkastoo waxba lagu waayey, haddana waxay dacwadaasi ku socotay muddo dheer.

Sannadkii 2005-kii ayuu mar kale soo laba kacleeyay, waxaanu sameeyay Albam cusub oo dunida mar kale si weyn u qabsaday.

Sannadkan ayaa qorshuhu ahaa in Michael Jackson qaaradda Yurub ka qabto 50 masrax oo uu ku soo bandhigayo album cusub, hase yeeshee marnaba may dhicin in wakhti cayiman loo qabto, taas oo loo aaneeyay xanuun la sheegay inuu hayo, inkastoo aan marnaba si cad loo sheegin xanuunkiisa.