Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

ISSUE 2076 June 26, 2009                  Rajab 3,1430H

Boqolaal Tahriibayaal Ah Oo Ku Qaraqmay Xeebaha Liibiya Iyo Dareenka Cabsida Leh Ee Dhalinyarada Reer Somaliland Ee Ku Qulqulaya Dalalka Waqooyiga Afrika

Kulmiye oo cadeeyey mawqifkiisa ku aadan muddo kordhinta ay Guurtidu u samaysay Madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa

Madaxweyne Obama Oo Socdaalkiisii U Horeeyay Ku Tegay Qaaradda Yurub

Xukuumadda Madaxweyne Rayaale Iyo Tirada 29 Ma Faal Baa U Qabtay

Koox Suxufiyiin Ah Oo Dhamaystay Tababar Aqooneed  Ku Saabsan  Xalinta Khilaafaadka Iyo Nabada  

Sirdoonka Iyo Habka Uu U Shaqeeyo

 

Safarkaygii Somaliland Iyo Wixii Aan Ku Soo Arkay 2008-2009

Dhalinyaradu Marnaba Ma Ogola Odayaal Korkooda Ku Legdama, Lumiyana Mustaqbalkooda

Dawladdu Xayaysiiska Caano Boodhaha Iyo Maraq Digaaga Ha iska Dayso

Wadooyin Ay Iska Kaashadeen Dawladda Hoose Iyo Dadka Ku Nool Degmada 26 June Oo Wasiirka Daakhiligu Xadhiga Ka Jooyey

Roobabkii Xilliga Guga Oo Ka Curtay Somaliland

Wakiiladda Oo Cod Aqlabiyad Ah Ku Ansixiyey Miisaaniyadda 2009, Laba Bilood Oo Fasax Ahna Galay

 

 Al-Shabaab Oo Lugaha Iyo Gacmaha Ka Goysay Dhallinyaro Soomaali Ah Iyo Cambaareyn Loo Jeediyey

Mudisho, June, 26, 2009 (W. Wararka) - Kooxda Al-shabaab ee ka dagaalanta Koofurta Somalia ayaa xukun lug iyo gacan talantaali ah ka gooyay koox dhalinyaro ah oo ay sheegeen inay ahaayeen kuwa dadka waddooyinka ku baadha.

 oo wajiyada dabooshay ayaa afar dhalinyaro ah si is-weydaar ah u jaray gacanta Midigta iyo lugta bidixda, falkaas oo marka uu dhacayey ay daawanayeen kudhawaad laba boqol oo qof oo ku dhaqan Magaalada Muqdisho.

Xukunkan ayaa la sheegay inay fuliyeen koox wejiyada soo duubtay oo ka mid ah ururka al shabaab, kuwaas oo lugaha iyo gacmaha ka gooyey dhalinyaradaas.

Hay’adaha u dooda xuquuqda Aadamaha ee Amnesty International ayaa si kuluul u canbaareeyey falkaasi, isla markaana ku tilmaamtay inay dhaqanka bini’aadanimada ka soo horjeedo.

Si kastaba ha ahaatee, talaabadan ay Al-shabaab fulisay ayaa dadka Soomaalidu aragtiyo kala duduwan ka bixiyeen, iyaga oo si weyn uga xumaaday falka ay kula kaceen dadka dhalinyarada ahaa ee ay lugaha iyo gacmaha ka gooyeen.

Maaha markii ugu horeysay ee fal noocan oo kale ah ay ku fuliyaan dad Soomaali ah, Sanadkii la soo dhaafay gabadh yar oo 13-sano jirtay ayaa lagu fuliyey xukun dil ah oo dhagax lagu dilay. Sidoo kale waxa iyana dhawaan gacanta lagu jarey Magaalada Kismaayo Wiil dhalinyaro ah.