|
Home | Contact Us | Links | Archives |
| ISSUE 2076 | June 26, 2009 Rajab 3,1430H | |
|
Madaxweyne Obama Oo Socdaalkiisii U Horeeyay Ku Tegay Qaaradda Yurub Xukuumadda Madaxweyne Rayaale Iyo Tirada 29 Ma Faal Baa U Qabtay Koox Suxufiyiin Ah Oo Dhamaystay Tababar Aqooneed Ku Saabsan Xalinta Khilaafaadka Iyo Nabada Sirdoonka Iyo Habka Uu U Shaqeeyo
Safarkaygii Somaliland Iyo Wixii Aan Ku Soo Arkay 2008-2009 Dhalinyaradu Marnaba Ma Ogola Odayaal Korkooda Ku Legdama, Lumiyana Mustaqbalkooda Dawladdu Xayaysiiska Caano Boodhaha Iyo Maraq Digaaga Ha iska Dayso Wadooyin Ay Iska Kaashadeen Dawladda Hoose Iyo Dadka Ku Nool Degmada 26 June Oo Wasiirka Daakhiligu Xadhiga Ka Jooyey Roobabkii Xilliga Guga Oo Ka Curtay Somaliland Wakiiladda Oo Cod Aqlabiyad Ah Ku Ansixiyey Miisaaniyadda 2009, Laba Bilood Oo Fasax Ahna Galay
|
Xukuumada Oo Sheegtay Sababaha Ay U Qaadacday Shirkii Washington Ka Dhacay Ee Lagu Marti-Qaaday “Waxaanu U Aragnay In Shirkaasi Haddii Aanu Ka Qayb Galo Uu Sharaf Dhac Ku Yahay Qaranimada Dalka” C/Llaahi Yare Wasiirka Arimaha Dibada Hargeysa June 26, 2009 (Haatuf) – Wasiirka Arrimaha Dibada Cabdilaahi Maxamed Ducaale, ayaa shalay sheegay inaanay Somaliland ka qayb galayn shirka lagu qabanayo magaalada Washington ee dalka Maraykanka, kaas oo ay qaban qaabiyeen Guddi hoosaadka Golaha Congress-ka Maraykanka ee qaabilsan arrimaha Afrika, oo la doonayo in lagu wada hadal-siiyo su’aalana lagu waydiiyo Somaliland, Puntland iyo Dawladda Ku meel gaadhka ah ee Somalia. Wasiirku wuxuu sidaasi ku sheegay shir jaraa’id oo uu shalay ku qabtay xarunta wasaarada arrimaha dibada ee Hargeysa oo uu faahfaahin kaga bixiyay sababta ay uga baaqsadeen ka qayb galka shirkaasi, oo shalay lagu waday inuu ka furmo dalka Maraykanka.
Ugu horan wasiirka oo
arrimahaasi oo door ah ka hadlaya waxa uu ku bilaabay “Waxaan maanta
idiinku yeedhay Arrin maalmahanba socotay oo Jaraa’idka lagu qorayay, oo
lagaga hadlayay xukuumada Somaliland, qolooyinkaa maamulkaa Garoowe iyo
TFG-da, ayaa Kongaraska Maraykanku u yeedheen Wasiirka Arrimaha Gudaha oo ka hadlayay asbaabaha ku dhaliyay inay shirkaasi qaadacaan, oo aanay xukuumadu ka qayb galin shirkaasi wuxuu yidhi “Wax baa is bedelay, waxa isbedelay waxa weeye qaabkii iyo farsamadii ayaa wax iska bedeleen, markaa waxaan u xilsaarnay arrintaasi Wakiilka Somaliland ee Maraykanka Sacad Sh. Cismaan Nuur, isaguna Guddoomiyahaasi wuxuu arrintii u xilsaaray dhinacii farsamada iyo baratakoolka wixii la xidhiidha hawl wadeenadiisii, iyadoo arrintii halkaasi marayso ayuu soo baxay war-sheegaya in nuxurka ujeedada shirkan laga leeyahay ay tahay in wada hadal saddexdaasi qaybood ku wada hadlaan iyo arrimaha ay dan wadaag u arki karaan. runtii waanu liqi kari waynay arrintii markaanu ka tashanay xukuumada ee aan kula noqday Madaxweynaha, waxaanu u aragnay in shirkaasi haddii aanu ka qayb galo uu sharaf dhac ku yahay Somaliland, waxaanu ku nidhi Anagu shirkan kuma jirno, waxaanu u sheegnay in codsigayagu ahaa in Guddi Hoosaadka Baarlamaanka Maraykanka ee Arrimaha Afrika aanu gaar ula kulano. Maadaama oo aanu nahay dal xor ah oo hawshiisii dhamaystay oo Qaran dastuuriya ah. ” Wasiirka Arrimaha dibada wuxuu sheegay inaanu filaynin in arrinta shirkani ay ka soo fushay Guddoomiyaha Guddi hoosaadkaasi balse meel dhexe laga soo alifay, waxaanu tilmaamay in ay u mahad naqeen kana dalbadeen in mar gaar ah ay Somaliland la kulmaan. “Shirkaasi 25-ka bishan ayuu ahaa Aniga tigidhku wuu ii go’naa wax walibana diyaar ayay ii ahaayeen waxa yimid wax aan la liqi karayn, Naanaystaasna waanu iska diidnay, markaa si gaar ah ayaanu Maraykanka u tagi doonaa wasaarada Arrimaha Dibada waanu u tagaynaa ilaa heerka ugu sareeya ee aanu arki karno waanu isku dayaynaa in balan la nooga qabto, waxa kale oo aanu codsanaynaa in Congress-ka aanu la kulano iyo Guddoomiyaha Guddi Hoosaadka Senate-ka oo berigii dhawaydna wefitgii Madaxweynaha Somaliland Jabuuti ku tagay aanu kula kulanay,” ayuu yidhi Cabdilaahi Maxamed Ducaale. Wasiirka Khaarajiga wuxuu soo dhaweeyay siyaasiyiinta wasaarada Arrimaha dibada ee Maraykanka qaybaha Afrika qaabilsan oo uu ku tilmaamay dad gobolka wax badan ka fahmi kara oo lala macaamili karo. “Socodkayagii aanu ku tagnay Itoobiya waxaanu la kulanay Wasiirul dawlaha Arrimaha dibada oo ah nin Somaliland la saaxiib ah oo dhawr jeerna halkan inoogu yimid, wuxuu ii sameeyay qado sharaf shaqo oo muddo laba saacadood iyo jar-jar qaadatay, waxyaabaha aanu ka wada hadalnay waxa ka mid ahaa arrimihii ay ka wada hadleen Madaxweynaha Somaliland iyo Ra’iisal wasaaraha Itoobiya in la sii ambo qaado, oo ay ka mid ahaayeen Ganacsiga, isticmaalka dekadda Berbera, arrimaha Gobolka, nabadgelyada iyo iskaashiga dhinacyada kala duwan ee labada dal u dhaxeeya” ayuu yidhi Wasiirku. Intaas ka dib su’aalihii ay suxufiyiintu wasiirka khaarajiga waydiisay iyo jawaabihii uu ka bixiyayna waxay u dhaceen sidan: S: Dawlada Ingiriisku waxay soo saartay digniin la xidhiidha inaanay dadkeedu u socdaalin Somalia/Somaliland xilligan oo aad og-tahay in doorashadii madaxtooyadu ay fooda inagu soo hayso isla markaana la filayay inay Ingiiriisku goob joogeyaal u soo diraan, saamayn intee leeg ayay keenaysaa arrintaasi? Ta kale waxa jirta in shalay (doraad) Itoobiya ay xidhay xadka ay la wadaagto Somaliland, Maxaa sababay arrintaasi? J: Horta Safiirkii Itoobiya intii aydaan ii iman ayuu xafiiskaygan ila joogay, waana wax iska joogto ah inaan Safiirka u yeedho oo aanu is waraysano. Arrintaa aad sheegaysid Anigu ma ogi xad la xidhay iyo xad silsilado lagu xidho toona warkaasi ma hayo. Safiirkuna warkaas ilama soo qaadin. Wasiirul dawlaha Arrimaha dibada ee Itoobiya markii aanu wada joognay Addis ababa waxba igalama soo qaadin. Arrintan kale ee aad leedahay Ingiriiska ayaa digniin soo saaray, waan ku arkayay saaka wargeysyada, Safiirkii Ingiriiska ee Itoobiya fadhiyay dalka ayuu joogaa, waanu ka arki doonaa waxa arrintani ay tahay. Waananu iska arki doonaa. Madaxweynaha Somaliland iyo safiirku way is arkeen, warqad wanaagsan ayuu uga siday Wasiirka Arrimaha Dibada Ingiriiska galabtana way is arkayaan.
S: Waxaynu 18-kii sanadood
ee la soo dhaafay beesha caalamka ka sugaynay oo kala hadlaynay
Ictiraaf, haddii dawladii adduunka ugu weynayd intay iskugu keen yeedhay
kooxihii Somalia ku hirdamayay ee aynu xorriyadeena kala soo noqonay ay
tidhi bal doodiina J: Wax weyn ayaynu haysanaa Qaranimo iyo dawladnimo dhab ah ayaynu haysana, waxa qudha ee inaga maqani waa aqoonsi, waxaan qabaa meesha qadiyadeenu maraysaa waa meel aad u wanaagsan. Midna waan idiin sheegayaa barnaamijka ictiraaf raadintu wuxuu ku salaysan yahay shuruuc caalami ah oo aynu diyaarinay, walaal wali la inama ictiraafin haddii la inagu yidhaahdo kaalay cadaabtii baan tagayaaye ii sii raac yeeli mayno. Markaa ma aanu diidin ee waxaanu diidnay dhinaca farsamada lagu tagayo shirkaasi, Aniguna awood u ma haysto inaan arrintaasi iska galo. S: Hindisihii aad Nairobi ula tagteen waftigiinii deeqbixiyayaasha xaga doorashada Somliland ka taageera, waxa la sheegay inaad waji gabax kala kulanteen oo hindisihii ka xukuumada aaan aad wadateen uu idinka socon waayey, wax ma nooga sheegi kartaa waxyaabihii aad kala soo kulanteen halkaa? J: Horta shirkii aanu ugu tagnay deeqbixiyayaasha, shalayna waa kii wasiir Cawil ka hadlay horena waa looga hadlay, waxa meesha jooga waa deeqbixiyayaashii waa saaaxiibadeen weeye wixii aanu ula tagnay xal wanaagsan baanu ka galay, meel wanaagsan baanu isla meel dhignay wanaag iyo sharaf baanu kala soo noqonay ee saaxiibaduna siday u wada hadlaan baanu u wada hadalay, waan arkayey dee headline-ka Waji-gabaxa, taasi waa eray bixin idinku (Jaraa’idka) aad bixiseen, oo taasi idinkay idiin taalaa waxaad bixinaysaan laakiin anigu waxaan ku sifaynayaa inaanu kala nimid guul iyo is afgarad |