Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

ISSUE 2076 June 26, 2009                  Rajab 3,1430H

Boqolaal Tahriibayaal Ah Oo Ku Qaraqmay Xeebaha Liibiya Iyo Dareenka Cabsida Leh Ee Dhalinyarada Reer Somaliland Ee Ku Qulqulaya Dalalka Waqooyiga Afrika

Kulmiye oo cadeeyey mawqifkiisa ku aadan muddo kordhinta ay Guurtidu u samaysay Madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa

Madaxweyne Obama Oo Socdaalkiisii U Horeeyay Ku Tegay Qaaradda Yurub

Xukuumadda Madaxweyne Rayaale Iyo Tirada 29 Ma Faal Baa U Qabtay

Koox Suxufiyiin Ah Oo Dhamaystay Tababar Aqooneed  Ku Saabsan  Xalinta Khilaafaadka Iyo Nabada  

Sirdoonka Iyo Habka Uu U Shaqeeyo

 

Safarkaygii Somaliland Iyo Wixii Aan Ku Soo Arkay 2008-2009

Dhalinyaradu Marnaba Ma Ogola Odayaal Korkooda Ku Legdama, Lumiyana Mustaqbalkooda

Dawladdu Xayaysiiska Caano Boodhaha Iyo Maraq Digaaga Ha iska Dayso

Wadooyin Ay Iska Kaashadeen Dawladda Hoose Iyo Dadka Ku Nool Degmada 26 June Oo Wasiirka Daakhiligu Xadhiga Ka Jooyey

Roobabkii Xilliga Guga Oo Ka Curtay Somaliland

Wakiiladda Oo Cod Aqlabiyad Ah Ku Ansixiyey Miisaaniyadda 2009, Laba Bilood Oo Fasax Ahna Galay

 

 Wasiirka Daakhiliga Iyo Xubno Ka Mid Ah Maamulka Saylac Oo Lagu Martiqaaday Ka Qaybgalka Xuska Maalinta Qaranimada Djibouti  

Boorama, June, 26, 2009 (Haatuf) – Wasiirka arrimaha Gudaha Somaaliland C/llaahi Ismaaciil (Cirro) iyo xubno ka mid ah maamulka Saylac ayaa la sheegay in lagu marti qaaday ka qaybgalka xaflad loogu dabaal dagayo maalinta madaxbanaanida qaranimada dalka Jabuuti.

Wasiirka daakhiliga oo socdaal muddo ah ugu maqnaa xeebaha Galbeed ee dalka halkaas oo waayadanba laga hadal hayey inay ka soo degeen badeecado shaki weyn ka abuuray \ gudaha dalka.

Sida wararku sheegeyaan Wasiirka daakhilga oo socdaalkiisan gobolka Selel iyo Awdal ka soo galay dhinaca dalka Jabuuti, ayaa kormeer xaqiiqo raadis ah ku soo maray degaanno ka tirsan dhulka lama degaanka ah ee xeebta gobolka Awdal, kuwaas oo la sheegayey laga soo dejiyey badeecado aan ilaa imika la xaqiijin inay hub ahaayeen iyo inay ahaayeen badeecado kale. Balse uu ka abuurmay shaki. Wasiirka ayaa la sheegayaa inuu tegey xeebta Bullo caddo iyo degaanada u dhexeeya Lughaya iyo Saylac, halkaas oo dhinaca kale ay ciidamada qaranka ee xeebaha galbeedku kasoo qabqabteen taahriibayaal ka yimid dalalka deriska ah oo doonayey inay doonyo ka raacaan dhulkaasi

Inkasta oo aan wax war ah laga soo saarin safarka wasiirka, waxase lagu tilmaamay inuu ahaa xaqiiqo raadin la xidhiidhay arrimahaasi, waxyaalihii uu ku soo arkayna uu la tegi doono xafiiskiisa Hargeysa.

Dhinaca kale xubno ka tirsan masuulyiinta maamulka magaalada Saylac iyo gobolka Selel ayaa la sheegeyaa inay u kicitimeen dalka deriska ah ee Jabuuti halkaas oo la sheegayo in lagu casuumay dabbaldegyada loo samaynayo maalinta xorriyadda dalka Jabuuti ee 27 June

Sida ay sheegeyaan wararakaasi, waxa wafdiga horkacay baa layidhi badhsaabka gobolka Selel Ismaaciil Cawaale, waxana ka mid ah xubno ka tirsan shaqaalaha laamaha dawladda ee degmada iyo gobolkaba, iyadoo xilka magaaladaasina lagaga sii tegey Guddoomiye ku xigeenka Golaha degaanka degmada Saylac Cismaan Muumin Caarre. Sidoo kale ayaa wararku sheegeyaan in madax-dhaqameedyo kasoo jeeda gobolka Awdal iyaguna Boorama uga ambabaxeen dabbaal-degyadaasi

Ambabaxa waftiyadan Somaliland ee dalka Jabuuti ayaa kusoo beegmay maanta oo bish tahay 26kii June oo Somaliland laga xusi doono maalintii xorriyada ee 1960kii