|
Home | Contact Us | Links | Archives |
| ISSUE 2076 | June 26, 2009 Rajab 3,1430H | |
|
Madaxweyne Obama Oo Socdaalkiisii U Horeeyay Ku Tegay Qaaradda Yurub Xukuumadda Madaxweyne Rayaale Iyo Tirada 29 Ma Faal Baa U Qabtay Koox Suxufiyiin Ah Oo Dhamaystay Tababar Aqooneed Ku Saabsan Xalinta Khilaafaadka Iyo Nabada Sirdoonka Iyo Habka Uu U Shaqeeyo
Safarkaygii Somaliland Iyo Wixii Aan Ku Soo Arkay 2008-2009 Dhalinyaradu Marnaba Ma Ogola Odayaal Korkooda Ku Legdama, Lumiyana Mustaqbalkooda Dawladdu Xayaysiiska Caano Boodhaha Iyo Maraq Digaaga Ha iska Dayso Wadooyin Ay Iska Kaashadeen Dawladda Hoose Iyo Dadka Ku Nool Degmada 26 June Oo Wasiirka Daakhiligu Xadhiga Ka Jooyey Roobabkii Xilliga Guga Oo Ka Curtay Somaliland Wakiiladda Oo Cod Aqlabiyad Ah Ku Ansixiyey Miisaaniyadda 2009, Laba Bilood Oo Fasax Ahna Galay
|
Safiirka Britain U Jooga Addis Ababa Oo Ka Xog-Waramay Socdaalkiisii Uu Ku Yimid Somaliland “Ma doonayo inaan malo awaalo sida wax u socdaan Komishanka, arrin iitaalana maaha, waxay hawshaasi u taal Xisbiyada iyo Komishanka“ Safiirka Dalka Britain Hargeysa June 26, 2009 (Haatuf) - Safiirka Ingiriiska u fadhiya dalka Itoobiya, Norman Link, ayaa shaaca ka qaaday in horumar laga sameeyay wada hadalo uu labadii cisho ee la soo dhaafay uu la yeeshay Xukuumada iyo Xisbiyada Siyaasada oo la xidhiidhay sidii loo hirgelin lahaa in doorashada Madaxtooyada ee loo cayima 27-ka Bisha September ay ku qabsoomi lahayd. Dan-jire Norman Link, wuxuu sidaasi ka sheegay galabta mar uu ka dhoofayey madaarka caalamiga ah ee Magaalada Hargeysa, markii uu dhamaystay booqasho laba maalmood ah oo uu ku yimid Somaliland, taas oo uu la kulmay dhinacyada siyaasada iyo xukuumada oo uu soo gaadhsiiyey dhambaal uu ka siday Wasiirka Arrimaha dibadda ee Ingiriiska. Safiirka Ingiriiska oo ka hadlayey ujeeddada socdaalkiisa, ayaa waxa uu yidhi "Waa Booqashadaydii saddexaad ee aan ku imaaddo Somaliland, waxaanan joogay muddo laba maalmood ah, waxaan la kulmay intii aan joogay Madaxweynaha, Wasiiro iyo xisbiyada oo aan ka wada hadalnay qaban-qaabada doorashada loo cayimay inay qabsoonto 27 Septemberta ee foodda inagu soo haysa. Kulamadaasi waxay ahaayeen wada hadallo fiican oo aan la yeeshay masuuliyiintaasi wakhti gaar ah, waxaanan rumaysanahay in horumar laga sameeyey iyada oo aan rajaynayo in intaas ka sii badanna maalmaha foodda innagu soo haya la samayn doono. Waxaanna ku kalsoonahay qaabka loo agaasimayo doorashadani inay dhacdo 27 September. " Danjiruhu wuxuu sheegay in axsaabtu ay ku kala aragti duwanaayeen arrimaha la xidhiidha qaban qaabada doorashada, waxaanu yidhi "Waxaan la kulmay wakiillo ka kala socdey saddexda xisbi qaran, waxana jiray kala duwanaansho yar, waxa muhiim ah in la ogaado inaanay habboonayn dib u dhac ku yimaadda doorashooyinka Somaliland mar afraad, taas oo aan u fiicnayn sumcadda dalka, iyada oo xisbi kastaa iska fogaynayo, dib u dhac kale oo yimaadda, oo aanu qofna xumaynayn mustaqbalka Somaliland, waxaan filayaa inay iminka taasi aqbaleen oo ay yeelan doonaan kulamo ay kaga arrinsanayaan inay isu soo dhoweeyaan mawqifyadooda kala duwan. "
Safiirka oo ka jawaabayey
su'aal la xidhiidhay aragtidiisa ku saabsan in xilligan la bedelo xubno
ka tirsan Komshanka Doorashooyinka ama la wada beddelo, ayaa wuxuu
tilmaamay in aanu jeclayn inuu u yeedhiyo sida wax u soconayaan, waxaanu
yidhi: "Ma doonayo inaan mala awaalo, sida wax "Xisbi kastaaba wuxuu aaminsan yahay inaan dib u dhac afraad oo ku yimaadda Somaliland aanu u fiicnayn Somaliland Waxaan aaminsanahay in horumar la sameeyey labadii cisho ee la soo dhaafay, oo xukuumaddu bixisay saamigii kaga aaddanaa kharashka doorashooyinka iyo hab raaca diiwaangelintii codbixiyayaasha," ayuu yidhi Danjire Norman Link. |