|
Home | Contact Us | Links | Archives |
| ISSUE 2076 | June 26, 2009 Rajab 3,1430H | |
|
Madaxweyne Obama Oo Socdaalkiisii U Horeeyay Ku Tegay Qaaradda Yurub Xukuumadda Madaxweyne Rayaale Iyo Tirada 29 Ma Faal Baa U Qabtay Koox Suxufiyiin Ah Oo Dhamaystay Tababar Aqooneed Ku Saabsan Xalinta Khilaafaadka Iyo Nabada Sirdoonka Iyo Habka Uu U Shaqeeyo
Safarkaygii Somaliland Iyo Wixii Aan Ku Soo Arkay 2008-2009 Dhalinyaradu Marnaba Ma Ogola Odayaal Korkooda Ku Legdama, Lumiyana Mustaqbalkooda Dawladdu Xayaysiiska Caano Boodhaha Iyo Maraq Digaaga Ha iska Dayso Wadooyin Ay Iska Kaashadeen Dawladda Hoose Iyo Dadka Ku Nool Degmada 26 June Oo Wasiirka Daakhiligu Xadhiga Ka Jooyey Roobabkii Xilliga Guga Oo Ka Curtay Somaliland Wakiiladda Oo Cod Aqlabiyad Ah Ku Ansixiyey Miisaaniyadda 2009, Laba Bilood Oo Fasax Ahna Galay
|
Maamulka Awdal Oo Wareegto Ku Mamnuucay Kulamada Iyo Siminaarada Aanay Ka War Hayn Boorama, June 26, 2009 (Haatuf) – Xafiiska maamulka Goblka awdal ayaa soo saaray wareegto lagu mamnuucayo shirarka iyo siminaarada aanay maamulka Gobolka iyo laamaha dawladdu waxba ka ogeyn ee lagu qabanayo Gobolkan. Sida ay sheegayaan warar ku dhaw xafiiska maamulku waxa jirta in wareegto uu ku saxeexan yahay guddoomiyaha Gobola awdal Maxamuud Sheekh C/laahi Cige loo qaybiyey madaxda laamaha dawladda ee heer gobol iyo heer Degmo, taas oo lagu amrayo inaysan madaxdaasi iyo ururada waddaniga ah ee ka hawlgala gobolku qaban Karin shirar ama seminaarro aan lala socodsiin maamulka gobolka. Qoraalkan loo qaybiyey maamulka laamaha dawladda ee gobolka ayaa la sheegayaa inuu ka dambeeyey shan ama lix maalmood ka hor markii goobo ku yaalla magaalada Boorama ay iskugu yimaadeen shirna ku qabsadeen qaar ka mid ah culimada diinta ee Boorama iyo maamulayaasha xarumaha waxbarashada gaarka ah, sida mac-hadyada barashada diinta, kuwaasi ama culimadaasi oo la sheegay inay kaga hadlayeen horumarinta mac-hadyadaasi, isla markaana abaalmarinno loogu qaybinayey arday ay gacanta ku hayaan oo la sheegay inay dedaal ka muujiyeen barashada diinta. Kulankan oo la sheegay inaan lagu martiqaadin maamulayaasha dawladda ee gobolka iyo degmada, ayaa ku soo beegmay wakhti xasaasi ah oo ku beegmay dagaallo diineed oo ka dhacaya koonfurta soomaaliya, Somaliland-na shaki ka qabto in dagaaladaasi ku soo durkaan Somaliland, amarkan Badhasaabkuna yahay mid la xidhiidha arrimaha amniga iyo siyaasadda xukuumada. |