Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

ISSUE 2076 June 26, 2009                  Rajab 3,1430H

Boqolaal Tahriibayaal Ah Oo Ku Qaraqmay Xeebaha Liibiya Iyo Dareenka Cabsida Leh Ee Dhalinyarada Reer Somaliland Ee Ku Qulqulaya Dalalka Waqooyiga Afrika

Kulmiye oo cadeeyey mawqifkiisa ku aadan muddo kordhinta ay Guurtidu u samaysay Madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa

Madaxweyne Obama Oo Socdaalkiisii U Horeeyay Ku Tegay Qaaradda Yurub

Xukuumadda Madaxweyne Rayaale Iyo Tirada 29 Ma Faal Baa U Qabtay

Koox Suxufiyiin Ah Oo Dhamaystay Tababar Aqooneed  Ku Saabsan  Xalinta Khilaafaadka Iyo Nabada  

Sirdoonka Iyo Habka Uu U Shaqeeyo

 

Safarkaygii Somaliland Iyo Wixii Aan Ku Soo Arkay 2008-2009

Dhalinyaradu Marnaba Ma Ogola Odayaal Korkooda Ku Legdama, Lumiyana Mustaqbalkooda

Dawladdu Xayaysiiska Caano Boodhaha Iyo Maraq Digaaga Ha iska Dayso

Wadooyin Ay Iska Kaashadeen Dawladda Hoose Iyo Dadka Ku Nool Degmada 26 June Oo Wasiirka Daakhiligu Xadhiga Ka Jooyey

Roobabkii Xilliga Guga Oo Ka Curtay Somaliland

Wakiiladda Oo Cod Aqlabiyad Ah Ku Ansixiyey Miisaaniyadda 2009, Laba Bilood Oo Fasax Ahna Galay

 

26 June: Maalintii Somaliland Qaadatay  Xornimadii Luntay Ee 1960

26 June oo ah maalintii ay Somaliland xoriyadeedii ka qaadatay Ingiriiska 1960 oo ay ka soo wareegtay 49 sannadood ayaa waxay dadka reer Somaliland ku soo dhawaynayaan maalintan jawi aanay ka muuqan farxad iyo raynrayni, iyada oo ay maalintaasi ay ka mid tahay maalmaha madow ee ay leeyihiin dadka reer Somaliland.

Xoriyadii ay Somaliland ka qaadatay Ingiriiska 1960 kii afar maalmood ka dib waxa ay midnimo bilaa shuruud ah kula galeen Koonfurta Somalia oo uu gumaysan jiray Talyaanigu oo qaadatay xoriyadeeda 1-dii july, 1960, Halkaasna ay ka unkantay dawlad loogu magacdaray jamhuuriyada dimuqraadiga ee Somalia, taas oo muddadii ay jirtay ay dadka reer Somaliland kala kulmeen khasaare iyo burbur soo gaadhay, kaas oo raadkiisii uu ka sii muuqdo Somaliland.

Si kastaba ha ahaatee 26 june ayaan laga dareemayn magaalooyinka waaweyn ee Somaliland wax dhaqdhaqaaq ah iyo hadal hayntoona oo ku saabsan maalinta 26 june oo ay Somaliland xoriyadeeda ka qaadatay gumaystihii Ingiriiska, marka laga reebo in maalintaasi ugu qoran tahay Somaliland maalin fasax ah oo laga nasto shaqada, waxa kale oo dadka reer Somaliland maalintan ku soo dhawaynayaan nusqarni ay weli baadi goobayso Ictiraaf ay ka hesho Beesha Caalamka.

Qaabkii Maxmiyada Ingiriisku u qabsatay Somaliland

1884-kii Shir ayey Baarliin ku yeesheen gumeystayaashii Reer Yurub, waxayna u qori-tuurteen Qaaradda Afrika oo lagu naanaysay “Qaaraddii Madoobeyd”, balse ahayd meel dihin. Gumaystayaashaas oo ay hormuud ka ahaayeen; Ingiriiska, Faransiiska, Talyaaniga, Boortaqiiska iyo Isbaanishku waxay u beratemayeen dano iyo ujeeddooyin dhaqaale, siyaasadeed, istiraatijiyadeed iyo diimeed. Waqtigaas, Somaliland oo lahayd Ilbaxnimo iyo xadaarad la rumaysan yahay inay ka dhaxashay dowladdii Islaamka ee Cusmaaniyiinta iyo xidhiidhkii ganacsi ee faraaciyiintii Reer Masar ku iman jireen cidhifka geeska Afrika ee ay Somaliland ku taallo, waxa qoriga saamigu ugu dhacay Boqortooyadii Ingiriiska oo lagu magacaabi jirey “Boqortooyada aan Calankeeda Qorraxdu ka dhicin”, taas oo loola jeedo dunida gees ilaa gees in ay isku ballaadhisay.

Waxa taariikhdu qortay in dadka reer Somaliland ay hangool farraaro leh iskaga qabteen Gumaystaha Ingiriis markii uu geyiga soo galay, shuruudo iyo cahdina lala saxeexday.

Iska caabbintaasi la kawsaday soo gelintaankii gumaystuhu waxa ay ahayd mid aan marna damin marxalad kasta oo uu soo istaageyba ilaa uu jaanta isla helay halgan af iyo addinba leh oo lagaga soo horjeedo gumaystaha. 1950-neeyadii ayaa Afrika oo dhan uu ka bilaabmay dhaqdhaqaaq gobanimo doon ah oo ay horkacayeen jiilkii waxbartay ee Afrika u kacaamay waqtigaas. Somaliland sida dalalkii Afrikaanka waxaa ka abuurmay ururro gobanimo doon oo ay ugu door-roonaayeen SNL, NUF iyo USP. Kuwaasi oo la jaanqaaday ololihii xornimo u dirirka ahaa ee socday.

Si kastaba ha ahaatee, 26-kii June 1960-kii ayaa Boqortooyadii Ingiriisku Somaliland siisay xornimadeeda, calankii ugu horreeyey ee Soomaaliyi yeelatona laga taagey Hargeysa, iyada oo Djabuuti ay weli baaqi ku ahayd gacanta Faransiiska oo gumeysan jirey, Soomaalida koonfureedna waxa Talyaaniga kala wareegey Qaramada Midoobey oo toban sannadood oo xornimo-gaadhsiin ah gacanta ku hayey. Somaliland waxay xornimadeeda Ingiriisku hibeeyey 1958-kii markii Ergo Odayaal reer Somaliland ah oo tegey London ay Ingiriiska kula garnaqsadeen dhulkii Hawd iyo Reserve Area la odhan jirey oo uu ku wareejiyey Boqortooyadii Xayle-salaase ee Itoobiya, taas oo xad-gudub ku ahayd axdigii Somaliland iyo Ingiriiska u yaaley.

Hase yeeshee, Somaliland kuma sii waarin xorriyaddaas. Afar maalmood oo keli ah markii ay madax bannaanayd ayay ku biirtay Soomaaliya waxaana 1-dii July lagu kulmiyey Muqdisho munaasibadda madaxbannaanida Soomaaliya iyo midnimadii Somaliland iyo Soomaaliya. Waxana ay ku sifowdey Somaliland sidii uu ku sifeeyey wargeys ka soo baxay London 31-kii June oo ciwaan far-waaweyn ah ku qoray “MAXMIYADDII XORRIYADDA DIIDDEY”. Waxa xorriyaddaas lagu tuuray god qaatay soddon sannadood in lagaga soo saaro.