|
Home | Contact Us | Links | Archives |
| ISSUE 2076 | June 26, 2009 Rajab 3,1430H | |
|
Madaxweyne Obama Oo Socdaalkiisii U Horeeyay Ku Tegay Qaaradda Yurub Xukuumadda Madaxweyne Rayaale Iyo Tirada 29 Ma Faal Baa U Qabtay Koox Suxufiyiin Ah Oo Dhamaystay Tababar Aqooneed Ku Saabsan Xalinta Khilaafaadka Iyo Nabada Sirdoonka Iyo Habka Uu U Shaqeeyo
Safarkaygii Somaliland Iyo Wixii Aan Ku Soo Arkay 2008-2009 Dhalinyaradu Marnaba Ma Ogola Odayaal Korkooda Ku Legdama, Lumiyana Mustaqbalkooda Dawladdu Xayaysiiska Caano Boodhaha Iyo Maraq Digaaga Ha iska Dayso Wadooyin Ay Iska Kaashadeen Dawladda Hoose Iyo Dadka Ku Nool Degmada 26 June Oo Wasiirka Daakhiligu Xadhiga Ka Jooyey Roobabkii Xilliga Guga Oo Ka Curtay Somaliland Wakiiladda Oo Cod Aqlabiyad Ah Ku Ansixiyey Miisaaniyadda 2009, Laba Bilood Oo Fasax Ahna Galay
|
Koox Aqoonyahano Ah Oo Talooyin U Soo Jeediyey Saddexda Xisbi Qaran, Komishanka Iyo Hay’adaha Daneeya Somaliland Hargeysa, June 26, 2009 (Haatuf) – “Kooxdan Aqoonyahank ahi waxay si xishmad leh u xusuusinaysaa Saddexda Xisbi Qaran, in wakhitigii loogu talagalay in doorashada madaxtooyada Somaliland qabsoonto ay ka hadhay saddex bilood oo keliya.” Sidaa warbixin dheer ku soo saaray koox aqoonyahano madax banaan oo reer Somaliland ah. Kooxdan aqoonyahanku waxay ka hadlay dhanacyo badan iyo marxalada uu dalku marayo iyo sidii ay doorashadu inoogu dhici lahayd, waxay warbixintan oo dheeri u qornayd sidan: “ I. Hordhac Kooxda aqoonyahanka Madaxabanaan (ISG) ee reer Somaliland oo kulan ku yeeshay Huteelka Imperial bisha Juun 17dii 2009, waxay ka doodeen shuruudaha Deeqbixiyeyaashu u soo jeediyeen xisbiyada siyaasiga ah ee Somaliland in la fuliyo ka hor doorashada Madaxtooyada, si ay u dhacdo doorasho xor xalaal iyo nabad ahi. Kulanka waxaa qabtay Machadka Daraasaadka Bulshada iyo Horumarinta (SORADI), waxaana daadihinayey doodda Agaasimah, Dr. Maxamed Fadal. Xubnaha kooxdan aqoonyahanku (ISG) dhammaantood waa dad muddo dheer ka soo qayb qaatay dib u-dhiska Somaliland iyo geeddi socodka dimuqraaddiyadda, waana shakhsiyaad karti dheeraad ah u leh rog rogidda iyo samaynta gorfayn run ah kuna salaysan u gondadegidda arimaha taagan. Kooxda aqoonyahanku waxay kala yihiin: Cabdilqadir X. Ismacil Jirde (Guddoomiye ku-xigeenkii hore ee Golaha Wakiillada), Aamina X. Maxamuud Warsame(Nagaad), Shukri X. Ismaaciil (Xubin Komishankii hore, xubin Madasha Dimuqraadiyadda Afrika iyo Guddomiyaha Candle Light); Ibrahim Jamac Cali (xubin Golaha Wakiillada ahna Garyaqaan); Fawsi Aw Yoonis (xubin Ururka Garyaqaannada Somaliland); Cabdi Axmed Nour (xubin hore Golaha Guurtiga kana tirsan Madasha Nabadda iyo Maamul- dhiska – FOPAG); Boobe Y. Duale (Xidhiidhiyaha Cilmibaadhista, APD); Haaruun X. Axmed Qulumbe (ActionAid); Jacfar Moxamed Gadaweyne (SONSAF); Mohamed Xasan Ibrahim (Cilmibaadhe, APD); Sucaad Ibrahim Cabdi (Cilmibaadhe, APD); Dr. Moxamed Fadal (SORADI); Ururrada iyo aqoonyahannada kale ee nala xidhiidhsan waxaa ka mid ah: Ayaan Cashuur (Ururka UK-Somaliland Focus) iyo Cabdishakur Sh. Cali-Jawhar (Dhakhtar psychatarist ah, faaqididda siyaasadda, warkamaanta. com). II. Shuruudaha Deeqbixiyeyaasha ee doorashooyinka Madaxtooyada Somaliland Tobankii sano ee u dambaysey, Jamhuuriyadda Somaliland waxay taabbogelisey wada-shaqayn xooggan oo ay la yeelatay deeqbixiyeyaasha iyo bulshada caalamka qaybaheeda iyadoo la iska kaashanayo xaqiijinta geeddi-socodka dimuqraadiyadda ee Somaliland jidkeeda qaadday. Is af-garanwaaga mararka qaarkood soo ifbaxaa waxay keeni jireen oo keli ah in hore loogu sii tallaabsado horumarna laga gaadho habraacaas. Run ahaantii, wada shaqayntan, deeqbixiyeyaashu waxay muujiyeen ujeeddadooda cad oo midaysan si Somaliland uga gudubto caqabadaha waqtigan horyaal u guuridda dimuqraadiyadda, gaar ahaan, iyagoo gacan ka siinaya dhinacyada maaliyadda iyo farsamada looga baahanyahay in la qabto doorashooyin xor iyo xalaal ah oo si nabad ah u qabsooma. Mararka qaarkood, si hore loogu tallaabsado deeqbixiyeyaashu waxay soo bandhigaan shuruudo iyo arrimo kale oo looga qiyaas qaato sida hawsha doorashadu u hirgeli lahayd. Shuruudaha qaarkood ayaa u muuqan kara kuwo ay qallafsan tahay hirgelintoodu marka la eego dhinaca daneeyeyaasha Somaliland, hase yeeshee, runtu waxay tahay in arrimuhu adkaadaan oo keliya, marka aanuu jirin dhinaca daneeyayaash rabitaan gorgortan meel dhexe laysugu yimaaddo iyo in laysu tanaasulo. Shuruudaha yaallaa waxay dhiirigelinayaan wada hadal, wada xaajood iyo sulux si hore loogu dhaqaaqo habraaca doorashada oo inoo ahaa dhaqan aan ku faanno. Waxaynu ognahay in aan deeqbixiyeyaashu dhinacna u xaglinayn ama la jirin. Deeqbixiyeyaashu waa dhexdhexaad shuruudohooduna waa dhexdhexaad. Maadaama shuruuduhu dhexdhexaad yihiin, inoona sahlayaan in aynu hore ugu ruqaansanno qabsoomidda doorashada madaxtooyada iyo in daneeyeyaashu sulux iyo wada xaajood yeeshaan, majiri karo cudurdaar kale in aan shuruudahaas la hirgelin. Shuruudaha deeqbixiyeyaasha ee badka yaal waxaa ka mid ah in daneeyeyaashu aqbalaan, taageeraanna natiijada diiwaangelintii codbixiyeyaasha si loo dejiyo liiska codbixiyeyaasha ee kama dambaysta ah. Kooxda aqoonyahanku waxay taageersan yihiin isla markaana Xisbiyada Siyaasiga ah ku boorrinayaan in ay aqbalaan habraacan. Sidoo kale waxaannu ku adkaynaynaa ha’yadaha caalamiga ee gacanta ku haya Serverka ee Inter peace ka mid tahay in ay si cad u bayaamiyaan taariikhda la soo saarayo Liiska Kama-dambaysta Codbixiyeyaasha, iyo in ay soo bandhigaan in habka soo saarista Liiska Codbixiyeyaashu aanu sabab u noqon doonin in doorashada madaxtooyadu ka dib dhicin waqtigeeda. Shuruudaha ugu muhiimsan ee deeqbixiyeyaashu dhaabadda ka dhigeen waqtigan ee la shaaciyey 27kii May, 2009, waxaa ka mid ah: In hoggaamiyeyaasha 3da xisbi saxeexaan Xeer Anshax Code of Conduct), ay ku cad yihiin arrimahani: In la iswaafajiyo shuruucda doorashada madaxtooyada loo adeegsanayo iyo xeerkii diiwaangelinta iyo in iyadoo la tixraacayo Xeer Anshaxa la xuso lana xalliyo wixii dhiman ama iska horimaadyo ee qaabaynt shuruucda ah. Magacaabista guddi anshax oo la socda in si xaqsooran oo xalaal ah loo wadaagey hantida guud, xallishana khilaafaadka. In la aqbalo habsocodkii Diiwaangelinta Codbixiyeyaasha iyo Liiska Codbixiyeyaasha ee Kamadambaysta ah. In laga wada hadlo go’aanna laga gaadho sidii arrinta Komishanka wax looga qaban lahaa. In Xukuumaddu soo shubto saamigeedii miisaaniyadda doorashada ee ahaa 25% Dhammaan shuruudaha kor ku xusani waxay bayaaminayaan tallaabooyinka muhiimka u ah in doorashada madaxtooyadu qabsoonto waqtigeedii si xor xalaal iyo nabad ahna u dhacdo. III. Xaaladda Komishanka Doorashooyinka Qaranka (NEC) Waxa muuqata in walaac ka jiro arrimaha Komishanka ku gedaaman oo ay ka mid yihiin in ay: Abuuranto kalsooni in Komishanku leeyahay karti iyo xirfaddii ay ku hoggaamin lahaayeen hawsha baaxadda leh iyo culayska siyaasadeed ee saaran si ay uga midho-dhaliyaan Doorashada Madaxtooyada Somaliland Muujiyaan dhexdhexaadnimo waxqabad iyo go’aan qaadasho ahba. Hadhi la’dahay eedo si baahsan u fiday oo la xidhiidha in ay liidato xisaabtankooda (accountability) maaliyadeed iyo maamulba. Aqoonyahanka Madaxabanaani laba goor oo hore ayay talooyin ka soo jeediyeen xaalka Komishanka oo ka mid ah taxanaha dareemada doorashooyinka Somaliland. Labada goor ee horeba, marka la tixgeliyo cidhiidhiga waqtiga iyo siday u adag tahay in heshiis sulux ah xibiyada siyaasiga ahi ka gaadhaan, waxaannu soo jeedinney in fiiro gaar ah la siiyo sidii taageero xoojineed loogu huri lahaa Komishanka, halkii la beddeli lahaa xubnahooda. Maanta, in xubnihii wax laga beddelo ayaa arrini maraysa kana soo hormartay wax kastoo kale oo la samayn lahaa. Waqtigan haddaynu qaadanno wax ka beddelka xubnaha, waxaannu u aragnaa in ay inoo furan yihiin labada abbaarood ee kala ah: a) in la dabbaqo shuruucda jirta; b) in mid xeer-jajab ah la raaco. 1. Xalka Kowaad: In sharciga la raaco In la adeegsado Qodobka 13aad ee Xeerka Doorashada Lambar 20/2001 ee sheegaya: “Marka la tuhmo in arrimaha kor ku xusani dhaceen, Madaxweynuhu wuxuu magacaabayaa guddi baadhiseed ka soo warbixiya arrimaha si uu go’aan uga gaadho”. Kooxda aqoonyahanku waxay taageersan yihiin in guddi la magacaabo, hase yeeshee waxay si adag u dalbayaan in xubnaha guddigu ka kooban yahay aad looga fekero, hawsha ay qabanayaan iyo awooddoodana la qeexo, ayna ka mid noqon karaan in ay ka warbixiyaan Heerka iyo kartida xubnaha Komishanku u leeyihiin maaraynta hawlaha culus ee dhinacyada saadka iyo maamulka ee looga baahan yahay doorashooyinka. Eedaha maarayn-xumida maaliyadda iyo habraac la’aanta hawlaha ha’yadda. Haya’dnimada iyo isku xidhnaanta Komishankan si ay karti ugu yeshaan in ay dhexdhexaadnimo ku hawlgalaan kuna fulin karaan masuuliyadda saaran ee tirinta, habaynta iyo ku dhawaaqidda natiijada doorashada. waayo-aragnimadeenna: Waxaa muhiim ah in Guddiga loo dejiyo hawl-qabad muddaysan oo ay ku shaqeeyaan iyagoo xilkooda u gudanya sida loogu diray Marka guddigu keeno talooyinkooda, waxaa muhiim ah in loo bandhigo 3da xisbi siyaasi iyo 2da Aqal ee baarlamaanka; waana in looga wada xaajoodaa hab sulux ah, la islana oggolaadaa, in wakhti xaddidan lagu magacaabo xubnihii beddelaad ah; waa in la isla gartaa sidii looga bixi lahaa hadday caqabad noqoto in qolana caga jiid la timaaddo. 2. Xalka Labaad: Habka Xeer-jajabka Habkan abbaartiisa, afar siyood ayaa suurtogal ah in lagala soo baxo doodohii xisbiyada siyaasiga ah ee la xidhiidhey wax ka beddelka Komishanka oon rasmi ahayn, balse si filiqsan ugu soo baxay saxaafadda, (Waa scenarios) In la Beddelo dhammaan 7da xubnood lana magacaabo Komishan cusub. Kooxdayadu waxay u arkaan in fekraddani aanay ahayn mid si hawlyar u midho dali karta wakhtigan haddaynu wax ka baranayno waayo-aragnimadeenii. In tirada Komishanka laga dhigo 11 xubnood. Hadday ay kordhintu cod siinayso kooxihii bulsghada ee markii hore tirsanayey in ay ka maqanyihiin Komishanka sida haweenka iyo dadka la isisr soocaba, waa arrin horeba loo soo qaaday loona hawlgeli karo. Haddayse jidkii hore uun marayso, wax tayo ah u soo kordhin mayso geedi socodka dimiuqraadiyadda. Sidii ay noqotaba, kolleyba Fekraddan socodsiinteedu waxay u baahan tahay in wax laga beddelo sharciga xaddidaya tirada Komishanka (Qodobka 11-1 ee Xeerka Doorashada). Sidaa darted Kooxdan aqoonyahanka, waxay la tahay in fikraddani aanay ahayn mid lagu dhaqmi karo hadda iyadoo maanka lagu hayo wakhtiga aan haysanno oo gaaban iyo baaxadda caqabadaha ka hor iman kara in la isku dayo sharci beddel. Dhar fikradood oo kale ayaa iyana madasha yaal, oo keeni kara kala doorasho Komishan, marba la eegaya isku-jirka xubnaha hore iyo kuwa cusub, oo ku xidhan marba tirade la beddelo, sida: (5 kuwii hore + 2 cusub); (4 kuwii hore + 3 cusub); (3 kuwii hore+ 4 cusub). Kooxda aqoonyahanku waxay u arkaan in (3 hore+ 4 cusub) ay ugu macquulsan tahay marka la tixgelyo fikradaha kor ku xusan. Si fekraddan loo xaqiijiyan waxay xidhantahay lagu dadaalo sidii wada xaajood iyo isafgarad sulux ku jiro ay ay wada yeeshaan daneeyeyaasha muhiimka ahi oo afar kuwii hore ah la beddelo, laguna soo beddelo afar cusub. Rajadu waxay tahay in la gaadho hab lagu hagaajin karo tayada Komishanka. Fekraddan marka la qaato, xubnaha cusub waxaa laga rajayn karaa in karti hal-abuur lihi ka soo baxdo, taas oo isbeddel macno leh ku keenta Komishanku siduu u hawlgelayo. Gunaanad Haddaba, hadday noqoto in la kala doorto Xalka Koowaad iyo Xalka Labaad, Kooxda Aqoon yahanku waxay weli rumaysan yihiin soona jeedinayaan fekradda ah in la raaco habka sharciga ee ku xusan Xalka Koowaad: taas waxay suuro gelinaysaa in la kala shaandheeyo kartida iyo hufnaanta xubnaha maanta jooga, iyadoo la raacayo talada Guddidii la saaray. Waxa si hawlyar markaa loo beddeli karaa afar ka mid ah xubnihii hore, waxaana wada tashi lagu soo dooran doonaa xubnaha cusub oo ku soo uruuri kara (3 hore+ 4 cusub). Waxa markaa ka dhalan kara natijo labadii nooc ee xalkaa ahaa kulmisa: tii sharciga iyo tii xeer-jajabkaba oo markaa si fiican u hirgeli karta. Xubnah cusub waa in lagu xusho xirfad shaqo kala geddisan astaamo sumcad wanaag iyo karti hawl-fulineed. Xubnaha cusub waxaa ka mid noqon kara khubaro aqoon maarayneed heer sare ah leh, garyqaanno sare, aqoonyahanno baanka iyo maaliyadda maarayn yaqaan. Hufnaanta xubnaha cusub waa in la hubiyo lana sugo. Ilaa inta la soo magacaabayo xubnaha cusub Baarlamaankuna ansixinayo, Komishankii hore ayaa hawshooda sii wadaya. Kooxdan Aqoonyahank ahi waxay si xishmad leh u xusuusinaysaa Saddexda Xisbi Qaran, in wakhitigii loogu talagalay in doorashada madaxtooyada Somaliland qabsoonto ay ka hadhay saddex bilood oo keliya. Wax kale oo ay xusuusinaysaa in ay shaxdii hawgalku ay weli buuxdo oo aan hawlihii la qorsheeyey weli fari ka qodnayn: tusaale ahaan, waa in waraaqihii codbixinta iyo agabkii kale ee maalinta doorashda la soo iibiyaa, waa in shaqaalihii ka hawl geli lahaa gobolada iyo degmooyinka la qoraa, waa in wacyi gelintii bulshada la hirgeliyaa; iyo in kale oo badan. Xil cuclus baa idin saran ee ilaahay ha idinla qabto, idinkuna isu tanaasula, isuna tudha, idinkoo dadkana u tudhaaya”. Kulankan ayaa noqnaya kulankii sadexaad ee ay qabtaan kaas oo ay kaga hadlayaan sidii khilaafaadka jira loo soo afjari lahaa iyo sidii ay doorasho nabdooni inoogu dhici lahayd. |