|
Home | Contact Us | Links | Archives |
| ISSUE 2076 | June 26, 2009 Rajab 3,1430H | |
|
Madaxweyne Obama Oo Socdaalkiisii U Horeeyay Ku Tegay Qaaradda Yurub Xukuumadda Madaxweyne Rayaale Iyo Tirada 29 Ma Faal Baa U Qabtay Koox Suxufiyiin Ah Oo Dhamaystay Tababar Aqooneed Ku Saabsan Xalinta Khilaafaadka Iyo Nabada Sirdoonka Iyo Habka Uu U Shaqeeyo
Safarkaygii Somaliland Iyo Wixii Aan Ku Soo Arkay 2008-2009 Dhalinyaradu Marnaba Ma Ogola Odayaal Korkooda Ku Legdama, Lumiyana Mustaqbalkooda Dawladdu Xayaysiiska Caano Boodhaha Iyo Maraq Digaaga Ha iska Dayso Wadooyin Ay Iska Kaashadeen Dawladda Hoose Iyo Dadka Ku Nool Degmada 26 June Oo Wasiirka Daakhiligu Xadhiga Ka Jooyey Roobabkii Xilliga Guga Oo Ka Curtay Somaliland Wakiiladda Oo Cod Aqlabiyad Ah Ku Ansixiyey Miisaaniyadda 2009, Laba Bilood Oo Fasax Ahna Galay
|
Masuuliyiinta Waxbarashada Oo Sheegay Inay Nabadgelyo Uu Ku Dhamaadeen Imtixaanadii Dugsiyadu Boorama, June 26, 2009 (Haatuf) – Masuuliyiinta sarsare ee wasaaradda waxbarashada ayaa shaaca ka qaaday inay si nabadgalyo ah ku dhammaadeen imtixaanadii laga qaadayey ardayda Dugsiyada sare iyo kuwa dhexe ee Gobolka Awdal, isla markaana imtixaanada sannad dugsiyeedka waxrashada 2008-2009 uu ahaa kii ugu dhibtaatada yaraa ee soo maray taariikhda waxbarashada Somaliland. Ibraahim Aamin oo ah Agaasimaha maamulka ee wasaaradda waxbarashada oo shalay warbaahinta la hadlayey ayaa sidoo kale sheegay in guud ahaanba nidaamkii loogu talo galay qaadista imtixaanadaasi uu sanadkani ka wanaagsanaa kuwii hore. Agaasimaha waxbarashada oo arrimahaasi imtixaanaadka ka warramayaana waxa uu yidhi ''Waxaan guud ahaanba hambalyo u soo jeedinayaa cid kasta oo ka qayb qaadatay suurtagelisayna inay imtixaanaadkii sanadkani ku dhamaadeen sidii loogu talo galay, kuwaas oo kala ah kormeerayaasha, ilaaliyayaasha, Ciidamada amniga, ardaydii u diyaar garwday imtixaanadaasi iyo waalidiintii ubadkooda ku dhiirrigeliyey inay imtixaanadaasi ka qaybgalaan. Sanadkan guud ahaanba waxa gobolka imtixaanada loogu talo galay, inay ka qayb qaataan 19 dugsi oo kala ah 3 dugsi sare iyo 16 dugsi oo ah kuwa dhexe, ardaydooduna dhantahay 1362 arday oo 427 yihiin ardayda dusgiyada sare, halka 935 ardayna ahaayeen kuwa dhexe. Dugsiga sare ee Sheekh Cali jawhar ayaanu isugu geynay saddex dugsi sare oo kala ah Ubaya, Al Aqsa, halka 935 arday ee dugsiyada dhexe aanu u kala qaybinay laba qaybood oo kala ah 5 goobood oo Boorama ah iyo shan goobood oo debedda ka ah Boorama laguna kala qaadayey magaalooyinka qulujeed, Baki, Garbo dadar, Lughaya iyo Dila Imtixaanada dugsiyada sare waxay u kala galeen laba qaybood oo kala ah Subject-yada Arts-ka oo ay qaateen 145, halka maadooyinka Sayniska ahna ay qaateen 228 arday. Imtixaanadaasi fulintooda waxa ka hawlgalay 10 hoggaamiye goobeed, laba ku xigeeno u ah, 58 macallin oo ilaaliyeyaal ahaa iyo 37 askari oo amniga goobaha sugayey. Guddoonka waxbarashada Awdal iyo kormeerayaal ka kala socday xarunta dhexe ee wasaaradda iyo kuwa ajnebi ah ayaa iyaguna dusha kala socday Imtixaanka. Maanta (shalay) arrimahaasi waxay ku dhamaadeen guul, waayo 99% way fuleen Waxa nasoo martay wakhtiyo imtixaanadan oo kale ay naga qabsadeen qalalaase dhimasho keenay iyo marmar aan Boorama kala baxsanno oo aanu Camuud ku qaadnay, maantase waan ka baxnay waxaasi oo dhan, waxaana mahadooda iska leh intii daacadda ka ahayd inay mustaqbalka dalka iyo mustaqbalka ubadkooda u tudhaysay '' Dhinaca kale Guddoomiyaha waxbarashada Gobolka Awdal Daahir Maxamuud Xaddi ayaa raalligelin ka bixiyey fal lagula kacay macallin ka tirsan kormeerayaashii imtixaanadaasi Dugsiyada sare ee lagu qaadayey Dugsiga sare ee Sheekh Cali Jawhar. Falkaasi oo sida uu sheegay Guddoomiyaha waxbarashadu ku tilmaamay mid fuleynimo ah gacantana ay ula tegeen waxa uu ku tilmaamay kooxo saaqidiin ahi, kana baqayey imtixaanka, kuwaas oo gacan saarey Macallin la yidhaahdo Shiil. Guddoomiyaha waxbarashada Awdal oo arrintaas ka hadlayaana waxa uu yidhi" waxaan aad uga xunnahay kana tacsiyeynaynaa guud ahaanba macallimiintii, korkmeerkii iyo hawlwadeenadii wasaaradda waxbarashadu u soo dirtay ilaalinta iyo meelmarinta qaadista imtixaankii dusgiyada sare iyo dhexe ee Somaliland, oo maanta (shalay) ka dhamaaday waxaan ummada ka raalligelinaynaa falkii ay koox ka baqaysey gelista imtixaanadaasi oo qish ku dagaalamaysay kula kaceen macallin la yidhaa Shiil, kaas oo dhaawac fudud lagu soo gaadhsiiyey shaqadiisii. Kooxdaasi oo toddoba ahayd markiiba tallaabo wadajir ah ayaanu ka qaadnay xabsiga Bilayska ayaanu ku xidhnay tan iyo intii lagu sii daynayey damaanad waalidiintoodii laga qaaday inaanay mar kale ku laaban doonin falalkaasi. Waxaan aaminsanahay in meel hawli ka socoto wax kastaa dhici karaan, haddii runta la sheegi waayana wax ka xun la sheegi karo, ragga falkaasi ku kacay kolley may ahayn keligood ee cid baa ku jirtay cadaawad beeleed iyo mid siyaasadeed ayaan filayaa inay ka dambeeyeen kamana hadhayno, sidaa darteed cid kasta oo ka xumaatey falkaasi waan ka raalligelinaynaa tallaabadii waajibka nagu ahaydna waanu ka qaadaynaa haddii ay soo noqoto '. |