Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

ISSUE 2076 June 26, 2009                  Rajab 3,1430H

Boqolaal Tahriibayaal Ah Oo Ku Qaraqmay Xeebaha Liibiya Iyo Dareenka Cabsida Leh Ee Dhalinyarada Reer Somaliland Ee Ku Qulqulaya Dalalka Waqooyiga Afrika

Kulmiye oo cadeeyey mawqifkiisa ku aadan muddo kordhinta ay Guurtidu u samaysay Madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa

Madaxweyne Obama Oo Socdaalkiisii U Horeeyay Ku Tegay Qaaradda Yurub

Xukuumadda Madaxweyne Rayaale Iyo Tirada 29 Ma Faal Baa U Qabtay

Koox Suxufiyiin Ah Oo Dhamaystay Tababar Aqooneed  Ku Saabsan  Xalinta Khilaafaadka Iyo Nabada  

Sirdoonka Iyo Habka Uu U Shaqeeyo

 

Safarkaygii Somaliland Iyo Wixii Aan Ku Soo Arkay 2008-2009

Dhalinyaradu Marnaba Ma Ogola Odayaal Korkooda Ku Legdama, Lumiyana Mustaqbalkooda

Dawladdu Xayaysiiska Caano Boodhaha Iyo Maraq Digaaga Ha iska Dayso

Wadooyin Ay Iska Kaashadeen Dawladda Hoose Iyo Dadka Ku Nool Degmada 26 June Oo Wasiirka Daakhiligu Xadhiga Ka Jooyey

Roobabkii Xilliga Guga Oo Ka Curtay Somaliland

Wakiiladda Oo Cod Aqlabiyad Ah Ku Ansixiyey Miisaaniyadda 2009, Laba Bilood Oo Fasax Ahna Galay

 

Gudoomiyaha Gobolka Awdal Oo Magaalada Aw Barre Ee Itoobiya U Kexeeyay Tahriibayaashii Dhawaan Laga Soo Qab-Qabtay Xeebaha Galbeed

Boorama June 26, 2009 (Haatuf)-Guddoomiyaha Gobolka Awdal ayaa la sheegay inuu shalay magaalada Aw Barre ee dalka Itoobiya u qaaday ku dhawaad sideetan ka mid ah tahriibayaal u dhashay dalka Itoobiya oo dhawaanta ciidamada qaranka Somaliland kas oo qabqabteen xeebaha galbeed ee dalka kuwaas oo in muddo ahba ku xidhnaa xabsiga dhexe ee magaalada Boorama.

Inkasta oo aanu badhsaabku shaac ka qaadin sababta uu u tegey magaalada Aw Barre, balse warar ku dhawdhaw xafiiska maamulka gobolka ayaa sheegay in socdaalka badhasaabku la xidhiidho wadahadalo dhawaan wafti ka socday dalka itoobiya arrimaha tahriibayaashaasi kala yeesheen guddoomiyaha gobolka, kadibna madaxda Itoobiya ee ka timi aw Barre la tusay taahriibayaashaasi kadibna labada maamul isku afgarteen in loo soo celiyo dalkii ay ka tegeen.

Arrinta tahriibayaashan ku jiray xabsiga dhexe ee Boorama ayaa waxa beryahanba cabasho ka muujinayey maamulayaasha xabsiga Boorama oo ka cawday inaanay maxaabistaasi tahriibayaasha u haynin adeegyo ku filan, sidaa darteedna ay codsadeen in laguxidho meel kale, ama la iskaga celiyo dalkoodii.