|
Home | Contact Us | Links | Archives |
| ISSUE 2076 | June 26, 2009 Rajab 3,1430H | |
|
Madaxweyne Obama Oo Socdaalkiisii U Horeeyay Ku Tegay Qaaradda Yurub Xukuumadda Madaxweyne Rayaale Iyo Tirada 29 Ma Faal Baa U Qabtay Koox Suxufiyiin Ah Oo Dhamaystay Tababar Aqooneed Ku Saabsan Xalinta Khilaafaadka Iyo Nabada Sirdoonka Iyo Habka Uu U Shaqeeyo
Safarkaygii Somaliland Iyo Wixii Aan Ku Soo Arkay 2008-2009 Dhalinyaradu Marnaba Ma Ogola Odayaal Korkooda Ku Legdama, Lumiyana Mustaqbalkooda Dawladdu Xayaysiiska Caano Boodhaha Iyo Maraq Digaaga Ha iska Dayso Wadooyin Ay Iska Kaashadeen Dawladda Hoose Iyo Dadka Ku Nool Degmada 26 June Oo Wasiirka Daakhiligu Xadhiga Ka Jooyey Roobabkii Xilliga Guga Oo Ka Curtay Somaliland Wakiiladda Oo Cod Aqlabiyad Ah Ku Ansixiyey Miisaaniyadda 2009, Laba Bilood Oo Fasax Ahna Galay
|
Aqoon Isweydaarsi Ku Saabsan Isku Xidhka Iyo Wada Shaqaynta Ururada Waxbarashada Dadban Oo Boorame Ka Furmay Boorama June 26, 2009 (Haatuf) – Shir-hawleed ku sabsan habka wada shaqyanta iyo isku xidhka ururada ama xarumaha waxbarashada dadban ee gobolka Awdal ayaa shalay ka bilowday Boorama, kaas oo socon doona mudo laba maalmood ah. Kulankan oo ay ka soo qaybgaleen maamulayaasha xarumaha waxbarashada dadban sida dugsiyada gaarka ah, machadyada, iyo xarumaha xirfad barashada ee ka furan Boorama Madaxa Kormeerka wasaarada waxbarashda ee gobolka Awdal Maxamed Daahir Bule oo aqoon isweydaarsigan furay ayaa sheegay in nidaaamka waxbarashada Somaliland ku salaysan yahay siyaasad cad oo ku saabsan inay yeeshaan meel keliya iyo ujeeddo keliya, sidaa darteedna aqoon isweydaarsigani yahay kii ugu horeeyey ee la iskugu keenayey xarumaha waxbarashada kala duwan ku yaal guud ahaanba Gobolka si loo helo meel keliya oo laga hago waxbarashada dadban. Kormeere Bulle ayaa sidoo kale sheegay in kala daadsanaanta laamaha waxbarashada dadbani marmarka qaarkood keento dhibaatooyin la xidhiidha dhinaca waxbarashada iyo amniga, maadaama cid kastaba meel aan la garanayn waxa lagu barto ay iska furatayna la gaadha akhtigii la mideyn lahaa si anay waxbarashada qaarkeed u noqon mid waxyeelo ku ah dadweynaha, wasaaradda waxbarashd8una dusha kala socoto. Kulankan oo uu isku soo dubbariday ururka waddaniga ah ee loo yaqaan AYODA, ayaa sidoo kale waxa ka hadlay madaxa ururkaasi Idiris faarax Muuse, isagoo masuulka ururka AYODA ka hadlay baahida keentay in wakhtigan la tabo waxbarashada dadban iyo sidii loo midayn lahaa, isagoo idiris Faarax Muuse sheegay in tababarkan oo ah kii u horeeyey oo noociisa ah ujeedadiisa ugu weyni tahay waxyaalaha lagu baranayo xarumaha gaarka ah yihiin kuwo manaafacaad u leh dadweynaha iyo dhallinyarada, iyo in kor loo qaado taageerana la siiyo nidaamka waxbaridda, tababarada macallimiinta iyo waayo aragnimada laga dhaxlay laamaha hoos yimaadda wasaaradda waxbarashada Somaliland. Kulanka ayaa waxa ka qaybgalay maamulayaasha xarumaha waxbarashada dadban oo isugu jira kuwa farsamo iyo kuwa maaddooyinka kale dhiga, ayaa waxay tiradoodu gaadhaysay ilaa 35 xubnood, kuwaas oo ay ku jiraan ururada ku hawlan dhinacyada waxbarashada dawlada iyo tan gaarka ah. |