Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

ISSUE 2077 June 28, 2009                  Rajab 5,1430H

Boqolaal Tahriibayaal Ah Oo Ku Qaraqmay Xeebaha Liibiya Iyo Dareenka Cabsida Leh Ee Dhalinyarada Reer Somaliland Ee Ku Qulqulaya Dalalka Waqooyiga Afrika

Kulmiye oo cadeeyey mawqifkiisa ku aadan muddo kordhinta ay Guurtidu u samaysay Madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa

Madaxweyne Obama Oo Socdaalkiisii U Horeeyay Ku Tegay Qaaradda Yurub

Xukuumadda Madaxweyne Rayaale Iyo Tirada 29 Ma Faal Baa U Qabtay

Koox Suxufiyiin Ah Oo Dhamaystay Tababar Aqooneed  Ku Saabsan  Xalinta Khilaafaadka Iyo Nabada  

Sirdoonka Iyo Habka Uu U Shaqeeyo

 

Safarkaygii Somaliland Iyo Wixii Aan Ku Soo Arkay 2008-2009

Dhalinyaradu Marnaba Ma Ogola Odayaal Korkooda Ku Legdama, Lumiyana Mustaqbalkooda

Dawladdu Xayaysiiska Caano Boodhaha Iyo Maraq Digaaga Ha iska Dayso

Wadooyin Ay Iska Kaashadeen Dawladda Hoose Iyo Dadka Ku Nool Degmada 26 June Oo Wasiirka Daakhiligu Xadhiga Ka Jooyey

Roobabkii Xilliga Guga Oo Ka Curtay Somaliland

Wakiiladda Oo Cod Aqlabiyad Ah Ku Ansixiyey Miisaaniyadda 2009, Laba Bilood Oo Fasax Ahna Galay

 

“Haddii Xooggaga Mucaaridku Ay La Wareegaan Talada, Waxa Hubaal Ah Inay Taasi Horseedi Doonto Duulaan Ay Caalamku Ku Qaadaan Somalia”

 Madaxweyne Djibouti Ismaaciil Cumar Geelle

Djbuuti, June 28, 2009 (Haatuf) - Madaxweynaha Jamhuuriyada Jabuuti Ismaciil Cumar Geelle ayaa walaac aad u weyn ka muujiyey xaalada ka sii daraysa ee dalka Somalia, isaga oo sheegay in haddii xoogaga mucaaridku ay la wareegaan awoodda dalka Somalia ay dalkaas gayeysiin doonaan meel ay adkaan doonto in dib looga soo celiyo, isla markaana ay taasi horseedi  doonto in caalamku uu ku soo ku soo duulo.

Madaxweyne Geelle isaga oo ka hadlayey sanad guuradii  32aad ee  ka soo wareegtay markii dalka  DJabuuti uu madax banaanidiisa ka qaatay isticmaarkii Faransiiska oo ku beegnayd shalay oo taariikhdu ahayd 27-ka June ayaa waxa madaxweyne Geelle uu intaas ku darey in nabad ka aslaaxda dalka Somalia ay carqalad ku yihiin xoogaga shisheeye ee ku soo duulay, kuwaas oo uu ku sheegay inay yihiin kuwo  aan tegi karin dalalkoodii.

“Somalia waxaa iska leh dad Islaam ah, Islaamkuna ajnebi ma kala laha waa run, laakiin dawladdaha Islaamka maanta wax iskuguma jiraan  oo waa kala qaybsan yihiin, dadka hadaladaas ku hadlayaa waa dad dano gaar ah leh, oo shacabka Soomaaliyeed aan la doonayn nabad iyo Dawladnimo, haddii ay Somalia qabsadaana adduunka oo dhan ayaa ku soo duuli doona meel aan laga soo celin karin ayay gaadhsiin doonaan oo khatar ah” ayuu yidhi madaxweyne Geelle oo tusaale u soo qaatay dhibaatooyinka ay dalalka Afghanistaan iyo Ciraaq ka wadaan waxa uu ugu yeedhay kooxaha xagjirka ahi.
Geelle ayaa dhinaca kale ku eedeeyey dawladda Eritrea inay qas iyo Fawdo aad u balaadhan ka wado guud ahaan gobolka Geeska Afrika,  gaar ahaan dalka Somalia,  iyada oo hub iyo saanad milateriba ku taageerta ayuu yidhi qaar ka mid ah kooxaha qaska iyo dagaalada ka wada dalka Somalia, waxaanu  ugu baaqay beesha caalamka in meel looga soo wada jeesto, talaabo adagna laga qaado dawladda Eritrea.