Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

ISSUE 2077 June 28, 2009                  Rajab 5,1430H

Boqolaal Tahriibayaal Ah Oo Ku Qaraqmay Xeebaha Liibiya Iyo Dareenka Cabsida Leh Ee Dhalinyarada Reer Somaliland Ee Ku Qulqulaya Dalalka Waqooyiga Afrika

Kulmiye oo cadeeyey mawqifkiisa ku aadan muddo kordhinta ay Guurtidu u samaysay Madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa

Madaxweyne Obama Oo Socdaalkiisii U Horeeyay Ku Tegay Qaaradda Yurub

Xukuumadda Madaxweyne Rayaale Iyo Tirada 29 Ma Faal Baa U Qabtay

Koox Suxufiyiin Ah Oo Dhamaystay Tababar Aqooneed  Ku Saabsan  Xalinta Khilaafaadka Iyo Nabada  

Sirdoonka Iyo Habka Uu U Shaqeeyo

 

Safarkaygii Somaliland Iyo Wixii Aan Ku Soo Arkay 2008-2009

Dhalinyaradu Marnaba Ma Ogola Odayaal Korkooda Ku Legdama, Lumiyana Mustaqbalkooda

Dawladdu Xayaysiiska Caano Boodhaha Iyo Maraq Digaaga Ha iska Dayso

Wadooyin Ay Iska Kaashadeen Dawladda Hoose Iyo Dadka Ku Nool Degmada 26 June Oo Wasiirka Daakhiligu Xadhiga Ka Jooyey

Roobabkii Xilliga Guga Oo Ka Curtay Somaliland

Wakiiladda Oo Cod Aqlabiyad Ah Ku Ansixiyey Miisaaniyadda 2009, Laba Bilood Oo Fasax Ahna Galay

 

Mudanayaashii  Muddo Kordhinta Madaxweyne Rayaale U Codeeyey Oo Beeniyey Inuu Jiro Haasaase Mar Kale Ay  Muddada Ku Kordhinayaan

Anigu Ma Ogi  Nin Ay Calooshiisa Ku Jirto Xukuumada Maanta Muddo Ha Loo Kordhiyo, Cida Arinkaas Sheegtayna Waa Jeebkeeda”Md;Muxumed Aw Axmed

“Cida Leh Komishanka Ha La Beddelo Ayaa Muddo Kordhinta  Wadda”Md:Dheeg Maamed Yaasiin

Hargeysa, June 28,2009 (Haatuf)-Md:Muxumed Aw Axmed Xaaji Aadan iyo Md:Dheeg Maxamed Yaasiin oo ka mid ahaa mudanayaasha muxaafidka ee golaha Guurtida, isla markaana ka mid ahaa mudaneyaashii taageeray go’aankii muddo kordhinta madaxweyne Rayaale iyo madaxweyne ku xigeenka Axmed Yuusuf Yaasiin ayaa ka gaabsaday inay cadeeyaan mawqifka ay iska taagi doonaan haddii doorashada madaxtooyadu ay dib uga dhacdo 27 ka September,2009, balse waxay si guud mar ah u beeniyeen in wax muddo kordhin ku saabsan ay ka  wada hadleen.

Waxaanay sidaasi ku shegeen mar uu shalay wargeyska Haatuf si gooni gooniya wax uga weydiiyey arrimo ku saabsan muddada gabaabsiga ah ee ay Guurtidu u kordhisay Madaxweyne Rayaale si uu doorasho dalka uga qabto.

Ugu horeyn Md:Muxumed Aw Axmed Xaaji Aadan oo  ah hogaamiyaha mudanayaasha muxaafidka ee Guurtida  oo arrimahaasi ka hadlaya ayaa waxa uu yidhi “ cid muddo kordhin ka wada hadashey iyo meel aanu kaga wada tashanay  muddo kordhin la sameeyaa haba yaraatee ma jirto, waxaanse leeyahay shakiga iyo walaa-hawga ha layska daayo oo haloo hawlgalo doorashada”

Mar la weydiiyey in maalmahan mudanayaasha muxaafadku shirar aad yeelateen aad kaga wada hadasheen muddada gabaabsiga ah ee ka hadhay doorashadii madaxtooyada islamarkaana isla qaadateen in muddo kordhini lama huraan tahay arimahaa maxaa ka jira?

J:ninka sidaa ku hadaaqayaa isaga jeebkiisa weeyi, anigu ma xusuusni nin calooshiisa ay ku jirto maanta muddo ha loo kordhiyo xukuumada, anigu ma ogi waxaanse leeyahay yaan laysku kalifin ajande aan maanta oolin.

Md:Dheeg Maxamed Yaasiin ayaa isna waxa uu yidhi “ Asalkaba muddada waxa kordhinaya cida marka wakhtigu soo dhawaado muranka bilaabaysa, cida leh komishanka ha la beddelo kuma kalsoonine, sheekooyinka noocaas ah ayaa u eeg muddo kordhin, hadday qabsoomi weydo illaahay baa og, waxa la yeeli doono, waxaanse leeyahay waa in doorasho qabsoonto.