Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

ISSUE 2077 June 28, 2009                  Rajab 5,1430H

Boqolaal Tahriibayaal Ah Oo Ku Qaraqmay Xeebaha Liibiya Iyo Dareenka Cabsida Leh Ee Dhalinyarada Reer Somaliland Ee Ku Qulqulaya Dalalka Waqooyiga Afrika

Kulmiye oo cadeeyey mawqifkiisa ku aadan muddo kordhinta ay Guurtidu u samaysay Madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa

Madaxweyne Obama Oo Socdaalkiisii U Horeeyay Ku Tegay Qaaradda Yurub

Xukuumadda Madaxweyne Rayaale Iyo Tirada 29 Ma Faal Baa U Qabtay

Koox Suxufiyiin Ah Oo Dhamaystay Tababar Aqooneed  Ku Saabsan  Xalinta Khilaafaadka Iyo Nabada  

Sirdoonka Iyo Habka Uu U Shaqeeyo

 

Safarkaygii Somaliland Iyo Wixii Aan Ku Soo Arkay 2008-2009

Dhalinyaradu Marnaba Ma Ogola Odayaal Korkooda Ku Legdama, Lumiyana Mustaqbalkooda

Dawladdu Xayaysiiska Caano Boodhaha Iyo Maraq Digaaga Ha iska Dayso

Wadooyin Ay Iska Kaashadeen Dawladda Hoose Iyo Dadka Ku Nool Degmada 26 June Oo Wasiirka Daakhiligu Xadhiga Ka Jooyey

Roobabkii Xilliga Guga Oo Ka Curtay Somaliland

Wakiiladda Oo Cod Aqlabiyad Ah Ku Ansixiyey Miisaaniyadda 2009, Laba Bilood Oo Fasax Ahna Galay

 

Heerkulka Berbera Oo Gaadhay Halkii Ugu Sarreysay Iyo Saameynta Dadweynaha Danyarta Ah Ee Tahli Waayey Inay Ka Baxaan 

Berbera, june, 28, 2009, ( Haatuf ) – Heerkulka xagaaga ee Magaalada Berbera ayaa Gaadhay shalay halkii ugu Sareysay, kaas oo la sheegay inaan kulaylkan oo kale hore loo arag xilligan, kaas oo la sheegay inuu Gaadhay 42C grade qiyaasta lagu cabiro heerkulka.

Magaalada xeebta ah ee Berbera  ayaa la sheegay inay  dadweyne o badani ay xilligan ka xagaa baxeen magaalada, markii ay xejin waayeen kulaylka xad dhaafka ah ee sanadkan ka dhacaya xeebta Berbera, waxaana magaalada ku soo hadhay kaliya dadka danyarta ah ee aan iyagu ka bixi Karin amaba aan haysan awood ay kaga baxaan, kuwaas oo uu kulaylkani aad u saameeyey, iyada oo aanay dadkaasi heli Karin marawaxadaha ku shaqeeya awoodda korontada ee layskaga difaaco  kulaylka.

Dadweynaha dan yarta ah ee ku dhaqan Magaalada Berbera ayaa sida wararku sheegayaan la tacaalaya kulaylka xagaaga iyagoo aan haysan qalabka qaboojiyeyaasha iyo koronto midna.
“Todobaadyadan u dambeeyay waxa jira kulayl xad dhaaf ah oo aan weligeed aanaan arag, laakiin waxaan sameeyaa Guriga aan degan nahay oo ah Buul Soomaali ayaan biyo ugu rusheeyaa carruurtayda oo inta badan maalintii oo dhan ooyaya kulaylka dartiis,”sidaas waxa tidhi Saynab Maxamed Ciise, oo ka mid ah dadka danyarta ah ee awood dhaqaale u waayey inay ka baxaan magaalada Berbera oo  u warameysay warbaahinta iyada oo joogta Berbera.