Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

ISSUE 2077 June 28, 2009                  Rajab 5,1430H

Boqolaal Tahriibayaal Ah Oo Ku Qaraqmay Xeebaha Liibiya Iyo Dareenka Cabsida Leh Ee Dhalinyarada Reer Somaliland Ee Ku Qulqulaya Dalalka Waqooyiga Afrika

Kulmiye oo cadeeyey mawqifkiisa ku aadan muddo kordhinta ay Guurtidu u samaysay Madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa

Madaxweyne Obama Oo Socdaalkiisii U Horeeyay Ku Tegay Qaaradda Yurub

Xukuumadda Madaxweyne Rayaale Iyo Tirada 29 Ma Faal Baa U Qabtay

Koox Suxufiyiin Ah Oo Dhamaystay Tababar Aqooneed  Ku Saabsan  Xalinta Khilaafaadka Iyo Nabada  

Sirdoonka Iyo Habka Uu U Shaqeeyo

 

Safarkaygii Somaliland Iyo Wixii Aan Ku Soo Arkay 2008-2009

Dhalinyaradu Marnaba Ma Ogola Odayaal Korkooda Ku Legdama, Lumiyana Mustaqbalkooda

Dawladdu Xayaysiiska Caano Boodhaha Iyo Maraq Digaaga Ha iska Dayso

Wadooyin Ay Iska Kaashadeen Dawladda Hoose Iyo Dadka Ku Nool Degmada 26 June Oo Wasiirka Daakhiligu Xadhiga Ka Jooyey

Roobabkii Xilliga Guga Oo Ka Curtay Somaliland

Wakiiladda Oo Cod Aqlabiyad Ah Ku Ansixiyey Miisaaniyadda 2009, Laba Bilood Oo Fasax Ahna Galay

 

Haweenay Muslim Ah Oo Maamulka  Maraykanku  U Magacaabay Ergeyga Xidhiidhka Dunida Islaamka

Washington June 28, 2009  W.Wararka)-Dawladda Maraykanka ayaa ergay gaar ah markii ugu horeysay u magacawday dalalka Islaamka, kaas oo loo magacaabay Haweenay lagu magacaabo Farah Pandith.
Haweenaydan uu maamulka Maraykanku u magacaabay xidhiidhka dalalka Muslinka oo magaceeda la yidhaa  Farah Pandith ayaa la sheegay inay tahay haweenay Muslimad ah, taas oo hore u ahaan jirtay sarkaal sare oo ka tirsan Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee dalkaasi Maraykanka, waxaanay haweenaydani u dhalatay oo ay asal ahaan ka soo jeedaa gobolka Kashmiir ee dalka Hindiya gacanta ku hayso.
Haweenaydan ayaa hore u ahaan jirtay diblamaasiyad Maraykan ah oo ka soo shaqaysay  qaaradaha Yurub iyo Aasiya.
Qoraal loo gudbiyey shaqaalaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Maraykanka ayay Mrs. Hillary Clinton  Xoghayaha Arrimaha Dibadda Maraykanka ku sheegtay in Ms.Farah inay tahay qof mutacalimad ah oo wax badan ku soo kordhin doonta xidhiidhka  ka dhaxeeya Maraykanka iyo Muslimiinta.
“ Farah Pandith waxay ka qayb qaadan doontaa sidii dib loogu soo celin lahaa xidhiidhka  wanaagsan ee ka dhaxeeyey Muslimiinta iyo Maraykanka, iyada oo meesha laga saarayo wixii dhaawici kara xidhiidhka labada dhinac.”ayey tidhi Hillary Clinton oo markii ugu horeysay sheegtay in Xukuumada Maraykanku xooga saarayso sidii wax looga qaban lahaa xasaasiyada dhextaal Muslimka iyo Maraykanka.
Magacaabida Ergaygan ayaa ku soo beegmaysa bil kadib markii uu Madaxweyne Obama khudbad uu ka jeediyey dalka Masar ku sheegay in xukuumadiisu ay hagaajin doonto xidhiidhka ay la leeyihiin dunnida Islaamka.