Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

ISSUE 2077 June 28, 2009                  Rajab 5,1430H

Boqolaal Tahriibayaal Ah Oo Ku Qaraqmay Xeebaha Liibiya Iyo Dareenka Cabsida Leh Ee Dhalinyarada Reer Somaliland Ee Ku Qulqulaya Dalalka Waqooyiga Afrika

Kulmiye oo cadeeyey mawqifkiisa ku aadan muddo kordhinta ay Guurtidu u samaysay Madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa

Madaxweyne Obama Oo Socdaalkiisii U Horeeyay Ku Tegay Qaaradda Yurub

Xukuumadda Madaxweyne Rayaale Iyo Tirada 29 Ma Faal Baa U Qabtay

Koox Suxufiyiin Ah Oo Dhamaystay Tababar Aqooneed  Ku Saabsan  Xalinta Khilaafaadka Iyo Nabada  

Sirdoonka Iyo Habka Uu U Shaqeeyo

 

Safarkaygii Somaliland Iyo Wixii Aan Ku Soo Arkay 2008-2009

Dhalinyaradu Marnaba Ma Ogola Odayaal Korkooda Ku Legdama, Lumiyana Mustaqbalkooda

Dawladdu Xayaysiiska Caano Boodhaha Iyo Maraq Digaaga Ha iska Dayso

Wadooyin Ay Iska Kaashadeen Dawladda Hoose Iyo Dadka Ku Nool Degmada 26 June Oo Wasiirka Daakhiligu Xadhiga Ka Jooyey

Roobabkii Xilliga Guga Oo Ka Curtay Somaliland

Wakiiladda Oo Cod Aqlabiyad Ah Ku Ansixiyey Miisaaniyadda 2009, Laba Bilood Oo Fasax Ahna Galay

 

Dawladda Faransiiska Oo Megangelyo Siinaysa Tahriibayaal Afrikaan Ah Oo Ku Sugan Jaziiradda Malta

Paris June 28, 2009 (W/wararka)-Wasiirka Socdaalka ee dalka Faransiiska Erik Beeson          ayaa sheegay inay Dawladda Faransiisku ka codsatay dawladda Malta sidii taageero looga siin lahaa in 100 qof oo ka mid ah qaxoonti Afrikaan ah oo ku sugan jaziiradda Malta loo dejin lahaa dalka Faransiiska.
Wasiirka Socdaalka ee dalka Faransiisku waxa uu Qaxootiga u sheegay inay Dawladdiisu  siinayso fursad si ay uga fekeraan inay mustaqbalkooda ku qaataan Qaaradda Europe, waxaanu  ku booriyey Qaxootiga loo qaadayo dalka Faransiiska inay xushmeeyaan Dhaqanka dalkaasi, isaga oo arrintaasi sii ambaqaadayana  waxa uu Qaxootiga u sheegay inaan carruurta yaryar loo oggolaan doonin inay madaxa daboolaan ama ama ay Niqaabka wejiga ku xidhaan.
Dhinaca kale Wasiirka Arrimaha Guddaha ee Jaziiradda Malta, Karam Mifsuud Boniiki, ayaa sheegay in go'aanka ay Dawladda Faransiiska ugu oggolaatay inay 100-Qaxooti Afrikaan ah magangeliyo siiyaan ay tahay tallaabo Aadminimo, waxaanu  ugu baaqay Dawladdaha kale ee ka tirsan Ururka Midowga Europe inay ku daydaan tallaabadaasi Qaxootiga ay dawladda Faransiisku ku  siisay magangelyada.
Xabiiba Amiir Muuse oo ka mid ah Qaxootiga Soomaalida ee magangelyada ka helay dalka Faransiiska, ayaa sheegtay inay Dawladda Malta uga mahad celinayaan sida ay iyada iyo Tahriibayaasha kale uga soo badbaadiyeen Badda iyo Dawladda Faransiiska oo oggolaatay inay Qaxootigaasi qaabilaan.
Xabiibo Amiir Muusa, waxay intaasi ku dartey inay doonayso inay shaqo ka hesho dalka Faransiiska oo ay noqoto Maareeye Hoteel.
Boqolka Qaxootiga Afrikaanka u badan ee ay Dawladda Faransiisku siisay oggolaanshaha Deganaanshaha dalkeeda  oo u kala dhashay dalalka Somalia, Iver Coast, Siralanka iyo Ciraaq ayaa waxa ku jira 20-carruur, kuwaas oo la sheegay in la kala dejin doono saddex gobol oo  dalkaasi ah.
Qaxoontigan ayaa waxay ka mid yihiin Tahriibayaasha doonyaha kaga gudbay Badda Medetreneanka  ee laga  badbaadiyey Badda ka baxsan Jaziiradda Malta .
Tallabaddan Qaxootiga shisheeyaha, siiba kuwa Afrikaanka looga qaadayo Jaziiradda Malta ayaa sii kordhaysa, iyada oo ay Dawladda Maraykanku bilawgii bishan June ay magangeliyo siisay Qaxooti u kala dhashay  dalalka Somalia iyo Eritrea oo ku dhibaataysnaa Jaziiradda Malta.