Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

ISSUE 2077 June 28, 2009                  Rajab 5,1430H

Boqolaal Tahriibayaal Ah Oo Ku Qaraqmay Xeebaha Liibiya Iyo Dareenka Cabsida Leh Ee Dhalinyarada Reer Somaliland Ee Ku Qulqulaya Dalalka Waqooyiga Afrika

Kulmiye oo cadeeyey mawqifkiisa ku aadan muddo kordhinta ay Guurtidu u samaysay Madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa

Madaxweyne Obama Oo Socdaalkiisii U Horeeyay Ku Tegay Qaaradda Yurub

Xukuumadda Madaxweyne Rayaale Iyo Tirada 29 Ma Faal Baa U Qabtay

Koox Suxufiyiin Ah Oo Dhamaystay Tababar Aqooneed  Ku Saabsan  Xalinta Khilaafaadka Iyo Nabada  

Sirdoonka Iyo Habka Uu U Shaqeeyo

 

Safarkaygii Somaliland Iyo Wixii Aan Ku Soo Arkay 2008-2009

Dhalinyaradu Marnaba Ma Ogola Odayaal Korkooda Ku Legdama, Lumiyana Mustaqbalkooda

Dawladdu Xayaysiiska Caano Boodhaha Iyo Maraq Digaaga Ha iska Dayso

Wadooyin Ay Iska Kaashadeen Dawladda Hoose Iyo Dadka Ku Nool Degmada 26 June Oo Wasiirka Daakhiligu Xadhiga Ka Jooyey

Roobabkii Xilliga Guga Oo Ka Curtay Somaliland

Wakiiladda Oo Cod Aqlabiyad Ah Ku Ansixiyey Miisaaniyadda 2009, Laba Bilood Oo Fasax Ahna Galay

 

Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Oo La Kulmay Safiirka Itoobiya U Fadhiya Dalka Sweden

“Somaliland Saaxiibo Badan Ayay Ku Leedahay Itoobiya” Md. Diini Mufti

Stockholm June 28, 2009 (Haatuf)- Guddoomiyaha Golaha Wakiilada ee Somaliland ayaa waxa uu la kulmay Safiirka dalka Itoobiya u fadhiya dalka Sweden.

Wararka ka imanaya dalka Sweden ayaa waxay sheegayaan in Guddoomiyaha Golaha Wakiilada C/raxmaan Maxamed C/laahi Cirro, uu la kulmay Safiirka Dawladda Itoobiya u fadhiya dalka Sweden Mudane Diini Mufti, isla markaana ah Safiirka waddamada, Norway, Finland iyo Danmark wakiilka uga ah dalkiisa, ayaa shalay ku qaabilay xafiiskiisa Gudoomiyaha Golaha Wakiilada Mudane C/raxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) oo beryahanba socdaal hawleed ku marayey qaar ka mid ah waddamada Yurub. Guddoomiyuhu waxa uu warbixin dheer oo ku saabsan xaalada Somaliland ay ku sugan tahay u ka siiyey Mudane Diini Mufti. Mudane Diini Mufti ayaa isna kulankaas ka bixiyey warar ku saabsan siyaasada Dawlada Itoobiya ee ku saabsan arrimaha Geeska Afrika.

Waxa kale oo labada dhinac isweydaarsadeen afkaar ku saabsan dhibaatooyinka ka taagan Somalia iyo saamaynta ay ku yeelan karto Somaliland iyo Itoobiya. Waxa shirkaas goob joog ka ahaa Wakiilka Somaliland ee Sweden Mudane Caydaruus Sh Aadan. Waxa kale oo  ay madaxdu isla soo qaadeen doorashada Madaxtooyada Somaliland ee ku beegan 27 September 2009 iyo halka ay marayso Ictiraaf raadinta Somaliland.

Safiirku waxa uu sheegay in ay Somaliland leedahay saaxiibo badan oo Itoobiyaan ah iyo dad badan oo indheer garad ah (intellectuals) oo Itoobiyaan ahina ay jiraan oo aad ugu faraxsan horumarka ay Somaliland gaadhay. Kulankan ay labada dhinac wada yeesheen ayaa waxa uu ku dhamaaday is-afgarad iyo jawi fiican.