Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

ISSUE 2077 June 28, 2009                  Rajab 5,1430H

Boqolaal Tahriibayaal Ah Oo Ku Qaraqmay Xeebaha Liibiya Iyo Dareenka Cabsida Leh Ee Dhalinyarada Reer Somaliland Ee Ku Qulqulaya Dalalka Waqooyiga Afrika

Kulmiye oo cadeeyey mawqifkiisa ku aadan muddo kordhinta ay Guurtidu u samaysay Madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa

Madaxweyne Obama Oo Socdaalkiisii U Horeeyay Ku Tegay Qaaradda Yurub

Xukuumadda Madaxweyne Rayaale Iyo Tirada 29 Ma Faal Baa U Qabtay

Koox Suxufiyiin Ah Oo Dhamaystay Tababar Aqooneed  Ku Saabsan  Xalinta Khilaafaadka Iyo Nabada  

Sirdoonka Iyo Habka Uu U Shaqeeyo

 

Safarkaygii Somaliland Iyo Wixii Aan Ku Soo Arkay 2008-2009

Dhalinyaradu Marnaba Ma Ogola Odayaal Korkooda Ku Legdama, Lumiyana Mustaqbalkooda

Dawladdu Xayaysiiska Caano Boodhaha Iyo Maraq Digaaga Ha iska Dayso

Wadooyin Ay Iska Kaashadeen Dawladda Hoose Iyo Dadka Ku Nool Degmada 26 June Oo Wasiirka Daakhiligu Xadhiga Ka Jooyey

Roobabkii Xilliga Guga Oo Ka Curtay Somaliland

Wakiiladda Oo Cod Aqlabiyad Ah Ku Ansixiyey Miisaaniyadda 2009, Laba Bilood Oo Fasax Ahna Galay

 

Xaflad Ku Saabsan Dhamaadka Waxbarasho Ee Sanadka  2008-2009 Ee Jaamacadda Eelo-American Oo  Lagu Qabtay Boorama

Boorama, June 28, 2009 (Haatuf) - Xaflad aad loosoo agaasimay oo ku saabsan  dhamaadka sanad dugsiyeedka 2008-2009 ee Jaamacadda Eelo-American ayaa lagu qabtay Hotel-ka Rays ee magaaladan Boorama, taas oo ay ka soo qay galeen masuulyiinta Jaamacadda Eelo-American, madaxda jaamacadda Cammuud, maamualayaasha dugsiyada sare ee magaalada Boorama Qaarkood, madaxda Hay'adaha  caalmiga ah iyo kuwa waddaniga ah ee ka hawlgala Halkaasi, Masuulyiin ka socday Jaamacada Hargeysa, madaxda Akademiyadda nabadda qaarkood, madaxda xisbiyada mucaaradka ah qaarkood iyo ku dhawaad 500 oo arday oo wax ka dhigata Jaamacadda Eelo-American.

Xafladdan oo ay soo qabanqaabiyeen guddiyada ardayda ee kulliyadaha kaladuwan ee Jaamacaddaasi oo socotay ilaa habeenbadhkii xalay ayaa waxa khudbado isugu jiray  horumarka jaamacaddaasi ku soo kordhisay guud ahaanba waxbarashada Somaliland, gaar ahaana gobolka Awdal, magac iyo maamuusna kusoo kordhisay jaamacadaha dalka Somaliland.

Munaasabaddii habeen hore ka dhacday halkaasi ayaa sidoo kale waxa lagu qiimaynayey wabarashadii sannadugsiyeedka 2008-2009, laguna qiimeeyey heerka waxbarashada saddexda kulliyadood  oo kala ah kulliyadda Injneerinka, kullaiyadda Computer Sayniska iyo kulliyadda maamulka iyo maaraynta, qiimayntaas oo ay soo saareen macallimiinta ajnebiga ah ee jaamacadaasi ka dhigta oo laga soo saaray Qiimaynta kulliyadahaasi ayaa waxa  kaalainta koowaad ka gashay gabadh ka mid ah gabdhaha wax ka barta jaamacaddaasi, kana sarraysay dhammaan wiilasha wax ku barta jaamacadaasi.

Habeen hore ayaa sidoo kale waxa xafladaasi ka hadlay xubno ka tirsan jaamcada Eelo, kuwaas oo ka waramay heerka waxbarasho ee jaamacadda Eelo iyo ujeedada laga leeyahay inay jaamacadaha kale ee Somaliland kaga hormarto dhinaca waxbarashada kulana tartanto  waxbarashada jaamacadaha caalamka, maadaama ay jaamacadda Eelo ka mid tahay laamaha Jaamacadda Washigton University ee dalka maraykanka, isla markaana uu masuul ka yahay  ku xigeenka hormoodka Jaamacadaasi oo dhalasho ahaan ka soo jeeda dalka Maraykanka, horena booqasho ugu yimi magaalada Boorama markii la furayey jaamacadaasi.

Si kastaba ha ahaatee habeen hore ayaa lagu soo bandhigay ciyaaraha hiddaha iyo dhaqanka, suugaan iyo ballanqaadyo kale oo ay ardaydaa jaamacadaasi xalay kaga dhawaaqeen furitaanka wargeysa cusub oo jaamacaddaasi yeelato lana magacbaxay Weedhsan, iyadoo dhinaca kalena ardayda jaamacaddaasi ballanqaadeen inay ka qayb qaadanayaan abuuritaanka Bangiga dhiigga oo laga furayo Cusbitaalka Guud ee Boorama, kuna tabaruci doonaan dhiig kayd ah oo lagu badbaadiyo dadka u baahda.

Ballanqaadkaas oo agaasimaha Cusbitaalka Boorama Ismaaciil Xaaji Muxumed Aye uga mahdceliyey Jaamacaddaasi ardayda ku jirta iyo masuulyiinteeda sida ay dadkooda ugu muujiyeen naxariista iyo waddaninimada.