|
Home | Contact Us | Links | Archives |
| ISSUE 2077 | June 28, 2009 Rajab 5,1430H | |
|
Madaxweyne Obama Oo Socdaalkiisii U Horeeyay Ku Tegay Qaaradda Yurub Xukuumadda Madaxweyne Rayaale Iyo Tirada 29 Ma Faal Baa U Qabtay Koox Suxufiyiin Ah Oo Dhamaystay Tababar Aqooneed Ku Saabsan Xalinta Khilaafaadka Iyo Nabada Sirdoonka Iyo Habka Uu U Shaqeeyo
Safarkaygii Somaliland Iyo Wixii Aan Ku Soo Arkay 2008-2009 Dhalinyaradu Marnaba Ma Ogola Odayaal Korkooda Ku Legdama, Lumiyana Mustaqbalkooda Dawladdu Xayaysiiska Caano Boodhaha Iyo Maraq Digaaga Ha iska Dayso Wadooyin Ay Iska Kaashadeen Dawladda Hoose Iyo Dadka Ku Nool Degmada 26 June Oo Wasiirka Daakhiligu Xadhiga Ka Jooyey Roobabkii Xilliga Guga Oo Ka Curtay Somaliland Wakiiladda Oo Cod Aqlabiyad Ah Ku Ansixiyey Miisaaniyadda 2009, Laba Bilood Oo Fasax Ahna Galay
|
26 June Oo Si Balaadhan Loogu Xusay Dalka Sucuudiga Kana Soo Qaybgaleen Guddoomiyaha Xisbiga UCID Riyad, June 28, 2009 (Haatuf)- munaasibadan lagu xusayey 49 guurada ka soo wareegtay xornamada Somaliland ee laga qaatay boqortooyada ingiriiska 1960 ayaa lagu xusay caasimada Rayaad ee dalka Sucuudiga . Munaasibadan lagu xusayey 26 june maalinta xornimada Somaliland isla markaana ah meeshii ugu horaysay oo calan somaliyeed laga taago ayaa si weyn oo aan loo kala hadhin lagu qabtay dalkaas, waxaana ka soo qaybgalay wefti uu hogaaminayey guddoomiyaha xisbiga UCID Eng:Faysal Cali Waraabe iyo ku xigeenkiisa Dr:Maxamed-Rashiid Sh. Xasan, taas oo si weyn loogu soo dhaweeyey. Xaflad sida heerka sare loo soo agaasimay ayaa waxa soo qaban qaabiyey Ururka Dhallinyarada Somaliland ee Saudi Arabia ( SSYO), taas oo habeen hore si balaadhan loogu xusay lagana sheekeeyey sida ay ku timid maalintan iyo halgankii dheeraa ee loo soo galay xornimada Somaliland. xafladan ayaa waxa isugu yimid dadweyne boqolaal kor u dhaafay oo rag, dumar iyo carruur isugu jira, oo dhammaantood lulayay calanka Somaliland. Bilowgi furitaanka waxa kelmad isugu jirta ahmiyadda ay leedahay maalinta 26 June, iyo dareenkii habeenkaa jiray ka jeediyay Axmed Xuseen Ismaaciil, waxaanu si qota dheer uga sheekeeyay taariikhdii gumaysiga ee Afrika guud ahaan iyo quruumihii Soomaaliyeed gaar ahaan, waxaanu soo qaatay tuducyo ka mid ah suugaanihii kala gadisnaa ee ay abwaanadii xilligaa noolaa habeenkii ka tiriyeen madashii calanka lagu saarayay beerta xorriyadda ee magaalada Hargeisa. Md:Suleymaan Yuusuf oo ka mid ah odayaasha Riyaad ayaa isaguna si qoto dheer uga sheekeeyay, halgankii dorraad ( 1960kii iyo ka hor), kii shalay (SNM iyo halgankii dib-u-xoraynta) iyo ka maanta, isaga oo hubaal geliyay sida aanay reer Somaliland uga go’aan tahay inay ku fara adaygaan qarannimadooda, mar dambena aanay dhayal ugu lumin doonin gobannimadooda ay dhiigga badan u soo daadiyeen. Guddoomiyaha Ururka Dhallinyarad Somaliland ee Sacduudi Carabiya (SSYO), Liibaan Barre Awgaab ayaa isaguna munaasibadda ka jeediyay ereyo kooban oo uu ku soo dhaweynayo marti sharafta kagana sheekeeynayo taariikhdii asaaskii ururka SSYO. Axmed Cali Mahdi, oo ku hadlaya magaca jaalliyadaha Somaliland ee Saudi Arabia ayaa isna munaasibadda ka hadlay, isaga oo tilmaamay sida ay dadweynaha reer Riyaad ugu farax sanyihiin ka soo qabygalka ay munaasibadda kala soo qayb galeen madax ka socota dalkii hooyo, waxaanu uga mahadceliyay madaxda ururka UCID sida farxadda leh ee ay ugula ciideen munaasabadda sannad guurada 49aad ee ka soo wareegtay markii ay Somaliland xornimada ka qaadatay gumaystihii ingriiska. Axmed Cali Mahdi waxa uu ku guubaabiyay dhammaan dadkii munaasabadda ka soo qaybgalay inay isku duubnaadaan oo ay iska illaawaan xisbinimada oo ay meel uga soo wada jeestaan hawlaha qaranka noocay doonaan ha noqdaane. Guddoomiyaha xisbiga UCID Eng. Faysal Cali Waraabe ayaa isaguna munaasibaddaa ka jeediyay ereyo uu ugu mahadnaqayo dadweynaha Riyaad sida ay ugu soo dhaweeyeen munaasibaddan qaaliga ah, waxaanu ku dardaaray dhammaan dadweynaha reer Somaliland meel kasta oo ay joogaan inay dalkooda ka war hayaan, oo ay caqli iyo cilmi wixii karaankooda ahna aanay waxba kala hadhin. Waxaa kale oo uu Gudoomiyuhu uga ka warramay xaaladda dalku ku suganyahay, waxaanu tilmaamay in khilaafaadka yaryar ee ka jira arrimaha doorashada lagu dhammayn doono wada hadal sidii looga bartay Somaliland, doorashaduna ay xilliga loo qorsheeyay dhici doonto in sha’allah. Dr. Maxamed Rashid Sheikh Xassan ayaa isaguna ku guubaabiyay dadweynaha munaasabadda isugu yimid inay dalkooda ka warhayaan, oo ay ogaadaan in qof kasta oo u dhashay Somaliland mas’uuliyadi ka saaran tahay horumarinta Somaliland. Waxa halkaa ku soo bandhigay ciyaar dhaqameed aad looga helay ku soo bandhigay gabdho iyo wiilal ku labbisan dhar lagu soo nashqadeeyay midabbada calanka Somaliland, oo dadweynaha horkeenay ciyaar aad looga helay. Ugu danbayntii Mudane AXmed Awliyo oo ku hadlayay magaca qabanqaabiyayaasha xafladda ayaa isaguna ka hadlay munaasabaddan isaga oo madaxda ururka UCID iyo dhammaan ka soo qaybgalayaasha uga mahadceliyay sida fiican ee ay ugala soo qaybgaleen xafladdan lagu xusayo munaasabadda 26 June. |