Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

ISSUE 2077 June 28, 2009                  Rajab 5,1430H

Boqolaal Tahriibayaal Ah Oo Ku Qaraqmay Xeebaha Liibiya Iyo Dareenka Cabsida Leh Ee Dhalinyarada Reer Somaliland Ee Ku Qulqulaya Dalalka Waqooyiga Afrika

Kulmiye oo cadeeyey mawqifkiisa ku aadan muddo kordhinta ay Guurtidu u samaysay Madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa

Madaxweyne Obama Oo Socdaalkiisii U Horeeyay Ku Tegay Qaaradda Yurub

Xukuumadda Madaxweyne Rayaale Iyo Tirada 29 Ma Faal Baa U Qabtay

Koox Suxufiyiin Ah Oo Dhamaystay Tababar Aqooneed  Ku Saabsan  Xalinta Khilaafaadka Iyo Nabada  

Sirdoonka Iyo Habka Uu U Shaqeeyo

 

Safarkaygii Somaliland Iyo Wixii Aan Ku Soo Arkay 2008-2009

Dhalinyaradu Marnaba Ma Ogola Odayaal Korkooda Ku Legdama, Lumiyana Mustaqbalkooda

Dawladdu Xayaysiiska Caano Boodhaha Iyo Maraq Digaaga Ha iska Dayso

Wadooyin Ay Iska Kaashadeen Dawladda Hoose Iyo Dadka Ku Nool Degmada 26 June Oo Wasiirka Daakhiligu Xadhiga Ka Jooyey

Roobabkii Xilliga Guga Oo Ka Curtay Somaliland

Wakiiladda Oo Cod Aqlabiyad Ah Ku Ansixiyey Miisaaniyadda 2009, Laba Bilood Oo Fasax Ahna Galay

 

Ciidamada AMISOM Ee Jooga Somalia Oo Sheegay Inay Furayaan Radio Ku Hadla Afka Soomaaliga

Muqdisho, June 28, 2009 (W.Wararka) - Taliyaha Ciidamada AMISOM ee fadhigoodu yahay Magaalada Muqdisho Ganeral France Okelo ayaa shaaca ka qaaday inay furayaan idaacada ku hadasha Afka Soomaaliga, taas oo uu sheegay in ay dhawaan ka hirgelin doonaan gudaha Dalka Somalia.

Ganeral France Okelo oo ah taliyaha ugu sareeya ciidamada Midowga Africa ee jooga Somalia oo u waramayay warbaahinta ka hawlgasha Somalia ayaa waxa uu shaaca ka qaaday in ay furanayaan Idaacada ku hadasha Afka Soomaaliga, taas oo uu sheegay in qof waliba uu ka dhegaysan doono Raadiyaasha yar yar ee FM-ta.

“Waxa ay Ilatahay raadiyahan inay ka faa’iidaysan doonaan shacabka Soomaalida si ay u ogaadaan xaqiiqada jirta, waxa ay xaruntiisu noqonaysaa dalka Soomaaliya” ayuu yidhi Ganeral France Okelo.

Waxa uu sidoo kale sheegay Okelo in Idaacadani ay ka hadli doonto doono xagga Nabada, isagoo sheegay inay ka hadlayaan dad uu sheegay inay jecelyihiin in talo la weydiiyo, waxaana uu shacabka ugu baaqay in marka uu Raadiyahaasi hawada soo galo inay u dhaga nuglaadaan oo ay dhageystaan.

Saxafiyiinta ka hawlgali doona Idaacadaasi ayaa waxaa uu sheegay Ganeral France Okelo inay yihiin Soomaali, kuwaasi oo uu tilmaamay in aan la dhibaatayn doonin oo ay sugayaan Amaankooda.

“Dhamaan Saxafiyiinta ka howlgalayay Idaacdaa ma noqonayaa Badhtilmaameed sidaasi si la mid ah waxa looga  baahan yahay inay ka hadlaan dadka nabadda jecel oo ay codkooda iyo aragtidooda ay ka dhiibtaan” ayuu intaasi raaciyay Ganeral Okelo.

Hadalkan ka soo baxay Ciidamada AMISOM ee ku sugan Magaalada Muqdisho ayaa ku soo beegmaya xili mudooyinkii ugu dambeeyay la hadal hayey in AMISOM ay qorshaynayso inay furtaan Idaacad ku hadasho Afka Soomaaliga.