Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

ISSUE 2077 June 28, 2009                  Rajab 5,1430H

Boqolaal Tahriibayaal Ah Oo Ku Qaraqmay Xeebaha Liibiya Iyo Dareenka Cabsida Leh Ee Dhalinyarada Reer Somaliland Ee Ku Qulqulaya Dalalka Waqooyiga Afrika

Kulmiye oo cadeeyey mawqifkiisa ku aadan muddo kordhinta ay Guurtidu u samaysay Madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa

Madaxweyne Obama Oo Socdaalkiisii U Horeeyay Ku Tegay Qaaradda Yurub

Xukuumadda Madaxweyne Rayaale Iyo Tirada 29 Ma Faal Baa U Qabtay

Koox Suxufiyiin Ah Oo Dhamaystay Tababar Aqooneed  Ku Saabsan  Xalinta Khilaafaadka Iyo Nabada  

Sirdoonka Iyo Habka Uu U Shaqeeyo

 

Safarkaygii Somaliland Iyo Wixii Aan Ku Soo Arkay 2008-2009

Dhalinyaradu Marnaba Ma Ogola Odayaal Korkooda Ku Legdama, Lumiyana Mustaqbalkooda

Dawladdu Xayaysiiska Caano Boodhaha Iyo Maraq Digaaga Ha iska Dayso

Wadooyin Ay Iska Kaashadeen Dawladda Hoose Iyo Dadka Ku Nool Degmada 26 June Oo Wasiirka Daakhiligu Xadhiga Ka Jooyey

Roobabkii Xilliga Guga Oo Ka Curtay Somaliland

Wakiiladda Oo Cod Aqlabiyad Ah Ku Ansixiyey Miisaaniyadda 2009, Laba Bilood Oo Fasax Ahna Galay

 

Diyaaradda Ethiopian Airline Oo Xafiiskeedii Hargeysa U Magacowday Wakiil Shirkadda Noble Travel

Hargeysa, June 28, 2009 (Haatuf) - Xafiiska guud ee shirkadda diyaaradaha ee Ethiopian Airline ee magaalada Addis Ababa, ayaa wakiil iib oo rasmi ah u soo magacowday magaalada Hargeysa ee xarunta Somaliland.

Noble Travel Agency oo ah shirkad wadani reer Somaliland ah ayaa ku guulaystay inay wakiil uga noqoto shirkadda diyaaradaha Ethiopian Airline oo qaraxyadii Hargeysa ka dhacay 29-kii October kadib joojiysay duulimaadyadeedii ay ku iman jirtay Somaliland. Waxaanay shirkadan wakiilka u noqonaysaa ee Noble u qabanaysaa adeegyada isku xidhka tigidhyada ee adduunka oo dhan, isla markaana waxay xidhiidh wadashaqayneed la leedahay shirkadaha diyaaradaha maxaliga ah ee ka shaqeeyo Hargeysa iyo Addis Ababa, kuwaas oo dadweynaha ku xidhi doona duulimaadyada shirkadda Ethiopian Airline ee Addis Ababa iyo dunida inteeda kale.

Agaasimaha shirkadda Noble Travel Mr. Cabdiqafaar Maxamuud Ciise, ayaa ka xog-waramay wakiilkan cusub ee loo magacaabay shirkadda Noble Travel Agency, isagoo sheegay in saddex shirkadood oo loo xulay inay u tartamaan wakiilka Somaliland ee shirkadda oo kala ahaa Noble Travel Agency, Hargeisa National Travel And Truism Agency (HANTTA) iyo Olympic Travel Agency, balse ay kulankii lagu kala saarayey oo ka dhacay magaalada Addis Ababa 11 March 2009 ay ka qaybgaleen labada shirkadood ee Travel Agency iyo Hargeisa National Travel And Truism Agency (HANTTA), kaas oo si rasmi ah loogu dhawaaqay natiijadiisii 27 April inay ku guulaysatay shirkadda Noble Travel Agency.

“Noble Travel Agency waxay ahayd shirkad maxali ah oo la shaqaysa diyaaradaha duulimaadyada gudaha iyo dibadaba samaysa sida Daallo Airline, Juba Airways iyo African Airways, kuwaas oo aannu u samayn jirnay adeegyo rakaabka raacaya, isla markaana waxaannu xidhiidh wayn la lahayn shirkadda Ethiopian Airline oo aannu u gudbinay tiraba afar codsi in aannu u noqono wakiilka iibka ee somaliland u fadhiya, kadib qaraxyadii 29-kii October ka dhacay Hargeysa waxay keeneen inay istaagay duulimaadyadii Ethiopian Airline. Intaa kadib waxa maamulka shirkadda Ethiopian Airline laga codsaday in la soo xulo saddex shirkaddood inay ka soo qaybgalaan tartan lagu xulanayo cidii wakiilka iibka u noqon lahayd Ethiopian Airline,” ayuu yidhi Mr. Cabdiqafaar Maxamuud, waxaannu intaa raaciyey, “Tartankaas waxa 11-kii March Addis Ababa kaga qaybgalay shirkadaha Travel Agency iyo Hargeisa National Travel And Truism Agency (HANTTA), waxaanuna halkaasi ka jeedinay khudbado iyo waraysi nalaga qaaday oo nalagu kala saarayo. Nasiib wanaag waxa nalagu soo wargeliyey 27-kii April inay ku guulaystay Noble Travel Agency inay wakiil u noqoto Ethiopian Airline.”

Agaasimaha Noble Travel Agency Mr. Cabdiqafaar isagoo sharraxaad ka bixinaya qaabka ay shirkada wakiilka u yihiin ula shaqaynayaan, waxa uu yidhi; “Hadda waxaannu la shaqaynaynay bilihii April iyo May shirkadda Ethiopian Airline annagoo iibinaynay tigidhadeeda oo la shaqaynaynay xafiiska shirkaddu Jabuuti ku leedahay, iminka waxaannu si rasmi u furaynaa oo aannu ugu wargelinaynaa in aanu nidaamkii Online-ka ka dhigayno sidii shirkaddu u shaqaysay oo kale, kadib markii Noble Travel buuxisay shuruudihii looga baahnaa iyo damaanadiiba. Ethiopian Airline waa shirkad weyn oo caalamka oo dhan ka shaqaysay, xafiisyadeedu waxay u qaybsamaan laba qaybood oo kala ah mid la yidhaa Online Office (xafiis furan iyo diyaarada oo imanaysa) iyo Offline Office (xafiis furan iyo diyaarada oo aan imanayn), tusaale ahaan dalka Maraykanka shirkaddu waxay ka tagtaa magaalada Washington oo keliya, laakiin inta kale oo dhan waxay ku leedahay xafiis sida kan Hargeysa oo kale ah. Markaa iminka diyaaradii ma imanayso Hargeysa, laakiin waxay ku leedahay xafiis iib, kaas oo ku soo xidhaya diyaaradaha kale.”