|
Home | Contact Us | Links | Archives |
| ISSUE 2077 | June 28, 2009 Rajab 5,1430H | |
|
Madaxweyne Obama Oo Socdaalkiisii U Horeeyay Ku Tegay Qaaradda Yurub Xukuumadda Madaxweyne Rayaale Iyo Tirada 29 Ma Faal Baa U Qabtay Koox Suxufiyiin Ah Oo Dhamaystay Tababar Aqooneed Ku Saabsan Xalinta Khilaafaadka Iyo Nabada Sirdoonka Iyo Habka Uu U Shaqeeyo
Safarkaygii Somaliland Iyo Wixii Aan Ku Soo Arkay 2008-2009 Dhalinyaradu Marnaba Ma Ogola Odayaal Korkooda Ku Legdama, Lumiyana Mustaqbalkooda Dawladdu Xayaysiiska Caano Boodhaha Iyo Maraq Digaaga Ha iska Dayso Wadooyin Ay Iska Kaashadeen Dawladda Hoose Iyo Dadka Ku Nool Degmada 26 June Oo Wasiirka Daakhiligu Xadhiga Ka Jooyey Roobabkii Xilliga Guga Oo Ka Curtay Somaliland Wakiiladda Oo Cod Aqlabiyad Ah Ku Ansixiyey Miisaaniyadda 2009, Laba Bilood Oo Fasax Ahna Galay
|
Wasiirada Arimaha Dibeda Ee Dalalka G8 Oo Soo Bandhigay Qorshe Lagu Samaynayo In Lagu Tababaro Ciidamada Xeebaha Somalia Iyo Wadamada Khaliijka Tristan, June 28, 2009 (W.Wararka) - Wasiirada Arimaha Dibeda ee dalalka Warshadaha hore uga maray ee G8 ayaa soo bandhigay qorshe lagu samaynayo shabakad caalami ah oo lagu tababarayo ciidamada ilaalada xeebaha ee somalia iyo wadamada khaliijka, taas oo wax weyn ka qaban karta budhcad badeeda ka qawlaysata xeebahaasi. Hindisaha wasiirada arrimaha dibada ee dalalka horumaray ee loo yaqaan G-8 ayaa kulan ay yeesheen shalay gabagabadii shirkaas ka soo saaray bayaan lagu soo bandhigay hindisaha oo lagu doonayo in lagu samaynayo shabakad caalami ah oo lagu tababaro ciidamada ilaalada xeebaha Somalia iyo khaliijka. Shirkan oo ka dhacay magaalada Tiristi ee dalka Talyaaniga, ayaa waxay xuseen wasiirada arrimaha dibada ee dalalka horumaray inuu hindisahaasi wax ka qaban karo budhcad badeedda ka qawlaysta biyaha Somalia. Wakaalladda Wararka ee AKAAY ee dalka Talyaaniga laga leeyahay ayaa sheegtay in Wasiirradda Arrimaha Dibedda ee dalalka Talyaaniga, Britain, Jarmalka, Maraykanka, Jabaan, Kanada iyo Raashiya isla garteen muhiimadda ay leedahay in tababar loo fidiyo Ciidanka Ilaaladda Xeebaha ee dalalkaasi. Wasiirka Arrimaha Dibedda ee dalka Talyaaniga, Faranko Farantiini oo isagu xilligan Madax ka ah Kooxda Caalamiga ee Isku-xidhka Somalia, ayaa sheegay in dawladiisa diyaar u tahay inay tababaraan ciidanka Xuduudaha iyo Booliska ee dalka Somalia, xitaa haddii lagu tababarayo Ciidda dalka Talyaaniga. Dhinaca kale, Hindisaha ay Dawadaha ku bahoobay Kooxda G-8 ayaa waxa uu qaab ahaan u dhigmaa Hindisaha uu Hoggaamiyaha dalka Liibiya, Kornel Mucamar Al-qadaafi ku sheegay in wax looga qaban karo Burcad-baddeeda ka qowleysata Xeebaha dalka Somalia. Kornel Qadaafi, waxa uu sheegay inuu nuqullo ka mid ah Hindisahaasi uu bisha soo socoto u soo gudbin doono QM iyo dawadaha Midowga Europe, wuxuuna hoosta ka xariiqay in loo baahan yahay in la xushmeeyo Danaha Dhaqaale ee Badda Somalia |